Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland oo is casilay
Soomaaliya & Jabuuti ma xero ayey kala ooteen? - Halkaan ka akhriso Qeybtii koowaad ee Qormadda. Haddaba Oraahdaasi maxay uga dhigan tahay Dowlada Jabuuti ama ay uga dhigan tahay Dowladda Soomaaliyeed iyo Saaxiibkooda dhextaalka ee Itoobiya. aan qodobeeyo.
Taariikhdu waa wax cajiib badan una baahan in noolaha wax badan ka barto kana dhigto cashar wanaagsan xitaa haddii aysan raali galin qofka u joogay, waana wax illaahay dunida dhigay oo noole kastaba Baal uga qoran yahay, oo taariikh wanaagsan iyo mid hiirtaanyo lehba raad reeb uga dhigto, oo qoom iman doono kaga sii sheekeeyaan xusuustooduna ku amaanaan ama tusaale looga dhigto hadba Xiliga xun ee Noolaha aadamiga ugu horeeyo soo mara xusuus adag dhaxalsiisa.
Kolka dhinac kasta laga eego siyaasada Soomaaliya mudadii u dhexeeysay Febraayo 8, 2017 kii ilaa iyo Febraayo 8, 2021, haba-yaraatee siyaasada Soomaaliya ma samayn wax horumar ah oo la taaban karo. Horumar la'aantas siyaasadeed oo ka dhigan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmajo ku fashilmay 100% siyaasada.
Todobaadkii lasoo dhaafay, Soomaaliya waxaa soo maray maalmo xanuun badan oo taariikhda baal-muqdi ah ka galay kadib markii shaqsiyaad muhiim ah uu dilay COVID-19, kala soco macluumaad dheeraad ah Warbixinta Todobaadlaha ee Keydmedia Online.
Heshiiska Magaalada Muqdisho ku dhexmaray RW Maxamed Xussein Roble, Madaxweynayaasha DG Galmudug iyo Hirshabelle, Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Midowga Musharrixinta Xilka Madaxweynaha JFS, taarikhdu marka ay aheyd 25 Febraayo 2021, waa mid Midowga Musharrixiinta aysan ka fiirsan, dhaawacay sumcaddooda. Heshiiska wa mid ka soo horjeeda isku aadanaanka Midowga Musharrixiina iyo DFS oo DG iyo Gobolka Benadir ku soo bireen.
Maalinta Jimcaha oo ku beegan 26 Febaraayo waxaa lagu wadaa in uu dhaco Bannaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, kaasoo isku badalay Kaliye-taliye cuburinaya xuquuqul qowlka, hadaba maxaa laga filan karaa Isku soo baxa Jimcaha.
Farmaajo waa dictator haysta la taliyayaal wajiyo badan leh oo dilaa ah iyo Gareeno aan damiir lahayn oo dadkooda sharaftiisii iyo magaciiba god dheer ku riday, dadkoodana dulmiyay.
Maamulka Puntland ayaa caawa shaacisay mowqifkeeda ee ku aadan ismari-waaga siyaasaddeed ee ka taagan dalka.
Ibrahim Cabdi Geele — Laga soo billaabo markay burburtay xukuumadihii islaamka ahaa ee ilbaxnimada iyo horumarka iftiinka badan ku soo siyaadiyeen dunidan Maanta aan joogno, isbadalka ku sameysay jaahilnimadii hore kuna baddaleen nabad, is dhex gal, iyo casri aan taariikhda dunida hore loo arkin.
Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.
Wuxuu ahaa Todobaad dagaal iyo dibadbaxyo dhaceen, oo dadka degan Muqdisho soo xasuusiyay 1991-kii, waxaana banaanbax usoo baxay wajiga qarsoon ee Farmaajo, macluumaadkan iyo kuwa kale uga bigo dhacdooyinka Todobaadlaha, ee Keydmedia Online.
Waxaa aad loo dhalliilay doorka RW Roble ka qaatay ilaalinta xuquuqda Xubnaha Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha u lahaayeen inay sameeyaan bannanbax nabad ah oo usbuuc ka hor lagu dhawaaqay. Waxaa dastuurka ku cad inaan xukuumadda federaalka looga baahneyn fasax si loo qabto bannaanbax.
Waxaa la rabaa banaanbax macnihiisa in la fahamo marka hore. Marka labaadna banaabaxa ay ku baaqeen golalaha musharixiinta maxuu qanuunku ka qabaa? - Waa Qoraal uu uga hadlaya Wariye Maxamed Maxamuud Cadde, Banaanbaxa Jimcaha.
Muqdisho waxa ay soo martay marxalado kala duwan oo mahadhooyin mugdi ah iyo mustaqbal ifaya leh, maalinba meel ayay soo mareysay oo muujado kala maan ah ayay mid-ba maalin marti galineysay, maamul maskax fayow oo masiirkeeda ka taliya ayay ku taameysay taasina waxay u muuqataa mid aan tabtii ay ku tallameysay u taaba-galin. Hadaba Amni darrada Caasimadda ee bilahaan yaa ka masuul ah?
Musuqmaasuqa maamul iyo kan lacageed waa dhaqan daashaday fagaaraha siyaasadda iyo nolasha bulshada Soomaaliyeed, ilaa uu ka mid noqday tiir kamid ah tiirrarka nolasheenna. Musuqu wuxuu jilbaha dhulka u digay hannaankii dawladnimo ee aan ku taamaynay in mudda ah. Wuxuu wiiqay waaxyihiin nolasha siyaasadeed iyo midda maamul.
Wuxuu ahaa Todobaadkii tagey mid ay Soomaaliya ku noqotay Madaxweyne la’aan kadib markii uu 8-dii bishan ku ekaa mudo-xileedkii Farmaajo, firaaqa dastuurka iyo warar kale uga bogo warbixinta todobaadlaha ee Keydmedia Online.
Ku dhawaad 4 sano kahor balanqaadyadii uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xiliga Doorashada sameeyay waxaa kamid ah tanaasul, inuu noqon doono nabadoon iyo in Danta Shaqsiga ka hormarinayo Danta Guud ee dalka, hadaba maxaa iska badalay balanqaadkaas?
Waxaa tartan adagi dhexmaray Masakiinta iyo maalqabeenada, isagoo mid waliba robo inuu cadeeyo inay iyagu ka qiimo iyo khayr badan yihiin kuwa kale, hadaba waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.
Sida caadiga ah, dunida waxay soo martay siyaabo kala duwan oo ummadihii soo jiray ay isu diidi jireen, ama ay isku waafaqi jireen, laga soo billaabo dhashii Nabi AADAM CS, illaa iyo manta waxaa jirtay sifo uun uu reer ibnu aadam isu dilo, taasoo maalinba marka ka dambeysa ay soo badanaysay, sooyaalka dheer ee kala duwan dartiis.
Taariikhda Madow ee uu ka tagay Siyaad Barre waxaa jira qaybo badan oo aan weli la soo bandhigin daboolkana laga qaadin, barnaamijkaan gaarka ah, Keydmedia waxey idiin soo bandhigeysa Xasuuqii ka dhacay Bay & Bakool. Maxamed Siyaad asiga oo ku naf raadsanaya Gobolka Gedo, tuulada Buurdhuubo, wuxuu geystay Xasuuq baaxad weyn, kadibna xaaluufiyay wixii hanti ahaa oo ay dadka daga Bay iyo Bakool lahaayeen; waa dukaamo, waa bakaaro, waa xoolo.