Soomaaliya:

‘Ka filo beero xashiish’

Qoraalkaan wuxuu ka mid yahay qoraalladii ugu horeeyay oo lagu soo daabaco bogga hore ee KEYDMEDIA ONLINE sanadkii 2010, waxaana qoray allaha u naxariiste Qoraa sare Siciid Cabdisalaam oo magaca Ismaaciil Malaas ku saxiixi jiray qoraaladiisa, si uu argagixisadda uga gaashaanto.

‘Ka filo beero xashiish’

Waa hoog, silic, saxariir iyo baaba’ bulshadeed, waa qarow iyo sas joogta ah oo qofkii akhriyay ama eegtay aflaantii laga sameeyay Shiinaha uu Gumeysiga Ingiriiska ku dhacay markii uu xusuusto waxaas.

Ingiriiska hubka uu shiinaha kula dagaalamayay wuxuu ahaa hub ka halis badanaa hubkii Maraakiibta Dagaalka,  Diyaaradaha Madaafiicda IWM, waxaad is weydiin kartaa qofka aan la hadlayo, waa qofka taariikhdaas iyo aflaanta laga sameeyay shiinaha, ee muxuu ahaa habkaa  ma Nukleyr buu ahaa, ma sun kiimiko oo la buufiyuu ahaa  iyo Su’aalo kaloo fara badan.

Hubkaa wuxuu ahaa mukhaadaraad ama maandooriye waxaana loo baxshay “Dagaalkii Afiyoonka’ “ LA GUENA DELL OPPIO” malaayiin iyo  malaayiin dadka shiinaha ah ayaa noqday qalfoof, lafahooda harag unbaa saarnaa, qofka aadanaha ah ee caadiga ah ee markaa booqanayay shiihana marka hore wuu ka naxayay, marka xigtana wuu u naxayaa waa hadduu qof damiir leh yahay  ee aadanuhu walaala yahay.

Dadka Shiinaha waxaa ka badbaadiyay saxariirtaas hogaamiyihii weynaa ee shiinaha iyo madax ka horeysay oo halgankooda aanu muuqan.

Waxaa Mao Tsi shu Enlay iyo madaxda kaloo xisbiga  arkeen in dadka  shiinuhu ay u duleysnaayeen xashiishada, Marjuwaanaha  iyo Obbiyaha ama afiyuunka wuxuuna ka horjoogsaday in ay arkaan nolasha xun ee ay ku nool yihiin, Inay illaawaan taariikhda ilbaxnimo ee shiinaha  iyo Aqoonta ay u fidiyeen Aadanaha, halgankii lagala horjeeday Gumeysiga waxayna noqdeen badankood dad daroogada ay dilootay.

Socdaalkii dheeraa ee loo baxshay “LA LUNGA MARCIA” ee Mao Tsi Tung hogaaminayay ayaa madaxdii xisbiga  shuuciga ee shiinaha waxay ku dhisayeen garaadka Siyaasadeed ee dadka Shiinaha, dhulalka baaxada leh ee shiinaha oo ay dhex marayeen, isla markaana ay ku faafinayeen mabaa’didii shuuciyada, loogama hadli karo taariikhdaasi Sadaro haatan aan qorno iyo jiridda ama Abuurkii uu ka baxay horumarka aan shiinaha laga xasdi Karin ee ay gaartay.

Ronald Reagan Madaxweynihii Maraykanka isagoo arkay halista daroogada u leedahay Dalka Maraykanka ayuu xooga saaray la dagaalanka daroogada ka soo gasha qaarada laatiin Ameerika .

La dagaalanka Ronald Reagan ee maandooriyaashu wuxuu heerkiisu gaaray ilaa diyaarado dagaal uu kacsho, meel kastoo qaarada ay kaaga taal beer daruugana uu gubo, illaa haatan Dalka Maraykanka aad ayuu ula dagaalamaa kooxaha ka ganacsada daroogada, la dagaalanka Maraykanka uu la dagaalamayo kooxaha argagixisada Daalibaan kuma eko oo keliya dagaal mabaadii qaacida balse waxaa la socdoo kale  dagaal kale oo ah gubidda beeraha xashiishka ee Afgaanistaan

Daroogada oo lacag fara badani ka soo gasho Daalibaan oo ay ka iibsadaan kooxo Maafiyo Maraykan, Yurub iyo Aasiya u dhashay, isla markaana daroogada waxa ay duleysay dhalinyaro badan oo reer Afgaanistaan ah.

Istaraatiijiyada Xoogaga Mucaaradka ee Beer Daroogo

Waa talo ugu timid Alqaacida, waxaana sida khubaro beerista daroogada oo Afgaanistaan iyo Bakistaan u dhashay, kuna dar dhiira galin ay ka helayaan kooxaha ganacsatada ee Maraykanka iyo Yurub.

Wax ka ogaanshaha sheekada daroogada ee Beesha Caalamka waxa dhaxalkeeda uu noqday in shaaca laga qaado xanibaad lagu soo rogay lacagihii dunida u yaalay horjoogayaasha kala ah: Axmed Godane, Xasan Daahir, Mukhtaar Mansuur iyo Xasan Turki.

Beeraha halkee laga Abuuri donaa?

Inta aannaan guda galin ka hadalka beerahaasi daroogada aan is weydiino xashiishka IWM  ee ba beeraa waa side? Waa balaayo waxaan xasuustaa waagii kacaankii Markisiimada tinniinisnimada aaminay, in ilaahay suubbane sareeye jirana inkiray.

Waagii kacaanka waxaa jiray waax Booliska Soomaaliyeed ka tirsan oo la oran jiray “Waaxda la dagaalanka maandooriyaasha” waaxdaasoo jirtay ka hor kacaanka .

Marar duullaan lagu qaadi jiray meelaha ama dadka lagu tuhmo in ay xashiishka laga isticmaalo, marbaa war soo gaaray waaxda la dagaalanka daroogada ee taliska Booliska warkaasoo sheegayay in Mudul ku yaalla degmada Afgooye laba sariiroodna yaalaan uu ka baxo xashiis!!.

Hadalkaasi waa mid qofka maqlaa aanu rumeysaneyn, waayo waxa dhulka ka baxaa qorraxda ayeey u baahanyihiin  sidoo kalana hawada kama maarmaan, saasoo ay tahay xashiishkaasi isagoo bislaashihiisu soo dhaw yahay  ayuu baxay, dhacdo kale oo layaab laheyd ayaa iyana dhacday  taasoo ku tuseysa in xashiishku aanu u baahneyn Biyo badan.

Baliiskii, weliba waaxda “narkootikada” ama maandooriyaasha ayaa mudo dheer waxay daba socdeen cilin ahaa, misna madax weynaa , oo side cilinkaasi xashiishku u cabi jiray, dadkuna aad bay ugu soo shamuumi jireen yacnii ugu soo shiri jireen.

Baliiska waxay is weydiiyeen farxadda badan ee maalin kasta ah ee cilinkaas waxay daba socdaanba mudo kadib, ayeey ogaadeen ninka kadib markii jirdil badan ay ku sameeyeen, cillinku wuxuu u sheegay in aanay is daalin, kaalaya oo isoo raaca ayuu ku yiri biliiskii, meel qarsoodi ah iyo rag ka ganacsada maandooriyaha ayeey maleynayeen in ay daboolka ka qaadi doonaan isla markaana sidaa qaarkood lagu dalacsiin doono.

Cilinkii xashiish cabaha ahaa haatan sidaan maqlayna geeriyooday wuxuu biliiska ku yiri “taliska booliska meelaan ka fogeyn ayuu geeyay, beer uu leeyahay ayuu tusay, waxay aheyd meel dhir qalalan ku taallo, dhirta gudaheeda ayuu geeyay, wuxuuna tusay xashiish baxaya uuna mar dhaw guran lahaa, intaa kuma ekaane jirdiimooyinkii Dowlada hoose agahooda kuwa kalaan ku lahaa , waxayna ugu yaaleen wadooyinka labada laami dhexdooda ah dhirta dolwada hoose ayuu ka qeyb ahaa maandooriyaha.

Waaxdii Markootida waxbaa u baxay taasoo macnaheedu yahay waxbaa u kordhay, waxaa u kordhay biliiska in qofka keli ahi uu xashiish ku filan ka heli karo agtiisa .

Hadaba maxaad is weydiineysaa ? waxa ugu horeeya waa sida ay Soomaaliya ajaaniibta khibrada ku leh beerashada ganacsi ahaan ee xashiishka , waxaase la yaab sii leh in ay u dagantahay istaraatiijiyad dheer oo ah in Soomaaliya loo bedalo beero xashiish, waxaa degsan in Saakow, agagaarka Bu’aale, Jubadda hoose oo dhan, jubadda dhexe, shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe iyo meel kastoo webiyada Shabeelle iyo Jubba ka agdhaw suurta galna ay tahay in ay ka dhismaan Biyo xireeno..

Ujeedada Biya xireenada ma ahan in Dalka lagu barwaaqeeyo, baahida dadka laga baxsho isla markaana Soomaaliya oo dhan laga dhigo Dal ku horumaray dhanka warshadaha Sida dunida maanta ku faanta horumarka dhaqaale.

Maya, ujeedadu sidaa ka fog , ujeedadu waa sida ay mar walba sheegaan in waligii Dagaalka loogu yeeray jihaadka uu socdo, jihaadka ugu weyn Islaamka waa kan lala gala Nafta  sida ku cad qur’aanka alle aayada macnaheedu uu yahay “Naftu waxay dadka amartaa Xumaha” hadaba jihaadka joogtada ah ee Islaamka waa la dagaalanka xumaanta, dadka macna darada leysaga leynayo, nin jecleysiga iyo anaaniyada oo la joojiyo ayuu islaamka farayaa ummada sida wanaagsan u raacday, dariska oo ku nabad galiya adna aad nabad galiso ayaa horumar lagu gaaraa , dariska kaliya ma ahan gurigaaga kan ku dhagan iyo xaafadaada, balse waa xitaa deriska bulsho ama dowlad deris kula ah, isku diin ahaada ama ha ahaaninee.

Al-qaacida waxaas liiska uguma jiraan, waxaase balo iyo baas ka badiyay kooxaha afka iyo adinka Soomaalida ka ah ee Dowlada ka soo horjeeda oo boob iyo dhac ku haya xawaaladihii, shirkadihii isgaarsiinta,xittaa macdaaradii oo aan ula jeedo dukaanleydi yaryareed  dad daroogeysan iyo macalimiin sixiroola yaal ah oo reer Afgaanistaan ah ayaa Soomaaliya qasaya.

Afrika, Beesha caalamka oo idil xaqaa’iq kuwaa ka waa weyn ayaa maalin walba soo baxa, waa la fududeynayaa arrintuse ma fududa halisbaa jirta, da’o “Generation” Soomaali ah oo halis ah ayaa la barbaarinayaa ee ha laga soo gaaro.

Dr Ismaaciil Malas - KEYDMEDIA ONLINE




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.