Sh. Xassan Yacquub oo Xilkii laga Qaaday

Kismaayo (KON) - Horjoogayaasha sare ee Kooxda Shabaab ayaa xilikii Gudoomiyenimo ka xayuubiyay Sheekh Xassan Yacquub Cali oo mudo badan ahaa Gudoomiyaha Maamulka Kooxda Shabaab ee magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online

Wareegtoa ka soo baxday hogaamiyaasha sar sare ee kooxda Shabaab gaar ahaana kuwa u qaabilsan dhanka Maamulada gobbolada ay ka arrimiyaan ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Sheekh Xassan Yacquub Cali oo ahaa Gudoomiyaha magaalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale wareegtadaasi lagu badalay Sheekh Xassan Yacquub Lagu Badalay lagu magacaabay Gudoomiye cusub oo ay yeelato magaalada Kismaayo kaasoo magaciisa lagu sheegay Sheekh Abuu Xabeeb oo horay u ahaa Gudoomihii Kooxda Shabaab ee degmada Jamaame ee gobbolka Jubbada Hose.

Xassan Yacquub ayaa xilka Gudoomiyenimo ee magaalada Kismaayo ee kooxda Shabaab ugu magacaawnaa ilaa sadex sano, waxaana loo magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Kismaayo sanadkii 2010 kaidib markii Sheekh Cabdiqani Kabajacel oo xiligaasi Gudoomiyaha Kismaayo ahaa xilkii laga qaaday.

Sheekh Xassan Yacquub ayaa ka soo jeeda gobbolada Bay iyo Bakool, halka ninka hadda Gudoomiyaha Kismaayo loo magacaabayna la sheegayo inuu ka soo jeedo gobbolada Dhexe ee dalka.

Sikastaba waa gudoomiyihii afraad oo ay Kismaayo yeelato tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku heynta magaaladaasi Kooxda Shabaab.

Keydmedia Onlien - Xafiiska Kismaayo




Maqaallo 30 October 2020 17:53

Madaxweynaha JFS Mudane Farmajo iyo Xukuumadda DF waxay ogaayeen ku dhowaad 4 sano ee la soo dhaafay in mudda xileedka Barlamaanka iyo Madaxweynaha  DG Hirshabelle uu ku ekaa 9 iyo 16 Oktoobar 2020 sida ay u kala horreeyaan, taaso fareysay in bil ka hor dhammaadka mudda xileedkaas loo baahan yahay doorashada barlamaan iyo Madaxweyne cusub.