Warbixin: Howlgalka Nabad ku Afur oo isku badelay “Naxdin ku Afur”

Muqdisho (KON) - Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa balanqaaday kahor inta ay dhalan Bisha Ramadaan Barnaamij ay ugu magacdartay "Nabad ku Afur", kaasi oo Ujeedkiisu ahaa in aysan Caasimadda ka dhicin Falal ka dhan ah Amaanka inta lagu guda jiro Ramadaanka.
Warbixin: Howlgalka Nabad ku Afur oo isku badelay “Naxdin ku Afur”

Laakiin, Barnamijkaasi Nabad ku Afur ayaa noqday mid fashilmay oo isku badelay Naxdin ku Afur, kadib markii Al shabaab ay 5-tii Maalmood ee ugu horeysay Bisha Ramadaan ay ku daahfurtay Dilka in ka badan 8 Askari & Xildhibaan Shalay la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxa'ed Maxamuud Xayd, oo Maalin Cad lagu Rasaaseeyay Gudaha Degmada Xamarweyne ee Muqdisho.

Dhacdooyinkan ayaa Shacabka Muqdisho ku noqday mid ka yaabiya, waxaana ay sheegeen in Rajadii ay Dowladu gelisay isku badeshay "Hal Bacaad lagu lisay", waxaana ay u bixiyeen Naxdin ku Afur.

Dowladda Federaalka ayaa sugi la' Amaanka Muwaadiniinteeda ku nool Caasimadda, oo hadda Ciidamada jooga ee isagu jira Soomaali & Shisheeye oo Ciida ka badan u maari la'yihiin inay ka hortagaan Weerarada dhacaya.

Wadooyinka Muqdisho, oo hadda ah kuwa Mashquul badan oo Ciidamada DFS & AMISOM ay taagan yihiin Isgoyska kasta, ayaa Maalin kastoo lagu toogtaa Askar & Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda & Baarlamanka, iyadoo kuwa Dilka fuliya ay baxsadaan markastaa, taasina waxa ay Shaki gelisay Shacabka oo ah in ay jirto Wadashaqeyn u dhaxaysa Ciidamada & Al shabaab.

Col. Maxa'uud Cabdi Cumar (Xamari), oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka, ayaa sheegay in Barnaamijka Dowladda Federaalka shaacisay ee Nabad ku Afur uu Dhibaato horleh kusoo kordhiyay Shacabka Magaalada, isagoo sidoo kale tilmaamay in Fidnada Cida bilowday lagula xisaabtami doono.

Keydmedia Online ayaa weydiisay qaar ka tirsan Shacabka Muqdisho sida ay u arkaan Xaaladda hadda taagan & Barnaamijka "Nabad ku Afur."

Nuuradin Axmed, waa mid kamid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadaha Muqdisho, waxaana wax ka weydiinay sida uu u arko Nabad ku Afur, wuxuuna ku jawaabay: "Nabad ku Afur ma ahan ee waa Naxdin ku afur, Maalinkastaa & Habeenkastaa waxan maqalnaa Hebel baa la dilay, Askari baa la dilay, Meel Heblo baa la weeraray, iyadoo ay jogaan kuwii sheegay inay Amaanka sugayaan oo ah Ciidamada Booliska."

Jamilo Xuseen, waxa ay Goob Ganacsi yar ku leedahay Wadada Makka Almukarama waxaana ay KON uga warbixisay sida ay u aragto Xaalka Muqdisho: "Xiligi hore Saacadaha danbe ayaan mararka qaar ku gaari jiray Goobtayda Ganacsi, oo Dadweynaha waxa ay ahaayeen kuwa usoo Caweys taga Goobaha ka furan Wadooyinka Muhimka ah ee uu Ganacsiga fican ka jiro, sida Hoteelada & Mayaaqayada, balse hadda Qofwalba Gurigiisa uu ku faray kama soo baxo, Cabsi darteed."

Waxa ay sheegtay in Ciidamadii Booliska Dowladda Feeraalka ah ee Soomaaliya ee la rabay inay sugaan Amaanka Shacabka Magaalada, iyguba aan koodii sugnayn, oo Maalin walba Wadada lagu dhex tooganayo, Qorigana laga qaadanayo, taasi oo ay ku micnaysay "Kadaroo Dibi-Dhal."

Cali Sabriye, waa Oday Soomaaliyeed oo Waayo joog u ahaa Marxaladaha kala duwan ee Muqdisho, wuxuuna ugu waramay Keydmedia Online halka ay sarta ka qurantay: "Aniga waxaan soo joogay Muqdisho Marxalado kala duwan, Xiligii Hogaamiye Kooxeedyada, Maxkamdaha & Dowladihii KMG ahaa, ma arag wax ka xun Xaaladda hadda jirta, Wiilal Yar Yar ayaa Weerar ku qaadaya halkii dalka laga maamulayay { Villa Soomaaliya} oo isku dayay inay Madaxweynihii dilaan, Xaruumihii Dowladda ugu muhiimsanaa oo dhan waa lawada Weeraray, taasina kama aysan baran Dowladda Cashar oo Howsha wali waa ay socotaa."

Wuxuu isweydiyay Sabriye haddii magaalada lagu dhexdilay Xildhibaan ama Mas'uul kale oo Ciidamo Ilaalo ah wata, Shacabka yaa sugaya Amaankooda.? "Dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay fadhiga ka kacdo oo adkayso Amaanka dalka & Dadkeeda, oo Hay'adaha Amaanka isbedel lagu sameeyo, loona dhiibo Xafiiska Mas'uuliyiin leh Wadaniyad & Howlkarnimo."

"Maalinkastaa Qof Magac & Miisaan ku dhex leh Shacabka ayaa lagu dilaa Muqdisho, Saraakiisha Amaanka Dowladda Soomaaliyana waxa ay Caado ka dhigteen Baaritaan ayaa socda, waan soo qaban doonaa Cid Dilka geysatay, dib danbe looma maqlo halka uu ku danbeeyay Balanqaadkaasi & Kiisma Qofka la dilay," ayuu tiri Gabar codsatay in Magaceeda aan qarino, Sababo la xariira Amaankeeda.

Shacabka Muqdisho, ayaa hadda waxa ay yihiin kuwa maqalkooda suga Waqti kasta, Qarax baa dhacay, Qofbaa la dilay, Dhismo Hebel ayaa la weeraray, waxaana ay kuu sheegayaan markii aad la sheekeysato in aysan jirin Dowladda ay isku halaynayaan in Amaankooda sugto.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Todobaadkii hore ka sheegay Warbaahinta in Shacabka ay Nabad ku afurayaan inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan, isagoo hoosta ka xariiqay in Cidamada Dowladiisa diyaar u yihiin inay sugaan Amaanka Muwaadiniinta ku nool Caasimadda, oo ah ka hortagi doonaan Falalka ka dhanka ah Amniga, balse balantaasi ma u muuqato mid hergashay.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Maqaallo 22 February 2021 13:48

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.