Xaaraan ku-Naax!

Keydmedia.net - Waa maxay macnaha erayga la baxay xaaraan ku-naax, goormuuse soo shaac baxay? Macnaha eraygaasu waa tuug lunsada hanti Qaran iyo mid Bulshaba.

Ma ahan Qof lagu aqoon jirey caatanimo uu u dhashay oo dabadeedna uu ku cayilay hantidii uu leexsaday, ee waxay tusaale u tahay in qofkaasu yeeshay hanti uu xaday oo uu ku baraaro oo u suurogelisa inuu yeesho awood Dhaqaale, mid tixgelin siyaasadeed, mid qaddarin heer bulsho iyo mid lagu noolaado raaxo gogoshu u fidsan tahay. Magacu waa eray lab ah, waayo ragga ayay keli ku tahay inuu u bareero xatooyo caabuq ah, haddana laysku ammaano. 

Dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed tuugga bulsha ammaan uma hayaan. Waa la takoori jirey waana la dhaleecayn jirey. Lalama tukan jirin waxna laguma darsan jirin. Looma guurin jirin gabar, tiisana lama guursan jirin. Lalama dersi jirin, oontiisana lama wadaagi jirin. Lalama jalbeebsan jirin, lalamana maararoobi jiirin, sida kaftanka, majaajillada, dood-cilmiyeedka, aqoon is-weydaarsiga, waaya-aragnimada iwm.  

Lama aamini jiirin oo looma dhiibi jirin maskab dawladeed, mid diimeed iyo mid bulshaba. Malabsiga tuugga Soomaaliyeed waxaa lagu xakamayn jirey dhaqanka iyo hiddaha suubban. Malabsiga tuugga dalalka hore u marayna waxaa lagu xakameeya sharciga ay xatooyada u dagsadeen iyo maamul garsoor oo lama loodshaan ah.

Xatooyada hantida la leexsado waxay la fac tahay dawladnimada, waxayna soo ifbaxday bartamihii lixdameeyada markii nin haya jagada wasaaradda arriumaha gudaha uu xaday hanti ummaddu leedahay oo dhammayd hal milyan oo ahaa doolarka Maraykanka. Waa la garan karaa baaxadda lacagtaasu markaas lahayd, waxa ay dalka u qaban lahaayd iyo dawladdii markaas jirtey oo aan falkaas waxba kasoo qaadin. Qaade iyo qariye waa isku dambi.

Dawladdii kacaanku waxay si bareer ah ula dagaashay xatooyada hantida qaran wixii ka horreeyey dagaalkii 77 aan Xabashida la galnay, waxayse dhacday in xatooyada hantida qaranku uu mubaax noqoday wixii ka dambeeyey 1978, waase lala gabban jirey.

Maanta waa laysku ammaanaa. Waxaa la caadeystay in ninka ka tirsan beeshaada wuxuu xado aan loo arag xatooyo hanti qaran ee lagu ammaano oo farata lagu fiiqo kan katirsan beesha kale. Haddana duulku waa labo tuug…!

Ugu dambayn, xatooyada hantida qaranku waxay abuurtay dabaqad ka tirsan madaxda dawladda ama kuwa ku lifaaqan oo iska soocda bulshada inteeda kale. Iyaga ayaa isku lifaaqan oo jabad wada daga, wax isla cuna waxna isku darsada. 

Waxaa lagu baratamaa in la cantoobsado hanti bulshadu u baahan tahay oo lagu kaydsado banuugta dunida. In la dhisto daarta daaraha ugu dheer. In danyarta beeraleyda ah lagala wareego dhulkooda oo la samaysto beerta beeraha ugu bilicda iyo tacabka wanaagsan. In arooska loo dabbaaldego oo lagu bixiyo dhaqaale laga sheekeeyo. In fidno lagu abuuro hantida qaranka oo la leexsado, carruurtana waxbarasho dibadda loogu fogaysto. In goobaha bulshadu ku kulan magacooda laga xuso.

Dawladdii kacaanka waxaa jirey labo mudane oo ka tirsanaa Golahii Sare ee kacaanka, haddana aan waxba is-dabamarin jirin: Waxay kala ahaayeen Axmad Xasan Muuse iyo Maxamuud Gelle Yuusuf. Waxaa lagu xaman jirey in xaasaskoodu u dawarsi tagi jireen haweenka ay qabaan madaxda kale ee xatooyada muxaaba ka dhigatay.

Bal daya sida dhaqankii wacnaa loo dhaalanrogay. Ummaadda Soomaaliyeed waxay labaad nin u araagtaa inay leeyihiin sharaftii iyo karaamadii madaxi lahaan jirtey. Kii ammaanta lahaa baa la liidayaa, waxaana la ammaanaa kii tuugga ahaa. Xatooyadii waxay keentay dhaqan laaluush qaadasho mubaax noqday  oo si xaddhaaf ah ugu fidday ilaha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliyeed.

Dhaqankaas xun wuxuu ku fiday siyaasi oo dhan, madaxda dalka oo dhan,iyo kan maamulka dawladda. Iyaga ayaa wax la qaybsada shirkadaha ajnabiga ah ama kuwa ka socda dawladaha kale iyo adeegyada UN-ka.

Shirkadda ajnabiga ah marka qandraas la siiyo, laaluush bay siiyaan madaxda hawqabadkooda ilaalisa, hase yeeshee shirakadahaasu waxay ku gorgortantaa: b) Inay samaystaan hawlqabad nuxur yar. T)Inay soo dalacato qiime kordhis kasii badan laaluushkii ay bixisay, j) iyo iyadoon gelin heshii sii raga oo ay dayactir ku saqmayso hawl-qabadkeedii xumaaday. Si xatooyada iyo laaluush-cuniddu mubaax u nooqoto, dawladdu ma samayn hay’ad dabagal ku samaysa hawl kasta oo dalka laga qabto, si loo sugo tayada shaqada la qabtay iyo dhaqaalaha ku baxay. Sidoo kale, cuntada gargaarka dalka loo keeno lama faaqido caynteeda, waxtarkeeda nafqo iyo fiyoobaanteeda. Laaluush baa la bixiyaa wax walbana waa socdaan.

Marka madaxda iyo maalqabeenku ay noqdaan xaaraan ku-naax maatada yaa u miciini doona?

Xaaraan ku-Naaxa siduu isu Arkaa?

Xaaraan ku naaxu waa tuug isla qabweyn. Dadka kale waa iskala sarreeyaan. Ninka uu ka dhaqaale badan yahay waa iskala sarreeyaa. Wuxuu rumaysan yahay waa in la fuliyo. Wuxuu kaloo rumaysan yahay inuu cid walba uu lacag ku adeegsan karo, ciduna ka horiman Karin.

Inuu dadka kale ka talo iyo tusaale wanaagsan yahay. Waa tukaadaa, waa xaaji dhowr jeer tagey Xajka, wuxuuna filayaa inaan  jannada ciduna uga hormari doonin.

Xaaraan-cunka Maxaa Keena?

Ma Aqoondarro ayaa keenta? Maya, kuwa booka ku haya hantida qaranka waa aqoonyahanno leh aqoon heer caalami ah. Ma aqoon yari diimeed baa keenta? Maya, kuwa ugu dhabarka adag oo lunsashada hantida qaranka waxay leeyihiin aqoon diineed oo hufan. Ma damac weyni baa u keentay inay lunsadaan hantida qaranka? Maya, waxay u arkaan inay tahay hanti aan ciduna u dabageli doonin markay xilka ka dagaan.

Ma faqrinimo ayay ka cabsanayaan markay gaboobaan? Maya, kuwa leexsada hantida ummadda waa kuwa ugu maalqabeensan ummadda Soomaaliyeed. Ma beel gaar ah bay kasoo jeedaan? Maya, cid walba way leeyihiin aan ahayn dadka laga tirobadan yahay. Sidee looga waantoobi karaa xaaraan ku-naaxnimada?  Markii la helo saddexda arrimood oo soo socota mid kamid ah:

a) Inay xukunka la wareegto dawlad military ah oo waddani ah oo dalka ka sifaysa xaaraan ku-naax, laaluush cune, diradiraale, danayste, shisheeye kalkaal, iwm
b) In xukunka dawladnimo uu la wareego maamul diini ah oo xakameeya boobka iyo dhaca lagu hayo hantida qaranka, iyo
c) Inaan gumaysi dib ugu noqono gumaysi sifeeya xaaraan ku-naax iyo inta la halmaasha ilaa laga ciribtiro gafanaha bulshada dhiigga ka jaqda

Sidee Bulshadu Xaaraan ku-Naax u Aragtaa?

Waxaa loo arkaa inuu tuug yahay. Inuu xaaraan-quute yahay. Inuu ku danaysto hantidii ummaaddu lahayd. In xaaraanta uu kasbay ay u daran tahay reerkiisa iyo warasadiisa. Inuusan qabriga la galay doonin xaaraantii uu hore u kasbay.

Inuu ogaado inaan dunida lagu waari doonin. Inuu ogaado in lala xasaabtami doono oo lala sugayo markuu qabriga galo.

Sidee Raabi u Arkaa?

Ilaahay baa taas garan, waxayse nala tahay inaan ammaanu u oolin guriga aakhiro  

Keydmedia.net

 




    Maqaallo 11 September 2020 15:57

    Khudbadihii Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ka jeediyeen Shirka ka dhacay Baydhabo 9.9.2020 waxay ahaayeen khudbado lagu muujinayo burburka heshiiskii dhusamareb-1, kala qaybsanaanta dowlad goboleedyada, iyo fashilka hadafka asaasiga ah iyo guulaha gogosha dhusamareb.