Wax Soo Saarka Beeraha Gobbolka Jubbada Hoose Iyo Socdaalka Keydmedia - Daawo

Kismaayo (Keydmedia) - Gobbolka Jubbada Hoose waxaa uu kamid yahay Gobbolada ugu wax soo saarka badan ee Dalka waxaana Sanadihii la soo dhaafay Gobbolka ka soconaayay kobac ballaaran oo dhanka wax soo saarka beeraha.
Maqaallo Keydmedia Online

Gobbolka Jubbada Hoose waxaa ku yaalla beero aseebdooyin aad u waaweyn kuwaasoo ay ka baxaan dalagyada kala duwan ee Beeraha.

Waxyaabaha ugu badan ee Beeraha gobbolka Jubbada Hoose ka baxa waxaa kamid ah, Qudaarta noocyadeeda kala duwan, sida Yaanyada, Basasha, Muuska, Cambaha IWM, iyo Sisinta, Galeyda, Digirta.

Dalagyada ka soo go'a Beeraha kala gadisan ee gobbolka Jubbada waxaa loo soo iib keenaa suuqyada magaalada Kismaayo.

Warbaahinta KEYDMEDIA ayaa todobaadyadaan waxaa ay wadaa mashaariic ay Muuqaalo iyo Warbixino ay kaga soo sameenayso Beeraha, Waxbarashada, Ganacsiga Kismaayo, xaalada Air Port-ka Kismaayo, iyo adeegyo kale oo akhristayaasheena xiisa galin doono ayadoona arrimahaan uu gacan weyn ka geysanaayo wakiilka KEYDMEDIA ee gobbolada Jubbooyinka.

Maanta waxaa Barnaamijka Socdaalka Keydmedia iyo Beeraha gobbolka Jubbada Hoose.

Wakiilka Keydmedia ee Gobbolada Jubbooyinka - Kismaayo - Kismaayo@Keydmedia.net  





Maqaallo 15 January 2021 0:02

Sanad baa dhamaaday, mid cusub baa bilawday, maxay kadhigantahay? Maxay nagu dhalin kartaa? Maxaanse ka faaiidaysan karraa? Waxaan wada ognahay inay nolsheenu tahay maalmo, usbuucyo, Bilo iyo Sanado laysku daray. Markasta oo ay maalini tagtana cimrigeeenii waxaa tagay qayb aan noosoo laaban doonin ilaa Maalinta Qiyaamada laga gaaro. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.