Xeerka Is Maamul-Goboleedka Soomaaliya U Dagsan | §50 //  §51 | QEYBTA LABAAD

Keydmedia Online - Halkaan ka Aqriso Qeybta Kowaad [Qodobka 48aad & 49aad] - Muwaadin walba oo Soomaali ah waxaa Waajib ku ah inuu Fahmo Dastuurka Dalkiisa lagu dhaqayo, waayo wuxuu Wahmahayaa Xeerka Dalkiisa u dagsan.
Maqaallo Keydmedia Online

Wuxuu fahmayaa Xuquuqda Dalksiisu iyo Dadkiisu ku leeyihiin, Wuxuu fahmayaa Xuquuqda uu Muwaadinku Dalkiisa ku leeyahay, Wuxuu fahmaayaa Xuduudka ay ka bilaabanayso Xoriyadiisu kuna dhamaanayso Xuduudka Xoriyada Muwaadinka kale.

Keydmedia Online waxay idiin soo bandhigaysaa Xeerka Dastuurka Dalka Soomaaliyeed u dagsan oo wali Qabyada ah, si aad u fahamtaan Sharciga Dalka lagu maamulayo.

Horta ma taqaanaa Dastuur, muxuu yahay?

Ma Aqrisay oo ma fahamtay Sharciga Dalkaaga lagu maamulayo?

Ma doonaysaa in aad fahamtit Xeerka Is Maamul-Goboleedka Dalka Soomaaliya u dagsan oo maalmahaan la hadal hayo?

Hadaba kutiri-kuteen waxaa dhaama yaqiin Aqooneed, ka faa'idayso Xeerka Dalkaaga Qeybta Quseesa Is Maamul Goboleed wuxuu yahay.

Halkaan ka Aqriso QEYBTA LABAAD ee Qoraalka:-



Qodobka 50aad. Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kaleba, waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da Federaalnimada; kuwaas oo ah:

(a) Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha;
(b) Awood walba waa in la siiyo hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku- oolsan u fulin karta;
(c) Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah federaalka dhexdooda iyo dawladaha xubnaha ah iyo Dawladda Federaalka ah;
(d) Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah;
(e) Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado;
(f) Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku- oolsan u fulin karta;
(g) Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliyo.


Qodobka 51aad. Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Heer kasta oo Dawladeed ha ahaadeen heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan

(1) Dawlad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay:

(a) La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah heerarka kale ee Dawladaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta;
(b) Heer kasta oo Dawladeed waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada heerarka kale;
(c) Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.

(2) Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Dawladda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka si ay isula meeldhigaan:

(a) Adkaynta Midnimada Qaranka;
(b) Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka;
(c) Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;
(d) Horuumarinta baraaraha shacabka;
(e) Isdhaafsiga macluumaadka.

(3) Dhammaan heerarka Dawladaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.

(4) Sharci Baarlamaank Federaalku ansxiyay waa inuu xeeriyo:

(a) Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka Dawladda;
(b) Samaynta hay’ado habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka Dawladda inta aanay u gudbin maxkamad.


Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Maqaallo 20 July 2021 9:59

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasadda Ciidda Adxda.