? Suugaantu waa Midgaan - Midig maal!

DAAWO VIDEO CUSUB (KON) - Suugaanta Soomaalida waa mid mug weyn oo muddo dheer soo jirtay, waxay ka kooban tahay qaybo badan oo kal duwan, intaasi waxaa u sii dheer Af Soomaaliga oo ah mid murti iyo macaan dheeri leh.
Maqaallo Keydmedia Online

Gabayga oo ka mid ah waxyaaabaha ay bulshada Soomaalidu si aad ah u xiisayso ayaa waxaa qayb weyn kaga jira dadka Gabooyaha ama Midig maalka ah. Waxay lahaayeen murti aad u taya saraysa oo dhaxal awoow ah, waxayna dadkii hore ee sida aadka ah u yaqaanay ay oran jireen "Ga'da Gabayga Gabooyaa gaar u lahaayeen"

Hase yeeshee sida dadkaasi loo takooray ee xuquuqdii ay lahaayeen loo xabaala ayaa Maansadoodii suugaaneedna loo takooray oo loo aasay ama waxaa sheegtay kuwo Maantay ku faana in ay yihiin Aqoonyahano Sugaanta Aruuriya, taasoo keentay in ay Suugaantii Midgaan - Midig maal ay muuqan weydo waayo waxaa jira kuwo ku Xoodsada oo ku Caanbaxay Billiliqada Suugaanta Midig Maal.

Bal u fiirsada Abwaaniintaan Hoos ku taxan, waa Nin doorkii Suugaan-Soomaaliyeed, waa Gabdhihii Hobolada oo Gardaadiyay Heesaha Soomaali ay Maantay ku faanto. Raggaan iyo Gabdhahaan, gidigood waxey ahaayeen Midgo - Midig maal.

  1. Ayax Maxamed Dhowre
  2. Cali Xuseen Xirsi
  3. Cabdiqaadir Cabdi Shube
  4. Cabdillahi Xersi  Baarleex ( oo ku caan baxay dhaantada ) 
  5. Xuseen Cali Jiis
  6. Boobe Cabsiiye
  7. Xersi Samatar
  8. Xuseen Aw Faarax
  9. Yuusuf Maradoon
  10. ...

Xaga Fanka Somaaliyeed waxay ahaayeen laf dhabarkii Hoboladii Waabari, haday noqon lahayd xaga heesaaga, laxan saarka, muusig garaacida, iyo wixii la mid ah. Waxaa kaloo cajiib ah waa dad Ilaahay hibo u siiyay xaga Fanka iyo farshaxanka, fankooduna wuxuu ahaa mid aan kala dhicin oo kala daran sida :

  1. Cumar Dhuule Cali
  2. Cabdinaasir Macalin 
  3. Cabdi Cali Bacalwaan
  4. Haboon Cabdillahi
  5. Yuusuf Tarabi
  6. Cabdillahi Cumar "Xarago"
  7. Yaasiin Axmad Digfeer
  8. Maxamud Goox Qarboosh
  9. Sahra Siyaad
  10. Axmad Iinshaar Cabdi \" Olol \"
  11. Cabdi Baadil Ibraahim
  12. Maryan Mursal Ciise
  13. Maxamed Sulaymaan Tubeec
  14. Cabdi Muxumed Amiin 
  15. Cabdi Tahliil Warsame
  16. Ibraahim Baadil 
  17. Faadumo Duur
  18. Xasan Diiriye 
  19. Rashiid Bulle
  20. Xasan Garayd
  21. Xuseen Cali ( hobolkii reer Jabuuti ee ku caan baxay qasiidooyinka  ( Nabiga csw )
  22. Faadumo Hirad ( waa Gabadhii Axmed Xasan Cawke la sheegi jirtay barnaamijkii la oran jiray ima qashii imada daali ee radiyo Muqdisho )

Iyo qaar kale oo aan halkan lagu soo koobi karin, intaa waxaa u sii dheer fanaaniinta ay soo saareen ee Hobolada Waabari.

Waxaa jira Soomaalida qaarkeed inay si xun oo bani'aadanimada iyo Diintaba ka fog ay ula dhaqmaan Midgaan - Midig maalka, iyaga oo ku Aflagaadeynaya ama ku liidaya Magacyo ay ka mid yihiin, Midgaan, Tumaal, Yibir, Muuse Dheriyo, Yaxar, Bide iyo Magacyo kale.

Magacyadaasi waa Magacyo la mid ah lana siman sida Qabaaílada kale ee Soomaalida.

Sidaa daraadeed Qabiil, Qabiil ka sareeyo ama ka wanaagsan ma jiro, waxaase jira Dad Xun iyo Dad Wanaagsan, mid Edabta Sabool ka ah iyo mid Asluub leh, mid Soomaaligu Soomaali u yahay iyo mid kala sooca! Mid Islaamnimada fahamsan iyo mid Islaanimada Garab maray. Waxa kaliya ee lagu kala sareeyaa waa cabsida Eebe.

Waa Muwaadiyiin Soomaali oo aan mudnayn in sidaasi loola dhaqmo! Waa arrin aan laga aamusi karin, oo waajib ah, dhamaanteena loo baahan yahay inaan meel uga soo wada jeesano kuwa Isir faquuqa iyo Isla weynanku maandooriyay.

Sidaa daraadeed Keydmedia Online waxay si weyn uga qayb qaadanaysaa sidii looga hortagi lahaa Dhaqankaas.

Keydmedia Online waxey Aqristayaasheeda usoo jeedineysaa in ay isku howliyaan oo ay u tafaxeytaan sidii uu nooga suuli lahaa hadaan Soomaali nahay, Dhaqankaas foosha xun.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Maqaallo 27 October 2020 4:05

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.