Shirka Soomaaliya ee London | Warbixin

Keydmedia Online - Waxaa Maanta si toos ah uga furmey aqalka Lancaster House ee magaalada London, Shir ay Dowladaha UK iyo Soomaaliya soo abaabuleen oo looga hadlaayo dib u dhiska iyo xasilinta Soomaaliya.

Halkaan ka Daawo Khudbadii Wasiirka Arimaha Dibada


Waxaa la soo dhoweeyay abuuritaanka Howlgal cusub oo Qaramada Midoobay ah UNSOM ee Soomaaliya.

Waxaa war murtiyeedku lagu xusay in Shirku Aqoonsaday doorka qaramada midoobay iyo midowga africa ee Soomaaliya.

Shirka ayaa isku raacay in Soomaaliya ay samaysay horumar la taaban karo. Laakiin Siduu hormarkaas noqon doono, lama shaacin!

War murtiyeedka waxaa lagu xusay in xoogga la saarayo ballanqaadka dowladda ee fulinta heshiis cusub ee dalalka nugul nidaamka heshiis ku salaysan.[BBC]


Waxaa Daqiiqado kahor lasoo gabagabeeyay shir saxaafadeedka ay madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaaraha Britain David Cameron saxaafadda u qabteen.


Shirkaan oo si aad ah looga hadlay baahiyada Soomaaliya, dib u dhiska dalka, amaanka iyo arimo badan oo kale ayaa waxaa jira dhqaalo badan oo dowladaha ka soo qaybgalay shirka ay ugu deeqeen Soomaaliya.

Dhaqaalaha loogu yaboohay dowlada:-

Midowga Yurub 44 Million Euro oo lacagta Yurub ah waxaana lacagtaasi loogu talagalay hormarinta dhinacyada ammaanka iyo cadaalladda.

Dowlada Ingiriiska ayaa iyana ku deeqday 50-Milion oo dollar.

75-Million $ Dowladda Denmark dhinacyada hormarinta cadaalladda.

Dowladda Mareykanka 40 Million $ oo doolarka Mareykanka.

Turkiga 10 Million $ oo dollar dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Qatar 18 Million $ oo dollar.

14:45: Keydmedia ayaa sidoo kale si hor dhac u heshay qaarka mid ah war-martiyeedka laga soo saarayo shirka waxaana ka mid ah:-

Bogaadin loo jeediyey guullaha siyaasadeed ee dowladdu gaartay dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka oo ay ugu horeeyaan  ka gudbidii KMGka iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay.

In Al-Shabaab la dagaalankeeda la dhameystiro oo ay caalamku wadajir uga qeyb qaataan.

Dhameystirka Dastuurka qabyada

La dagaalanka Burcadbadeedda iyo dib u habeynta Garsoorka

In dowladda laga gacansiiyo fulinta qodobada u degsan si dalka ay u gaarsiiso 2016doorasho

Soo dhaweynta wadahadallada DFS iyo Somaliland

Hirgelinta Federaalka oo si wadajir ah loo taageeray sida ay dowladdu u wado.

In la siiyo dowladda taageerro dhaqaale oo caalami ay ayadoo la sameynayo sanduuq ay wax ku wada ridaan bankiga aduunka iyo hay’adaha caalamiga iyo dalalka  deeqaha bixiya.

Goordhow ayaa waxaa lagu wadaa in ay si wadajir ah shir saxaafadeed ugu qabtaan arunta wasaarada arimaha ee dowlada Uk madaxweynaha Soomaaliya iyo waliba Raysal wasaaraha dowlada Ingiriiska ayagoo faah faahin ka bixin doono waxyaabaha ka soo baxay shirkaan.


14:40 Bannaanbaxyo ayaa ka socda goob u dhow halka uu shirku ka dhacayo, oo looga soo jeedo diidmada dowladda ee qaabka maamulka loogu samaynayo gobolada Jubbooyinka ee ay wadaan dad taageersan waxa loogu Magacaabay Jubaland.


14:10: Goor dhow ayaa la soo saarayaa war murtiyeedka Shirka


Halkaan ka Daawo Khudbada Madaxweynaha


12:40 [Saacada London] - Shirka oo u hakaday Qado (Break)


  • Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamud iyo ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa si wadajir ah u Shir-gudoominayaan.

  • Shirka Waxaa kasoo qayb-galeen xubno ka socda illaa 58 dowladood iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Midowga Afrika iyo UN.

  • Shirku waxaa uu higsanayaa in uu taageero caalami ah siiyo Dowladda Cusub ee Soomaaliya.

Khudbadii ugu horeysay ee Shirka ayaa waxaa qaatay Raysal wasaaraha dalkiisa martida lagu yahay ee David Cameron oo halkaasi hadal ka jeediyay kana hadlay ahmiyada shirkan Soomaaliya uu uleeyahay.

Mr. David ayaa sheegay in loo baahanyahay in caalamka ay taageero badan u fidiyaan Soomaaliya oo haatan ka soo laabanaysa guul darooyin badan oo ku dhacay.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in xiligaan wixii ka danbeeya aanan loo baahnayn in Soomaaliya ay dib u laabato isla markaana ay ka dhacdo halka ay haatan joogto.

David Cameron ayaa ugu baaqay dowladaha shirkaan ka qaybgalaya in ay qaataan go’aan ah in ay gacan siiyaan dowlada haatan ka jirta Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo asna qaatay hadalka ayaa sheegay in shirka Soomaaliya uu uleeyahay ahmiyad weyn marka loo eego xaalada Soomaaliya ay iminka ku jirto.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay inay muhiimtahay in la ogaado halka ay haatan Soomaaliya joogto iyo halka ay hiigsanayso, wuxuuna madaxweynuhu sheegay Somaaliya inay haatan ku soo laabanayso saaxada Caalamka.

“todobaadkii dhowaa geed ayaan ku talaalay madaxtooyada, haatan geedkaasi meel fiican ayuu marayaa, sidaasi oo kale ayayna Soomaaliya u soo baxaysaa.”Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa si cad u waydiistay wadamada beesha caalamka ee shirka ka soo qaybgalay inay taageeraan dowladiisa oo ay ka qaybqaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Itoobiya

Raysal wasaaraha Hailemariam Diselegn oo asna ka hadlay shirka ayaa sheegay in ay wanaagsantahay in haatan la garab istaago dowlada rasmiga ah ee ka jirta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Raysal wasaaraha Ethiopia in dowladiisa iyo urur gobaleedka IGAD ay taageerayaan Soomaaliya isla markaana ay la shaqaynayaan dowlada Soomaaliya.

Asaga oo hadalka siiwata ayaa wuxuu soo hadal qaaday dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab wuxuuna sheegay in dagaalkaasi uusan gooni ku ahayn Soomaaliya, laakiin dagaalkaasi ay muhiimad ugu jirto wadamada ku yaala gobalka oo dhan.

Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo kahadlayay shirka ka furmay magaalada London ee caasimada Ingiriiska ayaa wuxuu soo hadal qaaday xaalada ka taagan dalka Soomaaliya iyo horumarka dhanka amaanka ee laga gaaray dalka.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in dalka ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM dalkiisana uu ka mid yahay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya,waxaase uu cadeeyay in ciidamadaasi ay helaan taageero dhanka dhaqaalaha ayna sameeyaan dadaal ku aadan in ciidamada Alshabaab ay ka saaraan gobolo ka tirsan salka Soomaaliya.

“Gobolka wali waxaa ku sugan ciidamada AMISOM ka socda  hayadaha caalamigana waxay siinayaan taageero dhaqaalo, taasina waxay dhalisay in laga difaaco Al-shabaab magaalada Muqdisho, kismaayo, Afgooye, Baydhaba, Marka Jowhar iyo meelo kale.” Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Uganda.

Dhanka kale madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa ka hadlay talooyin ku socday dowlada Soomaaliya, waxaana uu soo jeediyay talooyin ula muuqday inay wax weyn ka badali karaan amaanka dalka Soomaaliya.

Talooyinka uu soo jeediyay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1-Waa loo baahan yahay tababar la siiyo saraakiisha cusub ee ciidamada dowlada Soomaaliya.

2-Waa in dhalinyarada yaryar ee Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho ku fulin.

3-Ciidamada ay soo tababaraan midowga Yurub waa in hogaan loo yeelo.

4-Dowladeyda Uganda waxay diyaar u tahay inay tababarto tiro kastaa iyo saraakiil kastaa oo Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa soconaya ilaa caawa iyadoo la filayo in gabagabada laga soo saaro war-murtiyeed ka kooban qodobada la isla gartay,iyadoo beri uu furmayo shir kale oo muhiim ah oo isla arimaha Soomaliya looga hadlayo.


Shirka London waa furmay oo garanay ee waxaa Isweydiin mudan, maxuu yahay Ajenddaha Dawladda INGIRIISKA u Qarsoon?

Maxaay tahay Digniinta la rabo in loo jeedinayo 50ka Dawlaaddod ee Dawladda Ingiriisku fadhiga Shirka ugu yeertay?

Ameey tahay ISBAARO INGIRIIS, oo micnaheedu yahay Kheyraadka Dalka Soomaaliya UK ha looga Dambeeyo?

Taasi waa Aragtida Keydmedia ee idinka maxaay idinlatahay? [Info@Keydmedia.net]


Wararka Shirka London kala soco Boggaan - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

Keydmedia Online - London | Editorial Desk




Maqaallo 22 January 2021 7:27

Ka dib burburkii ka dhacy dalkeena Hooyo, waxaa adkaatay in bulshoweynta Soomaaliyeed aan la kala garan kan qaba ama uu asiibay Cudurka Macaanka iyo kan kale, maadaama aanan jirin wax daryeel Caafimaad oo ku aaddan bulshada ku dhaqan Dalka. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.