Xuska 26-ka Juun | Qeybtii 1aad

Xusuusta Xoriyada

Maqaallo Keydmedia Online

Shucuubta Dowladaha Adduunka waxey leeyihiin maalmo la qadariyo oo uga tilmaaman maalmaha kale sida waqtiyada Xoriyada iyo waqtiyada kale ee Taariikha soo jireenka ah leh oo u leh xusuus iyo Taariikh u gooni ah oo ay ku weyneeyaan isla markaan ay u sameeyaan dabaal degyo iyo Xaflado looga sheekaynayo Qiimaha iyo Qadarinta ay u leedahay Ummadaasi.

Xusuusta Xoriyada

Hadaba Soomaaliya 61 Sanadood kadib waxay u dabaal dagi laheyd Sanad Guuradii ka soo wareegtay waqtigii Calanka xornimada laga qaatay gumeestayaashii reer Galbeedka, 61 ka hor waxaa halkaas ku soo dhamaaday oo soo gabagaboobay halgankii gobonimo u diriirka Soomaaliyeed oo soo bilowday qarnigii 16aad.

Waxaana meesha ka baxay dhibaatooyinkii ay kula kici jireen gumeystayaasha dadka Soomaaliyeed, sida in dadka Soomaaliyeed loo geysto dil, dhac, jir dil, baad ka qaadidi, xarig iyo waliba ihaanooyin farabadan, arintaasoo ay la qabeen dhamaan shucuubta Afrika iyo wadamadii la soo gumaystay ee Qaaradaha Aduunka.

Kulankii Magaalada Barliin ee Dalka Jarmalka Sanadkii 1884 ay ku yeesheen Dowladihii Reer Yurub oo uu ugu tun weynaa Ingiriiska ayaa ku heshiiyay in Qaarada Afrika oo shucuubti markaa daganeed Siyaasada iyo cilmiguba ay ku yaraayeen in ay qeebsadaan qobadii ay ku heshiisyeen reer galbeedka waxaa ugu weynaa.

Dowlada Reer Yurub mid kasta inuu isagu shucuubta Dhulka uu qabsaday ku nool Heshiis la galo taas oo ugu muhiimsananeed in cudud Milatari lagu Maquuniyo Dowladaha kalana aanay soo fara galin Meeshii Dal reer Yurub ah qabsady in aan loogu iman wixii aan ka aheyn xidhiid ganacsi oo xadidan Dowladaana looga amar qaadanayo.

Hase yeeshee Soomaaliya oo dhul baaxad weyn lahayd ayaa waxaa kala qeyb saday wadamadda kala ah Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga, waxeyna kala jar-jareen dhulweynihii Soomaaliweyn.

Engiriisku wuxuu qabsaday Gobalada Waqooyi Sanadkii 1884 inkastoo ay jireen sahamo badan oo waqtigaa ka horeeyay oo soo tixnaaa ilaa 1836 waqtigaas oo ahaa markii uu Engiriisku qabsaday xeebaha Cadmeed oo ku began gobalada waqooyi isagoo daneynayay Muhiimada ay u laheyd ciidamadiisii ku sugnaa dhamaan khaliijal cadam iyo gobalka Bariga dhexe oo waqooyga Afrikana Suudan iyo Masar kaga Jireen .

Meelihii ugu horeeyay ee uu Markaa ka soo dagay oo ahaa Magaalada qadiimiga ah ee Seylac iyo berbera labada wuxuu la galay odayaashii iyo aqoonyahankii markaas hogaaminayay heshiis taasoo uu leeyahay waxaan ka shaqeynayaa danahiina waxaan idinka wakiil noqonayaa Dunida oo aan idin fududeynayaa wixii aad u baahataan.

Ciidamada Engiriiska ee Dagaalkii Labaad ee Dunida uu ku soo galiyay Bariga Afrika iyo Bariga dhexe oo badankood ku sugnaa Cadan, Masar iyo Guud ahaan inta maanta loo yaqaan Khaliijal carab ayuu ugu daneynayay gabaadka heshiiskan ee uu yiri waxaan yeelanaynaa xidhiidh ganacsi, mid ilaalin iyo dhinaca amaanka ah si aanay Dowladaha kale dhulkiina idinka boobin taasoo markaa u hirgashay inkastoo qaarkood ahaaa heshiisyo adadag sida kii Seylac oo kale oo odayaashi markay ka heshiinayeen maqaar kaga saxiixdeen Heshiiskiisa oo ilaa 6-qodob ka koobnaa.

  1. In dhulka Soomaaliyeed uu hoos yimaado Dowladii Engiriiska ee Markaa jirtay
  2. Inuu ciidamadiisu dajin karo xeebaha Seylac ilaa saaxil.
  3. In aanu dhex galin oo aanu faragalin ku sameynin arimaha hoose ee Dadka Soomaaliyeed.
  4. Inuu odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee Dhulkaas jooga uu bishii wax uun Mishaar ah Siiyo.
  5. Inuu ganacsiga Soomaalida ahaado mid caalamka u furan isla markaana aanay Dowlad kale cagaha Soo dhigin waqtigii ay xuriyad u baahdaana gobanimadooda la siiyo.

Sidoo kale Faransiisku wuxuu qabsaday isagunga xeebaha Soomaaliya ee Jabuuti sanadkii 1848 isagoo sidii caadada aheyd Heshiis ganacsi iyo balan qaad inuu ka ilaalinayo cadowga uu uu markaa ula jeeday Dowladaha reer Galbeedka, ayuu bishii November 15-keedii 1848  ilaa 20 Janaayo 1885 taariikhda Miiladiga Si rasmi ah ula wareegay xeebaha Jabuuti taasoo salka ku heysay Muhiimada balaaran ee ay u leedahay ciidamadiisa galbeedka qaarada Afrika ku sugnaa .

Faransiiska oo markaas ka shidaal qaadanayay heshiiskan ayaa la heshiiyay Odayaashii iyo waxgaradkii xeebahaa Daganaa oo uu hogaaminayay Xaaji Diide oo caan ka ah xeebaha Jabuuti isla markaana Noqday Duqii Magaalada Jabuuti ee ugu horeeyay.

Dhinaca kale Bishii Janaayo 1887 ayey si cad gacanta ugu dhigtay Itoobiya Gobalada Soomaali Galbeed iyadoo markaa ka helaysay taageero Milatari iyo Mid siyaasadeeda Dowadalii Engiriiska ee Markaa jirtay, taasoo ay ku heshiiyeen in ay mudo ciidamada Engiriisku Dhulkaas ilaaliyaan ugu danbeyntiina 1854 in gacanta laga Galiyo Itoobiya.

Boqortooyadda Soomaaliya

Intii ka horeysay 1516 Dalka Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid Nabdoon oo ay ka taliyaan Boqortooyooyin, hase yeeshee Boqorkii Bortaqiiska John Two wuxuu ergo u diray boqortooyadii Itoobiya xiligaa ka jirtay ergadaasoo uu madax ka ahaa nin la oran jiray Bedro fariintii uu wadayna waxa ay aheyd xukuumadii Soomaaaliyeed ee  ka jirtay Awdal muslimkana aheyd la go’doomiyo waxaanu bortaqiisku doonayay inuu noqdao xooga lama dhaafaanka ah ee badda cas .

Waqtigaas wuxuu ahaa xiligii ay Itoobiya dhul balaarsiga waday xagga waqooyi waxay gaartay Kasaala oo ah Xuduuda Suudaan iyo Itoobiya dhanka Koonfureed Dowladii Muslimka aheyd ee IFAAT Galbeedkana SIDAAMA. Itoobiya waxay qabsatay 1414-1419  Walaama xilgaasi waxay aheyd xiligii uu Nagaasha Itoobiya ka talinayay wuxuuna dhulkaas uu qabsaday oo dhan u diray Barasaabyo Xukunkiisa Hoose Yimaada.

Gobalka Loo yaqaano HADYA waxaa sanad walba ay ka qaadan jirtay Boqortooyada Itoobiya SADO oo macna ahaan u dhiganta Canshuur iyo Gabar quxux badan, Gabadhaasi marka la bixinayo waxaa lagu tukan jiray Janaaso taasoo ka dhigneed in ay la mid tahay qof dhintay.

Arimahan iyaga ah waxa ay ahaayeen kuwii caragaliyay halgankana ku hogaaamiyay Amiir Axmed Ibraamih Binqaazi (Axmed Gurey ), sidaa daraadeed Axmed wuxuu bilaabay halgan uu kula dirirayo Boqortooyadii Itoobiya iyadoo bixitaankiisii ugu horeeyay uu ka alaab qaatay Magaalada Seylac uu markaa xarun u ahayd waxaanu halgankiisii waday ilaa uu ka gaaray halka loo yaqaano KAFA oo macnaheedu yahay afka Carabiga Kaafiya Anagu filan.

Sidoo kale 2 bishii June 1901dii waxaa bilowday dagaalkii halganka ciidamadii daraawiishata ee uu horkacayay allaha u naxariistee geesigii Soomaaliyeed Sayid Maxamed C/lle Xassan, iyadoo ciidamada daraawiishata ay dagaalo ba’an la galeen gumaystihii Ingiriiska waxayna isku heleen gobo badan, iyagoo adeegsanayay ciidamada Ingiriiska Hubkii ugu casri sanaa waqtigaa casriga ah iyo gaadiid cir iyo dhulba leh, halgangaasi oo ay wadeen ciidamaha daraawiishata Soomaaliyeed wuxuu ahaa kii ugu horeeyay uu gumaystuhu diyaarado u adeegsado intii ay socdeen dagaaladii gumeysi diidka ee qaarada Afrika..

Ha yeeshee halgankaasi wuxuu soo afjarmay sanadkii 1921 kadib markii  uu cudud Milatari oo aan waqtigaa caadi aheyn ku isticmaaalay Dagaaladii uu la galayay Daraawiishta taasoo aheyd in dayuuradu loo adeegsaday oo xagga cirka laga duqeeyay xaruntii daraawiishta ee Taleex halkaasoo aheyd keydkii ugu weynaa dhinaca hubka sahayada iyo degaankaba Daraawiishta.

Kadibna Sayadikii uu markaa isaga iyo Daraawiish uu watay ay u soo kaceen qeybaha Sare ee Wabi Shabelle ayaa ugu danbeyntii Shiikhu Wuxuu ku geeriyooday IIMEEY halkaas oo tilmaan loogu hayay qabrigii sayid Max’ed C/lle Xassan oo ka tirsan Soomaali galbeed oo iminka loo yaqaano kilinka shanaad.

Dhinaca kale Gobalada Waqooyi wixii ka danbeeyay Dagaalkii uu Sayid Max’ed C/lle Xassan La galay Engiriiska ka sokow wadniyiin Soomaaliyeed oo ku nafwaayay kicinta iyo abaabulida aydhiyaloojiyadii lagala soo horjeeday Engiriiska kuwaas oo caan ka ahaa Gobalada Waqooyi waxaana ka mid ahaa Faarax Oomaar, Shiikh Bashiir iyo Shiikh Madar.

Qeybta labaad ee Qormadda waxaan uga hadli doonaa hadii alle idmo: Aasaaskii SNM iyo SYC iyo wixii dhacay maalinta 26-Juun. 

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 14 October 2021 8:20

Afar sanno ayaa kasoo wareegtay Qaraxii Isgoyska Zoobe, oo dhacay 14-kii October 2017, kaaso noqday midkii ugu dhimashada badnaa oo abid ka dhaca wadanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay oo ay dowladda faafisay dad gaaraya 632 ilaa 1000 qof, halka 316 kale ay ku dhaawacmeen.