Tanaasul la’aanta Farmaajo

Ku dhawaad 4 sano kahor balanqaadyadii uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xiliga Doorashada sameeyay waxaa kamid ah tanaasul, inuu noqon doono nabadoon iyo in Danta Shaqsiga ka hormarinayo Danta Guud ee dalka, hadaba maxaa iska badalay balanqaadkaas?

Maqaallo Keydmedia Online
Tanaasul la’aanta Farmaajo

“Aniga hadaad i doorataan Madaxweyne noqon maayee, nabadoon ayaan noqon doonaa…waxaan ugu tagayaa cid walba meesha ay joogto,” Farmaajo ayaa sidaas ku sheegay khudbadiisii hadal-jeedinta Musharixiinta 2-dii February 2017.

Waagii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa, Farmaajo ayaa sheegay inuu u tanaasulay danaha shacabka, si khilaafka lagu yaqaaney madax dalka loo soo afjaro, lana furo bog cusub oo tanaasul ah oo lagu soo biiriyo siyaasadda Soomaaliya.

Hadalkaas wuxuu ka yiri khudbadii is-casilaadiisa 19-kii June 2011, kadib markii lasoo saxiixay Kampala Accord, oo Yoweri Museveni [Guarantor] damaanad ka ahaa, si loo soo afjaro khilaafkii u dhaxeeyay Sheekh Shariif, oo Madaxweyne ahaa iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo gudoomiye Baarlamaank ahaa.

Taliyaha Ciidanka Uganda ayaa Muqdisho xiligaas yimid, oo xafiiska ugu tagey Farmaajo, kuna qasabay inuu is-casilo, maadaama xalka khilaafka jiray uu ahaa inuu Ra’iisul Wasaaraha meesha ka baxo.

Lix sano kadib, Farmaajo wuxuu noqday Madaxweyne, wuxuu xukunka yimid iyadoo aan khilaafaad siyaasadeed dalka ka jirin, oo Maamullada iyo Dowladda Dhexe wada-shaqeynayeen, sidoo kalena xiriirka dibadda uu hagaagsan yahay.

Dalka wuxuu xiligan taagan yahay meel isgoys ah, lama hubo mustaqbalkiisa halka uu u dhaqaaqi doono, doorasha ama dagaal, waxaana taagan is-mariwaa daba-dheeraaday kadib markii Farmaajo laga waayay tanaasulkii uu sheegayay 2011, si loo saxo qaladaadka ka jira hanaanka doorashadda 2020-2021.

“Madaxweynow dalka waad timid, waad uga dartay ee ha uga sii darin markale,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Musharixiinta Mucaaradka.

Waxaa jirta dhowr arrin oo Madaxweyne Farmaajo ku riixaya in uu ku adkaysto in sida uu wax u wado ay sax tahay, oo kaligiis wadani ka dhigtay, waa in Fahankiisa xukunka qaldan yahay, oo sawirkii Siyaad Barre kaliye ka arko muraayadda.

Farmaajo koritaankiisa iyo hanqaadkiisa siyaasadeed wuxuu billowday xilligii dowladdii kacaanka waxayna u laabanaysaa xiligii madoobaa ee Siyaad Barre, oo tusaale u noqday xukunkiisa maanta.

Sanadihii la soo dhaafay mucaaradka ayaa lahaa hala ilaaliyo dastuurka, iyo shuruuucda dalka, laakiin Farmaajo aysan xagiisa ka imaan sharciga ha la ilaaliyo, wuxuuna ku kacay falal lidi ku ah dastuurka.

Afduubka doorashooyinkii Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Dhiibstii Qalbi Dhagax, weerarkii Cabdirxmaan Cabdishakuur, hor istaagga madaxdii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh inay dalka gudihiisa ku safraan. Waxay kamid yihiin dhacdooyinka muujinaya sida uu Farmaajo u jebiyay Dastuurka.

Khilaaf siyaasadeed oo si guud dadka iyo dalka u wada saameeyay, xitaa dib u dhigtay doorashadda qaranka, isagoo Farmaajo diiday inuu qabto doorasho lamid ah tii uu asagu ku yimid ama mid ka fiican.

Musharixiinta mucaaradka ee doonaya in xukunka u tartmaan waxay sheegeen inaysan aqbalaynin in indhahooda oo shan ah laga xoogo doorashadda, waxayna sheegeen in marka uu dhamaado mudo-xileedka Farmaajo, oo la gaaro 9-ka February hadii aan la qaban doorasho derbiga la isla tagi doono.

Dhabtii haddii ay xoog tagto, qofka koobaad ee la hubo in uu luminayo wax badan, waa Farmaajo.

Dadka dulqaadkii ayaa ka dhammaaday, waxaana suurta-gal ah hadii uu Farmaajo wadadan kusii socda, la arko malleeshiyo beeleedyo xabad ka ridaya wadada Makka Al-Mukarama iyo afaafka Villa Soomaaliya.

Gudiyo doorasho ayuu Rooble ku dhawaaqay bishii December 2020, laakiin waxaa kahor-yimid musharxiinta mucaaradka, oo sheegay inaysan doorashadda ka qeybgalaynin, illaa laga saaro liiska xubno NISA katirsan iyo shaqaalaha dowladda.

Waxay diidmadooda keentay in doorashadda dib uga dhacdo waqtigeeda, dalkuna galo firaaq dastuuri ah kadib markii Baarlamaankii 10aad uu dhamaadey mudo-xileedkiisa, islamarkaana jirin mid bedelo.

Marka ay marxaladda Soomaaliya gashay, oo mareyso jid dhamaadkiisu yahay dagaal, waxay ahayd inuu sameeyo tanaasul, maadaama uu yahay Madaxweynaha wadanka, balse ma uusan sameyn, waayo waxuu danta garanka uga muhiimsan dantiisa gaarka oo ah inuu kursiga kusii fadhiyo.

Wuxuu diidan yahay Farmaajo inuu mucaaradka la fariisto miiska wadahadalka, si loo dhameeyo khilaafka doorashadda oo dhinacyada kasoo horjeeda ay muujiyeen inay diyaar u yihiin xal in la gaaro.

Waxaa isweydiin mudan in Madaxweyne Farmaajo ma tanaasulay, ma qaatey go’aan hogaamiye dalkiisa u turaya si uu u badbaadiyo jiritaanka dowladnimada, xasiloonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed waxay sheegeen inay barteen qofka uu yahay Farmaajo afartii sano ee lasoo dhaafay, Madaxweyne balan-qaadkiisa ka dhabeyn, hadalkiisa ficil lahayn, islamarkaana xukunka jecel.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 30 July 2021 17:35

Koriimada sideedaba waa mid asal ahaan looga qiyaas qaato marxalad markaa la joogo oo mid kale looga gudbayo. Hadaba tani  waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.