XORIYADDA SAXAAFADDA IYO MARXUUM CABDULAAHI CIISE MAXAMUD (QEYBTII 4-AAD)

Dr. Ismail Malaas - Nairobi Dadka daafaca xoriyadda saxaafadda yaa horseed u ahaa?
Maqaallo Keydmedia Online

Isla Saxafiyiinta ayaa ah haday karaamada iyo sharafta saxaafadda huwanyihiin.Maxay ku tiirsanaayeen Suxufiyiintu? Miciin ka dhiganaayeen, si ay u daafacaan quwada ra’yul caamka ama ay uga difaacayaan markii la habaabinayo ra’yul caamka, hab kasta ha isku dayo in ay u habaabiyaan dadka xuriyada ra’yiga ee saxan ee aaraada iyo mabaadii’da qurxoon ka fog iyo in caadifad nuuc kasta ha ahaatee la adeegsado, si loo adeegsado iyo asalkii saxnaa ee kaakicinta mabaa’diidaas la qaldayo iyadoo la huwinayo been badan.

 

Nabigeena suuban NNKH wuxuu yiri “ tilmaamaha munaafaqa waa seddex: hadduu hadlo ama sheekeeyo been ayuu sheegaa, hadduu balan qaado ma oofiyo, hadii wax lagu aamino waa uu khiyaanaa”.

 

Is herdiska Saxaafadda iyo xoogga ra’sulmaalka “il capitale” waa laf dhabarka fasalada ama waayaha taariikhda saxaafadda, ilaa maantadan aan joognana waa ay jirtaa waliba xiligaa oo ay shirkadaha maalka leh ay bateen meel ama jiho xoog leh oo daacad ahna aanay jirin oo ay hadii koox isku daydo difaacideeda iyada qudheeda loo adeegsadaa awood maaliyadeed.

 

Kacdoonkii Faransiiska aan ka hadalno marba hadaan saxaafad ka hadleyno, kacdoonkii faransiiska halkudhigyadii iyo baaqyadii ay dajisay waxaa u horeeyay mabda’a iyo xoriyadda saxaafadda, waxaasuna waa wax iska dabiici ah. Sabab? Mar waa mare waxay aheyd tahayna hababka ugu muhiimsan ee afkaarta iyo aaraa’da lagu gaarsiinayay dadka waagii kacdoonkii Faransiiska, marka labaad dadkii kacdoonka waday waxay doonayeen in ay hubiyaan xaqa ay u leeyihiin inay afkaartooda ay gaarsiiyaan shacabkooda, waxayna ka soo horjeedeen in la yiraahdo waxaanan raali ka aheyn lama faafin karo…Tasoo macnaheedu waa : waxaa tahay aadane dhiman oo aan fakar iyo maskax dhan ka aheyn, wadankiisana ka difaaci Karin dowlad, koox, urur Iwm mabaadii’ si siloon loo abaabulay wadata.

 

Waagii hore saxaafadu intii aanay soo ifbixin waxaa la isticmaali jiray qudbadaha iyo gabayada kadibse safka hore waxaa u soo booday wargeysyada daabacan ee kaalinta xooga leh, waa waagii kacdoonkii faransiiska ee saxaafadda maanta qalabka casriga ah ee internet-ka leh .

 

Yaa u maqan Saxafiga Idaacada Darban ee Beledweyne?

 

Mar baa saxaafadda heerkeedu ahaa qudbadaha aftahanimada, waxayna aheyd nidaam raad raac lagu reebo ama lagu kasbado ra’yul caamka .

 

Kadib marxaladaas saxaafadda oo aan ula jeeda mida qoran ay mar kaliya u booday wargeys daabacan oo aad u fidiyay waagaas.

 

Saxaafaddu waxay u baahantahay mabda’yada u gaar ah aadna uga xadida maba’a xoriyada hadalka iyo ictiqaadka “IL CREDO” akhristayaasha qaarkood ictiqaad caqiidada diimeed u maleyn. Saxaafaddu  maku koobno oo kaliya xaqa uu qofka insaanka ahi leeyahay inuu si xor ah wax u qoro, saxan, qadaf laheyn,aflagaado iyo isku dir.

 

Saxafigu xaq wuxuu u leeyahay inuu ogeysiiyo dadka ra’yi kasta oo meel kasta ka soo jeeda iyo xaqa uu u leeyahay sida ay aaraada u kala wanaagsan yihiin si dimuquraadinimo ahna ay isugu dhex dhalaalayaan in xaqa uu u leeyahay inuu u iisho dhinaca saxa ah.

 

Markii dadweynihii faransiiska ahi ay kor u qaadeen tabeelaha xoriyadda saxaafadda waxay sidaas ku muujiyeen dhibaatooyin iyo kadeed saxaafadda iyo suxufiyiinta ay la kulmeen laga bilaabo markii ay soo ifbaxday jariiradii ama wargeyskii ugu horeeyay oo qarniyadii dhexe dhamaadkeeda ahaa, kadibna wax badan kadib  idaacadaha ayaa soo baxay.

 

Waxaa waagaas laga qaaday daboolka ama bustihii la huwiyey qadiyada ninka iska leh saxiifadda ama wargeyska ee milkiilaha maalqabeenka ah iyo qadiyada saxafiga  ama qalin sidaha  aan inuu jiraba maalqabeenku muujineyn, xaqiisana la duudsiyay.

 

Saacaddu 4:25 daqiiqo ayeey aheyd Sanadkuna waa 2006 markii aan dhageestay saxafi dhibane ah oo Idaacada Darban ee Beledweyne  ka howlgasha ka tirsan , Saxafigaasi C/llaahi ayaa la yiraah, rasaas ayaa lugta ka gashay waliba meel neerfayaasha dhankooda xigta.

 

Saxafigaasi wuu cabaaday ururada Nusoj, Sojo iyo urura kale ayuu sheeg sheegay oo uu kaalmo weydiistay, wuxuu magacaabay dhalinyaro ururo saxaafadeed madax u ah laakiin ma helin wax uu suura galiya in dibadda iyo dhaqaatiir xeeldheerayaal ah uu helo, maadaama uu sheegay in wadanka aan waxba looga qaban karin.

 

Waxaa intaas ka sii yaab badanaa inuu weli shaqeynayo.Idaacada Darban hada xayeesiiska iyo howla kalaba wax waa ka soo galaan, idaacadaha Xamar ku yaala kaalmo iyo qeyla dhaan waa sameyn karaan, waxaanse weydiinayaa in xaqaasi lagu leeyahay ma ogyihiin? Xoriyadda saxaafaddu halgan dheer ayeey u baahantahay, sidoo kale ilaalinta ereyga xaqa ah iyo xoriyadda saxaafadda dhibada loo aaso oo hadba casriyen iyo suuq cusub ay la timaado, xiisana leh, maadaama xiisa galinta warku ay wax muhiim ah tahay iyo harag cusub oo ah difaacaha suxufiga  ……………….

 

waa socotaa

 

Dr. Ismail Malaas - Nairobi

Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.

www.keydmedia.net




Maqaallo 15 January 2021 0:02

Sanad baa dhamaaday, mid cusub baa bilawday, maxay kadhigantahay? Maxay nagu dhalin kartaa? Maxaanse ka faaiidaysan karraa? Waxaan wada ognahay inay nolsheenu tahay maalmo, usbuucyo, Bilo iyo Sanado laysku daray. Markasta oo ay maalini tagtana cimrigeeenii waxaa tagay qayb aan noosoo laaban doonin ilaa Maalinta Qiyaamada laga gaaro. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.