Ururka Raaskaambooni” Dowladda Soomaaliya Waxbo Kama Quseeya Maamul U Sameynta Kismaayo”

Kismaayo (KON)- Ururka Raaskaambooni oo kamid ah Ciidamada huwanta ah ee la wareegay gacab ku heynta magaalada Kismaayo ayaa ka hadalay hadal dhowaan ka soo yheeray Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo ahaa in Dowladdu ay dhowaan Maamul u sameyn doonto magaalada Kismaayo, ayadoo masuulyiinta Raaskaambooni shaaciyay in Maamul u sameynta Kismaayo aysan dowladda shaqo ku lahayn.
News Keydmedia Online
Ururka Raaskaambooni” Dowladda Soomaaliya Waxbo Kama Quseeya Maamul U Sameynta Kismaayo”

C/naasir Seeraar Afhayeenka Kooxda Raakaambooni oo la hadlayay BBC-da qeybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorshe ay Maamul KMG ah ugu sameenayaan magaalada Kismaayo, isagoo gaashaanka u daruuray hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in Dowladda ay Maamul u sameyn doonto Kismaayo.

"Dowladda waxbo kama galin Maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo gobbolada Jubbooyinka, waxaa fiican in Madaxweynuhu uu dib u akhriso Dastuurka, Dastuurka kuma taallo in Madaxweynuhu uu Maamullo u sameeyo gobbolada dalka,"ayuu yiri Mr Seeraar.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo




Article 21 May 2021 10:14

I read your article on Foreign Policy with keen eyes and interest. While whining from public officials does not deserve response from any sensible citizen of the Republic of Somalia, I felt compelled to counter false narrative with more objective analysis.