TODOBAADKII WAALIDA, BARLAMAANKA SOOMAALIYA

Dad badan marka ay arkaan hal ku dhiga sheekadan, waxa ay la noqoneysaa in aan ka hadleyno arimo la xiriiro dhimirka iyo cudurada maskax garaadka la xiriira ee laga dhaxlay dagaalada ujeeda badanka ah ee ka socda gudaha Dalka.
Maqaallo Keydmedia Online

Soomaaliyeed dunida guudkeeda uga nool yahay, waxaana taasi sabab u ah Soomaalida oo ah bulsho war ku nool ah isla markaana aan u fiirsan raadka iyo dhaxalka laga heli karo talaabooyinka ay qaadayaan

Waxaan maqli jiray cimrigaagoo raagay Geel dhalaayana waa ku tusaa, waxaanse hadda u joognaa dowlad ku heshiin la’ in ka yar 8 km oo isku wareeg ah kana tirsan caasimadda muqdisho iskaba daa in ay maamusho guud ahaan Soomaaliya ama Koonfurta oo ay ku doodo in loo soo egmday.

Shiikh Aadan ha la rido, Cumar waa dhacay, Shariifka waa qaldanyahay, Baarlamaanka kooramkiisa ma buuxo, waa buuxaaye hala soo shaqo galo, xogheyntii ayaa fariima qoraaleed fasax ah soo dirtay,Hotel hebel waxaa ku shiray taageerayaasha hebel kulankana qado ayuu ahaa, Saxaafadda haloo yeero xaq adeegeedana hala siiyo (Sharuur)  erayadaasi  tan iyo horaantii sanadkan waxay ahaayeen kuwa si weyn looga maqlo Hoteelada, Xaruntada Madaxtooyda iyo Xafiiska R.wasaaraha intuba.

Dhamaantood waxa ay ku doodayaan in ay wakiil ka yihiin sharciga isla markaana aanay u dulqaadan Karin kuwa sharciga ku xadgudbay oo ay ku sheegaan kooxda dhanka kale ka soo jeeda, sharcigu wakiiladiisu badanaa goormeysa Hoteelada noqdeen goobta sharciga qaldan lagu saxo?

HOTEL WEHLIYE

Hotelkan waxa uu ku yaala juquraafi ahaan hadaan tilmaan ka bixino inta u dhaxeyso isgoysyada dabka iyo Sayidka, waxaana uu saaranyahay wadada Maka-almukrama ee xiriirisa KM4 ilaa degmooyinka shibis iyo Shangaani, Hotel wehliye waa halkii uu ka soo bilowday xooga khilaafka maanta taagan, waxaana markii ugu horeysay ku shiray in ka yar 20 xildhibaan oo jeebkooda uu tabar dareeya kuwaasoo bilaabay qeyla dhaan ujeedadooda ay aheyd dhaqaale abuurid, waxaana ay gacan wacan ka heleen gudoomiyaha maanta ee baarlamaanka oo xiligaa ahaa wasiirka Maaliyada.

Ma maleyneysaa in saxaafada arinkaas ay dowr ka cayaartay iyadoo u toog heysa kaliya shilimaadka yar ee sharuurka ah, maanta waa khamiis waxaa jira kulankii gudiyada Baarlamaanka, marka aan Shiikh Aadan madoobe ka soo qaadno warka waa in aan soo marnay Hotel wehliye si ay uga jawaabaan xildhibaanada warka ka soo baxaya gudoomiyaha , erayadaas waxa ay ahaayeen halkudhigii saxaafadda ee maalmahaasi, uma jeedin saxaafadda xiligaas dhexdhexaadnimo ee koox xildhibaana ah oo Dhaqaale heysa ayeey ku ogaayeen Hotel wehliye, waxaana waagaas noqday nin aan maalinba laga dhex weyn wararka Warbaahinta Xildhibaan cumar Islow oo ka mid ahaa gudiyada Baarlamaanka.

Sheekadii ka bilaabatay Hotel wehliya waxa ay aakhirkii ku biya shubtay in gudoomiyihii Baarlamaanka Shiikh Aadan Max’ed Nuur Madoobe xilkii looga qaado Foori iyo fawdo,

MACSALAAMEYNTII AADAN MADOOBE IYO SOO DHAWEYNTII SHARIIF

Maalin Isniin ah 17-may ee sanadkan ayaa shirar Mataana ah oo ka kala dhacay Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa lagu shaaciyay war lama filaan noqday, kaasoo ahaa in Shiikh Aadan madoobe oo xilka gudoomiyaha isaga dagay, dhanka kalana Madaxweyne shariif waxa uu isna shir jaraa’id ku sheegay in R.wasaarihii uu xilka ka qaaday  isla markaana mudo ku siman bil uu R.wasaare ku soo magacaabi doono.Laakiin R.wasaaraha waxa uu warkaasi ku tilmaamay qaraw maalmeed aan sinaba loo aqrisan Karin waxaana uu uga jawaabay shir jaraa’id oo maalma kadib uu qabtay.

Waxaa bilaabatay in loo tartamo jagadii uu baneeyay Shiikh Aadan madoobe gudoomiyihiin Baarlamaanka, waxaana isa soo sharaxay dad badan uu qaarkood ay sheegeen in wax qabad wanaagsan iyo horumar ay la imaan doonaan, laakiin waxaa si lama filaan ah uga soo dhex dusay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo wasaarada Maaliyada ka soo tacbaday dhaqaale badan isla markaana ku indha sarcaadiyay xildhibaanada qarashaad fara badan

11 Casho kadib markii uu xilka ka dagay Shiikh Aadan madoobe doorasho la qabtay, qarash badana uu ku baxay waxaa gudoomiye Baarlamaan ku guuleestay shariif Xasan Shiikh Aadan oo isaga soo haajiray Wasaaradii maaliyada kana door biday Gudoomiyaha Baarlamaanka dooqa cajaa’ib badanaa siyaasaduna gadgadoon badanaa.

Dad badan bay la tahay waali siyaasadeedka todobaadyadan ka socota dalka in ay tahay xaaja ugub, laakiin waa arin ka soo bilaabatay dharaartaas isla markaana  meel fog qalin daar ka helaysa, waayo beesha caalamka waa ay u sacaba tumeysaan waxa socda wayna ka leexatay ka hadalka arimaha jira.

Muqdisho maanta waxay joogtaa halkii ugu darned, kooxaha dowlada ka soo horjeeda waxa ay kaabiga ku soo hayaan xarunta madaxtooyada iyo goobaha yar ee ay dowlada ka taliso,taasoo ay jirto ayaa hadana waxaa xarunta madaxtooyada iyo xafiisyada ku hareereysan waxaa ka jira muran, khilaaf, xusul duub siyaasadeed, lacag kala gurasho, iyo siyaasad aan qaabkeeda sifeysneen.


Shalay waxaa loo madlanaa kulankii Baarlamaanka ee kalsooni weydiinta xukuumadda, laakiin shariif Xasan gudoomiyaha baarlamaanka ayaa joojiyay kualnkaasi isagoona aan sheegin sabab cayiman oo loo qaateen ah.

“Xukuumadda hadii aanay maanta oo sabti ah Baarlamaanka hortagin waa ay dhacday, madaxweynahana waxaa waajib ku ah inuu soo magacaabo R.wasaare cusub” sidaa waxaa warbaahinta gudaha u sheegtay khadiijo Max’ed Diiriye oo wasiir xukuumadda ka tirsan ah, dad qaarna ay ku sheegaan in mar walba ay taageerto madaxweynayaasha

Milkiilayaasha Hotelada Muqdisho sida Naasa-hablood iyo Saxafi waxaa todobaadkan waalida uu u yahay mid dhaqaale abuur oo aad ay u soo dhaweeyeen, waxaana ay ka heleen dhaqaale balaaran kaasoo ka yimid kulamada qadada ah, casariyada iyo is aragyada kale ee ka dhacaya Hoteelada.

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ee ku taxan Idaacadaha FM-ka ah si weyn ayeey u fahmeen nidaamka socda iyo sida uu ayahay, waxaana qof walba oo hadla ay hora ka garan karaan dhanka uu jiro iyo qoyaanka gaaray jeebkiisa inta uu la egyahay,

ISTARAATIIJIYADA KHILAAKA

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Sac ninkii lahaa uu seenta uga fadhiyo sinaba uma dhaqaaqo, Baarlamaanka waa bartii kala baxa ee loo yagleelay inuu kala hufo dhabta iyo dheesha.

Fogaan aragga waxa ay rumeysan yihiin in ujeedada ka danbeysa abaabulka khilaafkan in ay tahay mid la doonayo in gabi ahaanba lagu burburiyo, waxaana la odarasyaa in gudoomiyaha baarlamaanka uu mashruuc balaaran ku soo qaatay arinkaasi, saansaanta muuqata waa tii la arki jiray sanadahaba waxaa soo dhaw dhawaaqa shir dib u heshiiseeneed oo gacan shishieeya garwadeen ka tahay, waxanaa taaba galinta arintaas ka wakiil ah gudoomiyaha Baarlamaanka.

Nuxnuxda hoose ee la maqlayo waxaa ka mid ah in Magaalad Garawe la doonayo in lagu qabto shir nabadeen ah, qandaraaska waa ay ka wada jiraan Sharma’arke iyo Shariif Baarlamaan laakiin shariif waxa uu doonaya inuu farsameeyo Sharmar’ke isla markaana uu banaanka wada geeyo Shariif Shiikh Axmed iyo Sharma’arke labaduba.

SHACABKA YAA U MAQAN?

Shacabka daalay, ee darxumada iyo diifta dilootay ma jirto cid u diir naxeyso oo u darban daryeelkooda, madfac iyo mootar baa lagu asqeeyaa dharaar iyo habeen mana jirto cid u dooda, wacnaan laheydaa hadii qarashaadka lagu bixinayo Hoteelada iyo laaluushka loo qeybin lahaa bukaanada buux dhaafiyay Isbitaalada Muqisho allow shacabkaan u soo gurmo magantaada ayeey ku jiraane.

www.keydmedia.net




Maqaallo 20 July 2021 9:59

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasadda Ciidda Adxda.