Silsiladda deelleyda Qarniga 21-aad Maansada Dabotaal

Maansadan waxaan tiriyay, ka dib markii dhalinyaro Soomaaliyeed dib u billaabeen Silsiladda Deellayda qarniga 21-aad loogu magac daray, in kastoo maansooyinku badnaayeen: sida Dareen, Dulmigii Shaamoow, Dayax, iyo Dawo, ayaa tan waxaa la yidhaahdaa: Dabataal, oo iyaga ayay meel ay kaga harto weysay.
Maqaallo Keydmedia Online

Waxaan u malaynayaa Maadaama aan daba dhigay maansooyinkii hore, inaad dareemi kartaan inay isku ujeedo ama isku hayb yihiin, hadal badan danbaa dhaanta ee maansadii Dabataal iyo bogasho fiican.

Waa daahan oo furan
Waa deel Abwaaneed
Waa dabuub afmaal yiri
Maansadeeydan dabataal
Inta aanan daadegin
Deelka kii billaabiyo
Kii uga dambeeyee
Shaamoow darxumadii
Duhurkii Khamiisaad
Kii taa ka diiroow
Ducadaadi Aamiin.

In dagaalku cudur yahay
Dulli iyo xumaan yahay
Dayax maansadeedii
Dadku waa ku diirsaday.

Inta aanan dowliga
Ceelkaba ku sii deyn
Mid yaroo dardaarana
Deelleeyda maansada
Mar waa dacar macaaniyo
Dumi iyo dhis waayee
Horta yaan la kala didin.

Afartaa digniintii
Hey dareensan waayee
Aan hoos u daadego
Sagaal eber ku dabataal
Bil disember dabadeed
Illaa duhurka maantaa
Maxaa dirac la gowracay
Maxaa degelladeenii
Dusha weerar ba'anoon
Laga daalin weligii
Habeen dumay sidiisiyo
Damdaguugan eber iyo
Da'jir lagu istaagiyo
Dambas haaday laga dhigay?.

Ma sii degan karaayoo
Ma daalacan karaayee
Duruufihi la soo maray
Da'labaatan daayoo
Dugsi hoose muluqyada
Wey daliilin karayaan
Maxaa daara naga dumay
Duurjoog innaga diday
Maxaa dahab la kala dhacay
Dukaamaad la soo raray
Maxaa dariiqyada magaalada
Isbaaraba la daadiyay?.

Waxeey dulun dulceysoo
Daanyeer sidiisii
Hadba laan ku degataba
Dadka oon dareen qabin
Duumaa dig soo tiri
Buuraha ka soo degay
Meeydadkeeyni duugnaa
Yaa dibad la soo dhigay
Qabuuraa la dumiyoo
Lafihii dakhaakhumay
Doorsoomay waa hore
Dambiil ay ku qaateen.

Darannaaba kala daran
Dadka koofurtaa dega
Yaa Isaga dambeeyoo
Haddii duul walaalaa
Isku diinna haystoo
Isku diir naxaayaan
Dalkii hooyo joogaan
Maxaa qaar dantoodiyo
Dowlad eey sameysteen
Ku dekeeynayaanoo
Damaashaad ciidaha
U dabaal degaanoo
Doorashooyin aadaan
Carruurtuna dakana li'
Dugsi iyo iskuulliyo
Daawashada ciyaaraha
Habeenkii ku daahaan.

Dadka koofurtaa dega
Qamuunyada ku daawada
Ayagoon daneyneyn
Maxaan dowladnimo iyo
Caasimad la dooriyo
Dooddeed galnaayoon
Isku daalineynaa?.

Far haddey ku damaqdaa
Jirku wada dubaaxshaa
Dadka oon sidaa noqon
Oo leysu diirnixin
Isku duubnideeniyo
Isu daacad nimadii
Dib haddaanan loo helin
Dibiyadii sidoodaa
Midba maalin loo duban.

Maansadeeydan dabataal
Derinteedi waayoo
Aan ku soo degaayee
Tan dambaan la sugayaa
Haddii dalab la toosiyo.
 
Dhammaad.
 
Axmed Xaawoow
Caaqil Dulmidiid
xaayoow09@hotmail.com




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.