Talosiin Shirka Wadatashiga Soomaaliyeed!

Hon. Abdulkadir Nur Arale - Tusmeyn Caqabadaha jira ee ka Hor imaankara Habsami u Meelmarinta Qorshe-Hawleedka ka soo Bixi doona Shirka Wadatashiga iyo tilmaamaha Xalka.
Maqaallo Keydmedia Online

Hordhac

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay Shirka Wadatashiga, waa dejinta qorshe-hawleedyo gooreysan. Qorshahaas oo la filaayo, in uu dawr ka ciyaari doona, soo afjarista nidaam-dawladeedkii ku dhisan ku-meel-gaarnimo joogta ah! ee dalka ragaadsaday (ending the protracted transitional governance system).

Waxaana la doonayaa in Qorshahaas lagu fuliyo sanad gudihiisa, sida ku cad heshiiskii kambaala (kampala Accord). Kadibna loo gudbaa dhismaha dawlad dhameystiran, sharciyadeeduna (legitimacy) ka xoog badan tahay tan maanta jirta, kuna faani karta taageerada ummadda Soomaaliyeed. Taasi waa riyo qurux badan, balse ma ahan hawl meelmarinteedu fududahay.

Inta aanan toos loo guda gelin shirka wadatashiga ka hor, waxaa haboon in marka hore la isweydiiyo, meelna la isla dhigo haykal guud ee aasaasi u ah Shirka, islamarkaasna aan looga maarmin hubinta habsami u fulinta qorshaha la damacsanyahay. Arrimahaas waxaa saldhig u ah in la isku afgarto caqabadaha hadda taagan, lana raadsho xalkooda, si natiijooyinka loo hanweyn yahay sanad gudihiisa ku suurta galaan.

Haddii aanan si buuxda looga taxadarin dhammaan arrimaha (issues) saameynta weyn ku yeelan kara Qorsha-hawleedka soo bixidoona, waxaa laga yaabaa in dadaalkii iyo juhdigii la gelshay Shirka wadatashiga uu ku dhammaado eber iyo iscaasin.

Sidaa darteed, Kutlada Toosinta iyo Badbaadinta Qaranka (KTBQ) waxay soo jeedinaysaa in waaya-aragnimidii la soo maray laga faa’iideysto, runtana laga sheego sida uu xaalku hadda yahay iyo sida ay u shaqeeyaan Hay’adaha FKMG.

Gaar ahaan, ayadoo laga eegaya dhinacyada siyaasadda, sharciyadda, shafaafiyadda transparency), is-xisaabinta (accountability), galdaloolada maamul iyo awood-ku-takrifalka jira, waa hadiiba la rabo, in si dhab ah loo soo afjaro ku-meel-gaarnimada dalka ragadsatay, tan iyo sanadku markuu ahaa 2000, loona gudbo dawladnimo caga adag ku taagan.

Si qorsha-hawleedkaasi ugu meelmaro si taraanturo la’aan, waxaa haboon in marka hore la isku afgarto sharciyadda guud, lana tilmaamo caqabadaha jira ee ka horimaan kara Qorsha-Hawleeedkaas iyo in xalka caqabadahaas la isla baadi goobo.

Sharciyadda Guud, Caqabadaha jira iyo tilmaamaha Xalka

1. Axdi-qarameedku waa in uu ahaadaa tiirka ama udub-dhexaadka haga Shirka Wadatashiga, dejinta (design) iyo fulinta (implementation) qorsha-hawleedka ka soo bixidoona;

2. Waa in la oggolaado in Soomaalidu ay xaq u leedahay ka arriminta danahooda gaarka ah iyo masiirka guud ee qarankooda. Waxaana hadda uga wakiila ah Hay’adaha Federaaliga KMG;

3. Waa in dib-u-eegis lagu sameeyo Heshiiskii Djibouti ee 2009, oo gebi-ahaantiisa laga weecday oo aan marnaba noqon dhaqangal. Magaca "Heshiiskii Djibouti" oo ay beesha caalamku markasto ku hadaaqda (sheegta), kuna celceliso waa afka baarkiis. Hashiiskaasi kama uusan badneyn awr-kacsi ujeeda gaaban.

Hadaba, inta aan la gudagelin hawlaha Shirka Wadatashiga, waxaa haboonaan lahayd, in heshiiskii Djibouti dib loo eego, wadadii uu ka ambadayna dib loogu soo celshaa. Waa markhaati ma doonto, in Madaxweynuhu u maamulay heshiiskaas, si aad uga ka duwan wixi Djibouti la isku raacay, oo ay beesha caalamka iyo dawladda Djibouti-ba markhaatiga ka ahaayeen.

Heshiiskaas la afduubay wuxuu keenay in taladii dalka, awoodii siyaasadda, maamulka-dawladda iyo tii dhaqaalaba ay si buuxda ugu uruureen gacanta awood-seddex-geesood ah, oo laga maamula seddex goobood (xafiiska madaxweynaha, kan Guddoonka Baarlamaanka iyo kan Ra’iisulwasaaraha).

Muuqaalka oogada sare, awoodaasi waa ka seddex-geesood, balse, dhab ahaantii waxay awoodii bandankeed u dheelisay dhanka xafiiska Madaxweynaha. Taasoo ka horjeeda Nidaamka Baaralamaaniga ah ee dawladnimada (parliamentary system of governance) dalka.

Ka hay’addo ahaan, dhammaan Baarlamaankii, Garsoorkii iyo Golihii-Wasiiradaba waa la qal-maroojiyey, awoodoodiina si sharci-darra ah ayaa shakhsiyaad fara-ku-tiris ah ugu takri-falaan had iyo jeer.

Hadaba, tala- maroorsigaasi, waxaa ka dhashay, kana sii dhalan doona, haddii aan laga hortegin, inti goori goor tahay, arrimaha soo socda ama wax ka sii daran:

 

a. In uu sii kordho ku tumashada dastuurka ama Axdi-qarameedka. Waxaana laga yaabaa in gebi-ahaantiisba la laabo, ayadoon bedelkiisa la keenin;

b. In xasilooni-darradii siyaasadeed (political instabiliy within TFIs) ee la filaayey in lagu xaliyo Heshiiskii Kambaala ay sii darsato. Waayo koox yar oo aanan la garaneyn halka ay ka soo qabsadeen tareenka siyaasadda, oo ku hareeraysan Madaxweynaha, ayaa si daahsoon isugu habar wacday, ulana wareegay xuduntii siyaasadda dalka laga hagaayey –Madaxtooyada iyo ilo kale oo muhiim ah,

c. Waxaa talada siyaasadda banaanka laga dhigay, in ka badan 80% (TFG + ARS)1, labadii kooxood ee lagu heshiisiiyay shirkii nabadda, ee ka dhacay dalka Djibouti 2009. Talamaroorsigaasi, waa khiyaamo cad. Waxayna fududeysay boobka hantida qaranka, sedbursi-awoodeed iyo isku dhex yaacinta awoodihii u kala xadidnaa hay’adaha kmg ah (TFIs);

d. Talamaroorsigaas wuxuu haddana ka dhanka yahay heshiiskii Djibouti iyo Axdi-qarameedka. Wuxuuna gogol-xaar u yahay aasaasidda iyo dhaqsi u kobcinta nidaam kalitalisnimo –oo u janjeera xagjirnimo aad u fog, oo aanan waxba hoos uga ka dhicin tan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ay ku haminayaan. Qaabka mooyee, labada aragti waxay isugu biyashubanayaan xeer-ka-boodnimo (illegality) iyo is-maquunin (authoritarianism).

4. Shirka Wadatshiga waa In uu cadeeyaa in muhumiddii Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) laga lahaa ay ahayd soo afjarista khilaafkii kala dhexgalay Madaxda TFG iyo Hay’adaheeda (TFIs), iyo in ku-meel-gaarnimadu aysan dhaafi karin muddo hal sano gudaheed, lana soo dooran doono jagooyinka Madaxweynanimada dalka iyo tan Gudoomiyanimada Baarlamaanka, iyo in la dhiso xukuumad mideysa xoogaga ku hartamayey masraxa siyaasadda. Tan dambe maba aysan dhicin. Naqshada xukuumadda hadda dhisan, waxay gaar u leh madaxweynaha, oo si guracan u tarjumay meelmarinta heshiiskii Kambala, sida kii Djibouti lagu gaaray, oo kale;

5. In la cadeeyo in Heshiiskii Kampala aanan loo tarjumi karin marnaba siyaaba khilaafsan ama ka hor-imaan kara, mid ka mid ah, kow iyo todobaatanka (71) qodob, ee uu ka kooban yahay Axdi-Qarameedka.

6. In la xaqiijiyo in ay run tahay iyo in kale, tuhunka la xiriira in Madaxweynuhu uu durbadiiba bilaabay ku tumashada Heshiiskii Kampala, kadib markuu u guntaday u loolanka ama u xariiftanka uu ku doonayo dheereysashada mudada uu sii heyn-doona xilka Madaxweyna-nimada, halki laga filaayey in uu ku ekaado sharci-dhawre. Hadaba waxaa muhiim ah in Madaxweynuhu u caddeeyo Shirka wadatashiga in xilkiisu ku egyahay August 2012. Islamarkaasna uu ogaado in safara badan ee uu ku dhex mushaaxa dalalka Bariga Afrika (EAC) aysan waxba ku soo kordhin karin mudada cayiman ee kmg ah. Mar dambana aan la oggolaan karin faragelin shisheeye. Go’aankaas taladiisa kama dambeysta ahna, waxa iska leh ummadda Soomaaliyeed iyo Baarlamaankeeda;

7. In xiriirka ka dhaxeeya Dawladda Dhexe (TFG) iyo Maamul-goboleedyada (kuwa hadda jira & kuwa dhalan doonaba) la sii xoojiyo iyada oo la raacaya fariimaha cad cad ee ku xusan Axdi-qarameedka, si loo helo is-maamuleedyo ku dhisan caddaala-bulshadeed (social justice) iyo sinaanta muwaadhiniinta meel kasta ay dalka uga sugan yihiin, islamarkaasna la dardargeliyo hawlaha la xiriira hirgelinta federaalismka –iyadoo la raacaya Axdiga;

8. In Shirka wadatshiga uu caddeeyo in Heshiisyada qarsoodiga (secret political deals) ah ee siyaasadeed, ciidan, ganacsi, iwm. ee uu galo qof ama koox ka tirsan DFKMG ama Maamul-goboleedyada jira, ee lagu galay magac dawladeed, aysan yeelan doonaan aqoonsi-sharciyadeed iyo tixgelin ummadeed midna. Hadii heshiisyadaasi aan la soo marsiin dariiqii saxda ahaa sida; Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, ka dibna uusan saxiixin Madaxweynaha, laguna qorin faafinta rasmiga ah, wuxuu noqonayaan wax kama jiraan (null and void);

9. Shakhsigii ama kooxdii lagu helaa in ay soo galeen heshiisyo qarsoodi ah, iyagoo kas u baalmaraya nidaamkii iyo tilmaamihii sharciyeed ee u degsanaa heshiisyada iyo mucaahadooyinka, waa in Shirku u aqoonsadaa in uu galay ama ay galeen dembi ah "Khiyaama Qaran" iyo "Xaqiraad Dastuur" (constitutional contempt). Una caddeeyaan in lagu qaadi doono fal-dembiyeedka ay ka galeen ummadda iyo qawaaniinta dalkooda;

10. Shirkadaha dalka, kuwa ajnebiga iyo dawladaha shisheeye ee la galay heshiisyada qarsoodiga ah madax ka tirsan DFKMG ama Maamul-Goboleeyada, waa in Shirku Wadatshiga codsadaa in ay si qayaxan u soo bandhigaan heshiisyadaas, si ay isaga hubiyaan sharciyadda. Cidii dalka Soomaaliya uga hawl gasha si sharcidarra ah, waa in ay ogaataa in ay ku xadgudubtay shuruucda dalka iyo kuwa caalamkaba. Waana lala xisaabtami doona waqtigeed iyo goobteeda. Hadaba, waa in Shirka Wadatashiga uu arrimahaas ka qaataa talaabooyinka & talooyinka ku haboon, inta aan loo daadegin hawlaha Qorsha-dejinta;

11. Waa in Madaxweynaha lagula xisaabtamaa ka aamusnaanta uu ka aamusanyahay ama uuba raali ka yahay, sida la tuhunsan yahay, falal dembiyeedka lagula kacay jiritaanka Qaranimada Soomaaliya iyo siyaadadeeda (Somalia’s statehood & sovereignty), maadaama uu hayo astaantii qarannimo, yahayna ilaaliyihii u xilsaarnaa midnimada ummadda iyo madax-banaanida siyaasadeed ee dalka;

12. Waa in la dhisaa qaab-sharciyeed kormeer ah (oversight legal mechanisms), ee sugikara, sarana u qaadikara tayada, waxqabadka Baarlamaanka iyo habsami ugu dhaqanka xeer-hoosdaaka u degsan, kana badbaadin kara, ku jawrfal awoodiisa ama awoodaha kale, ama in uu u xuubsiibto maqaar-saarnimo (rubber stamp), iyo in ay haleesho taagdari dhaawici karta gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah;

13. Ugu Dambeyntii, waa in Shirka Wadatashiga ku dhiirigeliyaa Baarlamaanka la xisaabtanka Hay’adda Fulinta (Executive Branch) ee DFKMG. Soona saaraa Qaraar (resolution) arrimahaas ku aadan. Si tan hadda jirta iyo xukuumadihii ka horeyayba, lagula xisaabtamo qaabkii loo maamulay hantidii ummaddu ay lahayd ee ku dhacday gacanta xukuumadda, laga soo bilaabo waqtigii dhidibada loo aasay xukuumadii ugu horeysay ee lagu dhisay dalka Djibouti;

14. Dhinaca kale, waa in Shirka Wadatashiga uu taageera buuxda siiyaa Mooshinka ay xildhibaandu dhawaan diyaarsheen ee ku saabsanaa la xisaabtnaka xukuumadda. Kutlada Toosinta iyo Badbaadinta Qaranka (KTBQ) waxay arrinkaas ka soo saari-doontaa qoraal ay ujeedadiisu tahay xoojinaya shafaafiyadda (transparency) iyo isla-xisaabtanka (accountability), si loo joojiyo boobka ku socda hantida ummadda, ciddii ay ku caddaatana looga qaadilahaa talaabada ku haboon;

15. KTBQ waxay aad iyo aad uga xuntahay in ka badan 30,000 caruur Soomaaliyeed ay u dhintaan haraad, baahi, cudur iyo hooy’la’aan. Halka, wax ka yar 10 doolar, ay badbaadin karilahayd qof ka mid ah dadkaas ku dhammaaday abaaraha. Nasiib darro, mas’uuliyiinta qaar ee ka tirsan DFKMG ayaa lagu tuhunsan yahay in ay lunsadeen malaayiin doolarka Mareykanka ah. Hantidaas oo ay wax ka lahaayihiin dadkii ku aafoobay abaaraha. Hadaba, miyeysan xaq aheyn in si adag loola xisaabtamo xukuummadda, shirka wadatashiguna uu baaq ku aadan arrinkaas uu soo saaro?

16.   KTBQ, waxay ku adkeynaysaa Shirka wadatashiga, in barakacayaasha barnaamij dib-u-dejineed loo sameeyaa, noloshoodii horay u burburtayna dib-loogu-dhisaa, guryahoodana lagu celshaa. KTBQ waxay u mahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ee u sara kacay kaalmeynta walaalahooda ay abaartu ku dhifatay. Sidoo kale, Kutladu waxay u mahadnaqaysaa dhammaan dawladihii u soo gurmaday dalka Soomaaliya, si ay uga samatabixiyaan abaaraha ku habsaday ummadda;

17. Waxay Kutlada Toosinta iyo Badbaadinta Qaranka (KTBQ) u diraysaa salaan diiran dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, waxayna ugu baaqeysa in ay u sara-kacaan badbaadinta qarankooda, kana qeybqaataan sidii loo soo celin lahaa karaamadii iyo sharafkii dalku ku dhex lahaan jiray dunida aynu ku noolnahay.

18. Waxyaabaha ka soo bixidoona Shirka Wadatashiga ee ka dhicidoona Muqdisha 4 illaa iyo 6 Sebtembar 2011, waa in lagu faafiyaa warbaahinta guud, dadweynahana Soomaaliyeedna la siiyaa fursad ay ku dhiiban karaan ra’yigooda. Kadibna loo gudbiyaa Baarlamaanka iyo xukuumadda, si uu uga sii doodaan ugana qaataan go’aano ku haboon;

19. Ugu dambeyntii, Beesha Caalamka waxaa looga baahanyahay in ay la timaado is-ku-taxalujin siyaasadeed oo dhab ah (genuine political commitment) iyo tabaruc deeqeed oo mug leh (finaincial generosity), oo dabuuli kara baahida dhaqaale ee meelmarinta Qorshe-hawleedka.

Xoghayaha Guud ee Kutlada Toosinta iyo Badbaadinta Qaranka
Hon. Abdulkadir Nur Arale
Address: Maka Mukarama Rd.
Opposite 3 Piano Blg
Mogadishu, Somalia
E. Mail address:
ktbq2012@yahoo.com

  




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: