XORIYADDA SAXAAFADDA IYO MARXUUM CABDULLAAHI CIISE MAXAMUUD (QEYBTI 5-AAD)

Dr. Ismail Malaas Qoraaga, kan idaacadaha la maqlo iyo kuwa leyska arkaba ka shaqeeya xuquuqdiisa waa in la kafaala qaado, oo ururadaan jagooyinka ku diriraya ay u halgamaan xuquuqdooda, xittaa hadii ay kala mabaadii iyo kala axsaab yihiin, sidoo kalena waa fanaanka iyo kaatibka, (The writer) sababtoo ah in laga hortago halista xirfadahan ka soo gaari karta awoodda (Il potere) ama maalqabeenada. Waxaa wehliya intaas halisha baaritaanka wararka ha noqoto mid dabiici ah, mid bulshadeed ama qadar iyo iraado Eebbe ah.
Maqaallo Keydmedia Online


Halkaas waaye meesha ay ka bilaabatay baahida ay dadku ku shaqeeya saxaafadda ay ugu baahan yihiin in ay yeeshaan urur saxaafadeed oo qaabab badan leh, maxaa yeeley suxufigu wuxuu la mid yahay shaqaalaha warshadaha, beeraha IWM, wuxuuna u baahanyahay urur sandikaale ah oo xaquuqdiisa difaaca, si uu isaga celiyo madaxa hay’adda saxaafadeed ee ku soo duufa.

Sidaa awgeed ayaa saxafiyiinta Caalamku dalal badan ay ugu baahdeen in ay laba sandikaato yeeshaan: sandikaato ka shaqeeya saxaafadda daabacaadda iyo farsamayaqaanada iyo sandikaato xubnahooda yihiin qoraayaasha iyo fanaaniinta.


Horey ayaan u soo sheegnay in Saxafigu uu la dhaqmo, la tacaamulo ama uu ku mashquulsan yahay afkaarta iyo akhbaarta, sidaa wuxuu ugu gol leeyahay in akhbaartaas iyo afkaartaasu ay faafto, akhristayaasha iyo dhageystayaashana ay raad ku reebto sida isaga uu doonayo ulana tahay in ay saxantahay, arrintaasu waa xagga mabda’maxaa yeelay akhbaartan iyo afkaartan ama badeecad qalinkiisu soo saaray, isla markii ay akhristayaasha gaarto waxay noqotaa cudud adag, sida ay raadka ugu reebeyso akhristaha ay gaabiso ama si deg deg ah ugu reebto.

Badeecadda Saxafigu soo saaro waxey leedahay tilmaamo halis ah maxaa yeelay loolan iyo muran ayeey akhrisaa.

Shaqada saxafiyiin hadaan nahay aan heyno wax fudud ma aha, maqaalad aan qornay ha noqoto 20-sano ee xukunka milateriga ahaa ka danbeysay, ama xukunkii rayidka ahaa  ee 1960-kii dhashay dabayaaqadiisii ayaa madxaf yar oo ku yaala magaalada Frank four ee Jarmalka ku arkay, waxaana ururiya safaaradaha dalalka dibadda u jooga ama Hey’ado dalal shisheeya matala meesha aanay Dowlad ka jirin.

Dowladdu waxay jeceshahay in badeecadaan shucaaca “laser-ka” oo kale ah waa saxaafada’e raad weyn ku reebta dadka in loo soo bandhigo hab la socon kara masaaliixdeeda.

Hay’adda ama maalqabeenada idaacadaha la iska arko (Maqal iyo Muuqaal) qaarkoodna Wargeysyo daabaca waxay iyaguna jecel yihiin in badeecadda (Keydmedia) soo saarto ama warshadaha kale, waxay milkiilayaasha gaarka ahi jecel yihiin in wax u soo bandhigaan sida ay jecel yihiin iyagu in  wax loo soo bandhigo. Wixii danahooda ku jirana loo soo bandhigo, aragtida saxafiguse sidaa way ka duwantahay, isagu wuxuu qabaa in badeecadiisu ay ka duwan tahay badeecada qofka shaqaalaha ka ah warshadaha biyaha sifeeya, kabaha ay sameyn jirtay warshadii Alta Moda (Habka sare) , habka warshaduhu u soo saaraan  iyo badeecadda warshadaha dharka way kala duwan yihiin.

Shaqaalahan aan kor ku soo xusnay isla markii ay badeecadooda soo saaraan way kala go’aan wuxuuna ku mashquulaa soo saarida badeecad kale oo la mid ah, maxaa yeelay tii hore waa baa’baday, saxafiguse akhbaarta iyo afkaarta uu soo saaro xittaa haddii uu dhinto taariikh iyo maado kutubo ah oo sabano hore dhacay ayaa jiilasha danbe kala haraan.

Sidaasi ayaa suxufigu u yahay qof qiima leh hadii aanu “Hunguriga iyo Soorta” mabda’ka hor mari, dadka isma weydiiyaan shaqaalaha baatiga ama wixii la mid ah soo saaray, hase yeeshee waxay is weydiiyaan qofka fikradda ama khabarka qora.

Saxaafaddu waxay la kulantaa nooc loolan isku dhafan ah: jihaad yar oo ah xagga mushaarka iyo duruufaha shaqadiisa iyo jihaad weyn oo ah badeecadda uu soo saaro iyo sida uu u jecel yahay iney u soo baxdo iyo waxa ay ku danbeyn doonto.

Sidaasaa qadiyadaha madaxa banaanida saxaafaddu iyo ururadeeda xirfadeed ay u noqotay qadiyad aad u kulul  oo dagaal ah ay soo food saaraan, maxaa yeelay, ururadoodu waxay wax wadaagaan ururada shaqaalaha kale .

Halkan ayeey ka soo bilaabaan dowladuhu iney ku tagri falaan dhaq-dhaqaaqaasi, yacnii isha uu ka soo burqado ee jeermiyeeysan waana saxafiga iyo ururkiisa sandikaalaha ah .

Aan is weydiino markii ay xasaasiyadda ay ku qabato dowladdu  shaqaalaha warshadaha birta ka shaqeeya, kuwa alwaaxda farsameeya, oo hadii loo bar bar dhigo warshadaha la midka ah ee dowladaha waaweyn noqonayaan sida Haweeney shah ku karisa meel buusha ah, sidoo kale ururada u dooda shaqaalaha xasaasiyada dowladdu kuma xirna mowqifkeeda ee bir labka ka qabto, ama noocyada alwaaxda ay soo saarto warshadda alwaaxda, laakiin  xasaasiyadeedu waxay ku koobantaa dhaq dhaqaaqa shaqaalaha warashaduhu sameynayaan, iyagoo urouradooda xaq u doonka ah ka amar qaadanaya, waxay dowladu is weydiineysaa shaqaalaha ma wada hadal ayeey idinku imaan doonaan mise shaqa ka fariisad ilaa ay qabsadaan warshadda ama ay is dhoobaan albaabada laga soo galo iyo hareeraheeda.

Haddii aan saxafiga eegno xasaasiyadda Dowladda ka qabto isaga iyo ururada xaq u doonka ah, waa ka sii badantahay waxa uu saxafiga soo saaro ayaa ah waxa ay aad u daneyso, sidaa awgeed ayaa dowladdu waxay isku daydaa in ay kasbato kuna  tagri fasho saxafiga iyo awoodda ay u yeelanayaan iney hagaajiyaan ururkooda xaq u doonka ah oo xuquuqdooda maadiga ah u loolama iyo ururkooda kale ee fikirka akhbaarta IWM.

Dowladdu waxay ku dhaqaaqdaa dhinaca ururka xaq doonka ah ee shaqaalaha si ay culeys u saart, haddii ay shaqa ka fariisi sameeyaan, laakiinse xagga ururka saxafiyiinta waxay u dhaqaaqaan markii uu isku dhajiyo qadiyadda xorriyadda saxaafadda, dowladdu si cadowtinimo ah uma dhaqaaqdo haddii qof ah shaqaale warshad dhar uu ka shaqo gao mana la xisaabtanto, ururkiisa xaq doonka shaqaalaha ah culeys kuma saarto iney xubinnimo tuurto, hase yeeshee, haddey arrintu ku saabsantahay dibadda Dalka si cadowtinimo leh ayeey ula dhaqantaa iyadoo ka baqeysa xorriyadda taamka ah ee uu heysto, waxeyna ku dadaashaa iney xubinimada ururka saxaafadda ka saarto iyadoo madaxda ururka xodxodaneysa.

NB: la soco qeyb lixaad oo xiisa leh. Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.

Dr Ismaaciil Malas - keydmedia.net




Maqaallo 15 January 2021 0:02

Sanad baa dhamaaday, mid cusub baa bilawday, maxay kadhigantahay? Maxay nagu dhalin kartaa? Maxaanse ka faaiidaysan karraa? Waxaan wada ognahay inay nolsheenu tahay maalmo, usbuucyo, Bilo iyo Sanado laysku daray. Markasta oo ay maalini tagtana cimrigeeenii waxaa tagay qayb aan noosoo laaban doonin ilaa Maalinta Qiyaamada laga gaaro. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.