Dowladda oo Ogolaatay in Badda Soomaaliya Qeyb looga Gooyo Kenya, Bilowga 2015?

Maxaa ka jira in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab siinayso Nin Keenyaati ah oo lagu magacaabo Simon Njuguna, kaas oo ahaa ninkii diyaariyey khariidadaha Badda ee Kenya u gudbisatey QM? Maxaase dhici doona Horraanta 2015?
Maqaallo Keydmedia Online
Dowladda oo Ogolaatay in Badda Soomaaliya Qeyb looga Gooyo Kenya, Bilowga 2015?

"DFS waxay aqoonsan tahay sharciga Qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf. Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran." Sidaas waxaa June 6, 2013 shaaca ka qaaday golaha Wasiirada ee DFS.

Waxana go'aankaas Golaha Wasiiradu tibaaxay "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed."

Taas sidii loo ogaa ayaa mar qura waxaa laga war helay 21-kii July 2014 in madaxweynaha DFS uu Qaramada Midoobay u gudbiyey Qoraal gebi ahaanba ka soo horjeeda qodobada kor ku xusan ee golahiisa wasiiradu ay hore u soo saareen.

Qoraalka cusub ee madaxweynaha ayaa muran xoogan gelinaya badda Soomaaliya, una gogol dhigaya in horraanta sannadka 2015 uu qarka u saaran yahay dhul-badeedka muranka la geliyey in lagu wareejiyo Kenya, sababtoo ah guddiga arrintaas go'aanka ka gaaraya waxaan xubin ka ah Nin Keenyaati ah oo lagu magacaabo Simon Njuguna, kaas oo ahaa ninkii diyaariyey khariidadaha badda ee Kenya u gudbisatey QM. Waxana uu guddiga xadaynta badaha ka mid noqday June 2012, guddigaas oo ka kooban 21 xubnood.

Taariikhda Mr. Simon Njuguna

Sida ku cad taariikh nololeedka Simon Njuguna / ama CV-giisa ku jira bogga Qaramada Midoobay:

  • March 2006 waxa uu magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina kaga qayb galay kulan xog ururin ah oo ku saabsan sharciga badaha (Law of the Sea)
  • June 2006 waxa uu magaalada Kingston ee dalka Jamaica kaga qayb galay kulan looga arrinsanahay xeer u samaynta badaha
  • May 2007 waxa uu magaalada Oslo ee Norway kaga qayb galay kulan talo bixin ah oo ku saabsan juqraafiga badaha
  • May 2007 waxa kale oo uu magaalada Maputo ee Mozambique kaga qayb galay kulan looga hadlayey dalalka Afrika ee aan badaha lahayn
  • Nov ilaa Dec 2007 waxa uu sahamin (Survey) ku sameeyey badda la olloga ah Kenya
  • Jan-Feb 2008 waxa uu Norway kaga qayb galay kulan kale oo ku saabsan xogta juqraafiga badaha (Geocap)
  • April ilaa June 2008 waxa uu sahamin kale ku sameeyey badda Kenya ilaa 350M
  • Sept 2009 waxa uu New York USA ka jeediyey hadal uu ku soo bandhigidda sheegashada Kenya ee badda qolfoofka Qaarada (waa maalintii Kenya ay khariidadaha ay ku sheeganayso qaar ka mid ah badda Soomaaliya u gudbisey QM)
  • 6 June 2012 ayuu ka mid noqday guddiga xadaynta badaha oo uu xubin ka ahaanayo shan sano ilaa 15 June 2017

Waxa kale oo qoraalka ku jira websiteka QM ku cad in Mr. Njuguna laga soo bilaabo 2006 ilaa hadda uu ka tirsan yahay shaqaalaha xafiiska madaxtooyada Kenya iyo xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, kana mid yahay qaybta u qaabilsan xadaynta badda - Kooxda Hawlgalka (Task Force).

Masuuliyadda uu Mr. Njuguna xafiiskaas u qaabilsan yahay waa: in uu yahay xubinta ubucda u ah in uu dawladda Kenya siiyo talo bixin ku aadan sidii ay xal uga gaari lahayd xuduud badeedka kala dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Waxana uu Kenya kala taliyaa sidii ay u xaqiijin lahayd in ay gaarto ujeedooyinkeeda ku aadan badda (Tixraac Websiteka Qaramada Midoobey).

Maalintii Simon Njuguna loo doortay xubin in uu ka noqdo guddiga xadaynta badaha, waxaa qoraal rayn-rayni ku dheehan tahay qortay jariidada The East African ee Nairobi qoraal cinwaankiisu ahaa "Kenya wins seat in UN’s maritime body". Waxaynta jariidaddu intaas raacisay "Kenya waxay ku guulaysatey in ay xubin ka noqoto UN-ka qaybta go'aamada ka gaarta xadaynta badaha xilli ay jirto soo cusboonaan lagu soo qamaamayo khayraadka badda bariga Afrika." ... "Mr Njuguna waxaa dhici karta in uu xoojiyo fursadda ay Kenya ku cabiranayso badda dhinacyada Tanzaniya iyo Soomaaliya."

Arrimahaas xiriirka ah ee muddada soo taxnayd ayaa Madaxweynaha DFS dhexda kaga soo dhacay:

  • 10kii September 2012 ayaa Xasan Sh. loo doortay madaxweynaha DFS, (waa 40 sano kaddib markii Soomaaliya samaysatay Law no. 37, 10kii September 1972, kaas oo dhigaya 200 mayl-badeed oo Territorial waters ee Soomaaliya)
  • May 1, 2013 Qoraal iyo hadal Video ahaan uu madaxweynaha DFS u jeedeyey Kooxda Contact Group ee qaabilsan Burcad-badeeda ee ku sugan New York, waxana uu markii ugu horesey taariikhda Soomaaliya ku andacoodey in dhul-badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters) yahay 12 mayl.
  • 21 July 2014 qoraalkii uu u gudbiyey QM waxa uu ku caddeeyey in badda Soomaaliya muran ku jirto, isagoo raaciyey kharidada hoose ee muran gelinta.

Kenya markii ay 2009 akhbaarteeda iyo sheegashadeeda u gudbinaysey QM, warqad uun ma dirin, balse xogtooda waxaa u bandhigay wafti ballaaran oo u safray New York xarunta UN oo ay ka mid ahaayeen: Wanjuki Muchemi, lataliyaha Qareenka Guud ee Kenya (Solicitor General), Juster Nkoroi oo Guddoomiye u ah Kooxda Hawlgalka (Task Force) ee Kenya hore ugu xilsaartay xadaynta Qalfoofka Qaaradda, iyo Simon Njuguna oo ah Juquraafi yaqaan, kuna takhasusay cilmiga GIS (oo ah kan aan kor ku soo xusnay oo hadda ka mid ah guddiga xadaynta). Waftiga Kenya waxa kale oo ka mid ahaa tiro khubaro ah oo isugu jira Saynis yahanno, lataliyaal Sharciga iyo lataliyaal xagga farsamada.

Sida ku cad hordhac bogga QM ee lagu daabacay qoraalkii madaxweynaha DFS, qorshaha QM ku jira in qoraalkaas ay Soomaaliya gudbisey in uu kamid yahay qorshaha kulanka 37aad ee guddiga xadaynta oo lagu qabanayo New York kaas oo dhacaya horraanta 2015 (The consideration of the submission made by Somalia will be included in the provisional agenda of the thirty-seventh session of the Commission to be held in New York in early 2015.)

Yaa arrintaas is hortaagi kara?

Waa baarlamaanka Soomaaliya oo kulan degdeg ah isugu yimaada kana dabataga qoraalka muranka gelinaya badda Soomaaliya ee madaxweynahu u diray UN, si la mid ah tii ay baarlamaankii hore ku diideen muran gelintii iyo heshiiskii MoU.

Waxaana la gudboon in baarlamaanku markaas ayidaan go'aankii golaha wasiirada ee June 6, 2013 ee qeexayey "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed ..." (go'aankaas hoos ka akhri.)

Madaxda Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in ay fahmaan in go'aamada ay qaataan inta ay dawladda ku jiraan, ama go'aamada ay taageeraan, in ay reebayaan cawaaqib (wanaag ama xumaan), kaas oo saamayntiisu gaari karto muddo dheer kaddib markay xukunka ka degaan ama siyaasadda ka haraan.


    Go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee ku aadan dhererka xadka badda Soomaaliya

    June 6, 2013 - Golaha Wasiiradu waxay shirkoodii todobaadlaha ahaa ee maanta ka soo sareen go’aamada hoos ku xusan ee la xiriira arrimaha badda Soomaaliya:-

    1. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayana magaalada Nairobi Kenya ku saxiiiseen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).

    2. Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 ee ay ku cadeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin ka dib markii Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka uu diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.

    3. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.

    4. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.

    5. Dhanka kale dawladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay ka go’antahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee soo jireenka ahaa. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labda dawladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.

    Xafiiska Raisul Wasaaraha


    SomaliTalk.com | August 9, 2015




      Maqaallo 11 September 2020 15:57

      Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.