Soomaalida kunool Wadanka Malaysia

Dr. Axmad Cabdulahi (KON) - Wadanka Malaysia waa wadan Jugrafi ahaan aad uga fog wadanka Somalia, balse ay degaan dad Muslim ah oon isku diin iyo madhab nahay. Waxaan anu wax kabartay wadanka Malaysia Sanadihii 1997 ilaa 2000.

Waagaa waxaa kunoolaa wadanka Somali aad u yarayd, una badnayd arday jaamacadaha iyo kolejyada wax kabaran jirtay.

Hada oon booqasho ku imid waxaan ugu imid bulsho Somaliyeed oo  aad u fara badan, una badan qoysas, reero, haween, xaasas, arday gaaraysa kumaankum oo wax kabarata jaamicadaha kala duduwan ee wadanka.

Waxayna bartaan dhamaan qaybaha cilmiga oo dhan, waxayna kala dhigtaan levellada kala duduwan ee waxbarashada sida: dugsi sare, jaamicad, Shahaadada mastreydka iyo mida PHD intaba.



Dadka inta aan ardayda ahayni, waxay isugu jiraan, kuwa u yimid dano caafimaad, oo wadanka Malaysia wuxuu aad ugu mahadsan-yahay inuu ilaa iyo hada albaabaha ufuray umada somaliyeed ee jirooyinka iyo dhaawacyada kasoo gaaray qaraxyadii la il daran. Ilaa iyo hada ayaa lagu soo galaa Baasboorka Somaliga ah, oo aduunka inta badan aan laga ogolayn, waxaana aad uga faaiidaysta fursadaas dad jiran oo raba inay is daaweeyaan, kuwa ay kujiraan faniinadii gantaalha ee raba inay iska sosaraan, kuwa dhaawacan ee raba inay helaan daryeel caafimad iyo daawo. Dadka jeexaya ee raja ku noosha ah iyo dadka ku xiran somalida kunool wadamaha Australia iyo Neusland, oo halkan u yimaada dana guur/ guurdoon, tamashlayn, dalxiis iyo qaraabo salaam intaba.

Kuwa raba inay  qaxaan, kana sugaya hayadaha UN,ta, waqtigii, waraaqihii iyo meeshii ay u qixi lahayeen. Dadkaasina way fara badan-yihiin, waxayna sugaan mararka qaarkood mudo dheer, waxayna laqabsadaan wadanka, cimiladiisa, waxbarashadiisa, dhaqankiisa iwm.

Somalidaasi waxay degen-tahay xaafado gaar ah, oo lagu bartay, lagana arkayo dhaqamadii Smalida lagu yiqiinay, sida Xijaabka weyn ee madaw, Fadhiga faraha badan ee lafariisto makhaayadaha hortooda, sheekada, haasaawaha iwm. Waxaana jira caasimada wadanka Kualalumpur xaafadao qaatay magaca somalida, (Tamaan Somali) maxayeelay iyagaa aad u degen ugana muuqda.

Hadaba maxay kukala duwan yihiin ama iskaga mid yihiin Somalida iyo Malaygu? Somalidu inta badan waa dad aad u dheerdheer joog ahaan, Malayguna waa dad aad u gaagaban, una baryar.

Dumarka Somalidu waxay xirtaan Xijaab weyn oo madaw, dumarka Malayguna waxay xirtaan Xijaab yaryar, oo midabo kala duduwan leh quruxna badan.

Somalidu waa umad qaylo badan oo kor u hadasha, Malayguna waa umad kucaan baxday inay hoos u hadlaan, kalmadana nus lamaqlo nusna gadaal u liqaan.

Malaygu waa umad kucaan baxday inay Qanuunka u hogaansanto, kuna fikirin inuu sameeyo wax Qaanuunka jabinaya sikastoo xaalku u adag yahay. Somaliduna waa umad aan kusoo ababin in qaanuun loo hogaansamo, looguna duceeyay qaanuun jabinta iyo katalaabsiga xeerka.

Malaygu waa umad shaqo badan, mid yar iyo mid weyn, rag iyo dumara wada shaqeeya, Somaliduna waa umad ku caan baxday shaqo nacayb, sheeko jacayl, shaxaad raadin, wahsi iyo sheeko badan.

Somalidu waa dad kibir badan, faan badan, yasitaan badan, inuu dhoho waxaa ma aqaanana ay ku adag-tahay. Malayguna waa dad masakiin ah oo ayna marna kasuura galaynin inay sheegtaan wax ayna ahayn ama ayna aqoonin.



Malaygu waa umad nidaamsan una samaysan inay raacdo, kadanbayso dawlada ama systemka jira, Somaliduna waa umad ay u badan tahay inay cayso, eedayso systemka ama dawlada jirta, kuna xiran inta badan nidamkii qabiilkiisa oo kaliya.

Dhinaca kale Samalida waxaa aad uga muuqda nasiib daradii dagaalkii sokeeye iyo dacdaradii caafimaad daro, oo boqolkiiba 10 ila 15 baa laangare, naafa ah, dhutinaya, curyaan ah.

Malaygu waa umad taqaano sabrka, qanaacada waxa yar agjoogiisa iyo kamira dhalintiisa, somaliduna waa dad jecel inay meel sare kabilawdo, afkana dhaqso buuxsadaan, meeshana kasii socda. Sidaa darteed waxaa la ii sheegay inay dhawr Somali ihi maqaayado fureen, qarash badana galiyeen, sicir aad usareeyana ku bilaabeen, mudo gaaban kadibna xireen/ xarasheen goobihii, kuna kala tagay.

Waxaa aad qaali u noqday xaafada ay somalidu degentahay sicirkii guryaha lagu kiraysan jiray, madaama ay somalidu tahay umad aan xeerarka raacin oo jecel inay danteeda  kugaarto sida ugu kaaban, xataa haduu dadka akle dhibayo, ama qaanuunka uu jabinayo.



Dhinaca kale Somalida dhawrka kun gaaraysa ee degan isku xaafaduhu, ma aha umad wax soosaar leh, oo waxaada arkaynin dukaamo, maqaaxiyo, albeerkooyin Somali leedahay. Waxaana lahubaa bulshada meesha degan hadii loo furi lahaa suuqaq iyo dukaamo lagu iibinayo cunto Somali, dhar Somali alaab Somali, sifiicana loo habeeyo inay noqon karaan suuq weyn oo laga faa’iidaysan kari lahaa.

Waxaa kaloo aan is lahayn cadadka ardayda somalida ah ee wadanka wax kabarata iyo inta ka shaqaysa ee sii joogta wadanaka, oo tabcan waxaa aloosan baabka qixitaanka iyo usii jeexida wadamada Australia, Yurub iyo America.

Kaliya waxaa sixoog leh u shaqeeya xawaaladihii oo dadka meesha fadhiya lacagaha loosoo diro usoo gudbiya! Mar aan weydiiyay nin wakiil u ah 5 xawaaladod wuxuu ii sheegay inuu bisha qabto oo bixiyo lacago aad u fara badan, oo loo sii diro dadyawga is daaweynaya, kuwa dhoofaya, xaasaska meesha lagu biilo iyo ardada wax barata intaba.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]


Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia Axmed.abdulahi@Keydmedia.net




Maqaallo 22 January 2021 7:27

Ka dib burburkii ka dhacy dalkeena Hooyo, waxaa adkaatay in bulshoweynta Soomaaliyeed aan la kala garan kan qaba ama uu asiibay Cudurka Macaanka iyo kan kale, maadaama aanan jirin wax daryeel Caafimaad oo ku aaddan bulshada ku dhaqan Dalka. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.