Shirka Baydhabo & Shirqoolka Madaxtooyada

Keydmedia Online - Wafdi balaaran oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Shalay oo Sabti ah gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo la fidiyay Gogol loogu sameynayo Maamul Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Maqaallo Keydmedia Online

Sodomeeyo Xildhibaan oo uu horkacayo horkacaaya Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaaray Magaaalo Madaxda Gobolka Baay.

Sharif Xasan iyo Xildhibaanada kale ee la socdo, ayaa waxaa loo galbiyay Hotel Bakin, iyadoo Ciidamada DFS iyo AMISOM ay Amaanka Baydhobo si weyn u adkeeyeen.

Sidoo kale, Baydhabo hadda waxaa ku sugan Odayaal, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Haween ka kala yimid Gobolada Shabeelaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, kuwaasi oo lagu casumay inay ka qeybgalaan Shirkan maamulka lagu sameynayo “Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya”.

Shirqoolka Madaxtooyada Muqdisho

Xasan Sheekh, Faarax C/qaadir 'Fraax Tobaz' iyo Hogaamiye Kooxeedka Raaskambooni oo dhawaan Dowladdu u Magacawday Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa aad uga soo horjeeda, waxeyna ku mideysan yihiin Walwalka ka imaan doona dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Waxeyna ka walwalsanyihiin Shirku soo dhaweyn iyo Taageerada Siyaasaddeed uu ka helay Shacab-weynaha Degaanka Goboladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Xulufadiisa aan kor kusoo sheegnay iyo Sharif Xasan Sheikh Aadan "Sharif Sakiin" ayaa waxaa dhexmaray Heshiis Xulufeysi ah sidii loo Fashilin lahaa Maamulkaas, oo ay u arkaan in uu Qatar ku yahay Heshiiskii Afduubka ahaa ee lagu maleegay Magaalada Muqdisho oo ay ku Aqoonsadeen Maamulka Axmed Madoobe.

Sharif Xasan Sheikh Aadan "Shariif Sakiin", Madaxweyne Xasan iyo Faarax C/qaadir "Faarax Tobaz" waxey hore u galeen Heshiis, Heshiskaas oo ahaa in 45 Xildhibaan oo Digil iyo Mirifle ah iyo 37 oo isugu jira Beesha Hawiye iyo Beesha Shanaad ay ridaan RW Saacid, kadibnah markii Qorshaas hirgallo Shariif Xasan loo dhoo-dhoobo Maamulka ka kooban 3 Gobol kaliya (Baay, Sh/hoose iyo Bakool) oo uu Asagu Madaxweyne ka yahay.

Kadib markii uu Shariif Xasan fuliyay wixii lagu balamay, ayaa Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir waxay wadaan “Qorshe” ay ku taageerayaan Shariif Xasan, laguna Fashilinayo Shirweynaha hadda ka socda Magaalada Baydhabo ee lagu dhisayo Maamul Goboleedka ka kooban Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku wajahan Baydhobo

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hada ku sugan Aqoonyahan, Cuqaaal, Culumaa'ul Diin iskaga yimid darfaha Adduunka.

Dhinaca kale, Magaalada Baydhabo waxaa ka soconeysa qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxaa Safarkiisa Baydhaba waxaa xaqiijiyay Xildhibaan Sheekh Aden Madoobe oo hada ku sugan magaalada Baydhaba ee Xarunta gobalka Baay.

Si kastaba, Gudomiye Jawaari ayaa waxa uu ahaa qaban qaabiyaha Maamulkan la dhisayo, isaga oo ku baaqay dhamaan Odayaasha qaban qaabinayo Shirkaan in ay dadajiyaan.

Shirka Baydhobo, ayaa waxaa la doonayaa in Maamul Goboleed loogu sameeyo 6 Gobolka oo ku yaalla Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo 3 kamid ah, Gedo, Jubadda Hoose iyo Jubadda Dhexe horey loogu sameeyay Maamul KMG ah oo DFS ay aqoonsatay.

Keydmedia Online - Editorial Desk, Muqdisho




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.