Todobaadkii tagey waxaa burburay Shirkii rajada laga qabay inuu soo afjaro khilaafka doorashadda Soomaaliya, waxaana dalka uu galay marxalad hubanti la'aan ah, kala soco Macluumaad kale Warbixinta Todobaadlaha Keymedia Online.

Awood maroorsiga Farmaajo waa burburka Soomaaliya

Faallo Keydmedia Online | 10 April 2021

Shaki kuma jiro in warka Wasiirka cir ka yeerka ah ee Wasaaradda Warfaafinta DFS Mudane Cusman Abukar Dubbe ee ah “inuu fashilmay shirkii hordhaca ahaa ee u dhexeeyay DFS iyo DG kana socday Tendhada Afisiyoni,” uu qalbi jab ku yahay shacabka Soomaaliyeed.

Nuug Camel Milk

Weather Mogadishu, SO

overcast clouds 27.6°C overcast clouds
Weather data by OpenWeatherMap (CC-BY-SA)
Qeybta 3-AAD

Qiimaha bisha Ramadaan

Maqaallo Keydmedia Online | 9 April 2021

Qeybta Koowaad ee Qormada - Bisha Ramadaan waa bil dadka Muslimiinta ah u leh qiimo aad ubalaaran, oo uu Rabbi ugu tala galay inay kasbadaan Ajar iyo xasanaad aad ufara badan. Iyagoo maalintii soomaya, habeenkiina tukanaya, ducaysanaya, Qur´aankana akhrinaya. Tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Maxaa la filan karaa kadib burburka Shirkii Afisyooni?

Warbixin Keydmedia Online | 8 April 2021

Shirar hordhac ah ayaa Sabtidii ka bilowday Muqdisho, kuwaasi oo Farmaajo iyo Madaxda Maamullada ku doonayeen inay iskaga soo dhowaadaan ajandaha shirarka soo socda, ee arrimaha doorashooyinka, Keydmedia Online ayaa isku soo koobeysa wixii dhacay ilaa iyo hada iyo waxa laga filan karo Farmaajo kadib burburka shirka?

kaligiis taliye koraya

Faallo Keydmedia Online | 7 April 2021

Bilashadii qarnigii 19-aad waxaa dunida ka curtay labada nidaam ee aadka isaga soo hor jeeda ee kala ah ‘kalitalisnimada iyo dimoqraadiyadda’, (Democracy and Dictatorship), kuwaas oo meesha ka saaray xukunnadii ku dhisnaa habka boqortooyada ee Boqoradu majaraha u hayeen. Tan iyo qarnigaas Soomaaliya waxaa soo maray dhowr nimaad oo kala gadisan.

Keydmedia Lists

Bilashadii qarnigii 19-aad waxaa dunida ka curtay labada nidaam ee aadka isaga soo hor jeeda ee kala ah ‘kalitalisnimada iyo dimoqraadiyadda’, (Democracy and Dictatorship), kuwaas oo meesha ka saaray xukunnadii ku dhisnaa habka boqortooyada ee Boqoradu majaraha u hayeen. Tan iyo qarnigaas Soomaaliya waxaa soo maray dhowr nimaad oo kala gadisan.


Diiradda Amniga & Falalkii Argagixiso

Isku milanka laamaha Amniga & Kooxda Al-Shabaab

Warbixin Keydmedia Online | 5 April 2021

Iyadoo laga duulayo in dadweynaha Soomaaliyeed laga haqabtiro wararka, xogaha iyo xaaladaha dhabta ah ee dalka Soomaaliya ka jira ayaan si gaar ah ugu lafagurnaa barnaamijka diiradda amniga kuna soo bandhignaa barnaamijyo si qotodheer uga hadlaya dhacdooyin la xiriira amniga. 

General Caydiid oo ka dardaarmay Farmaajo oo kale

Maqaallo Keydmedia Online | 5 April 2021

Halkaan waa Farjanno, bishuna waa 16dii Janaayo 1991, waxaad arkeysaan Generaal Caydiid iyo ciidamadii uu hogaaminayay qeyb kamid ah oo ku jiheysan Magaallo madaxda Muqdisho oo Rajiimkii Siyaaad Barre shacabkii si ba’an madaafiic ku leynayo.


Articles from a year ago

Keydmedia Time Machine

Ibrahim Cabdi Geele — Laga soo billaabo markay burburtay xukuumadihii islaamka ahaa ee ilbaxnimada iyo horumarka iftiinka badan ku soo siyaadiyeen dunidan Maanta aan joogno, isbadalka ku sameysay jaahilnimadii hore kuna baddaleen nabad, is dhex gal, iyo casri aan taariikhda dunida hore loo arkin.

Falanqeyn 3 April 2021 11:55

Waa su’aal culus oo sugaysa saman cusub iyo maskax caafimaad qabta. Waa arrin sugaysa aqoonyahan aan Qabiil maankiisa doorin iyo Siyaasi xalaal ah. Waa door sugaya in dumarku garqaade ka noqdaan badbaadinta ummadda Somaaliyeed.

Isbadalka ku dhacay Bulshada

Igu qiimeeya waxa aan ahay

Faallo Keydmedia Online | 2 April 2021

Sucdi waxay aheyd Gabar aad u Qurux badan, oo jalaqsan, jir iyo joog ahaanba, balse, aan dadka dhexdiisa magac qurxoon ku lahayn. — Waa Sheeko ku saabsan Isbadalka ku dhacay Bulshada, gaar ahaan Gabdhaha Soomaaliyeed oo uu diyaariyay Cabdicasiis Maxamed Shidane, tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Qeybta 2aad

Qabiil, Qaran laga dhigay!

Faallo Keydmedia Online | 1 April 2021

Tani waa Qeybta labaad ee Qormadda: Qabiil, Qaran laga dhigay - Sooyaalkeenu wali  meel ay uga qoran tahay maynaan arag in nin Soomaaliyeed ka wanaagsanaan karo nin aan Soomaali ahayn oo ninkastaba waxaa lagu qayaanay inay ku jirto qiiro walaalnimo oo jir iyo dhiig isku xiran ah kana dhaxeysay ummadda ku abtirsanaysa soomaali.


Qeybta 1aad

Qabiil, Qaran laga dhigay!

Faallo Keydmedia Online | 31 March 2021

Ibrahim Cabdi Geele — Shucuubta Dunida kuwaba meel baa looga dhagan yahay, laakiin inta badan maka warbaqaan halka looga dhagan yahay, kuwana waa ogtahay, sidaas darteed ayaa Dunida qaarna mushkiladdooda u xaliyaan kuwa kale illaa hadda ay musiibooyin kala duwan oo aan dhamaad lahayn ayagu is dhaxal siiyaan, sida Soomaalida.

Soomaaliya waxay gashay Xaaladdii ugu xumeyd abid

Warbixin Keydmedia Online | 30 March 2021

Sida ku qoran taariikhda dalka Soomaaliya, weli lama arag xaalad lamida tan dalka uu maanta ku jiro, waxayna u muuqataa tii ugu xumeyd ee abid soo marta taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho ayaa isku soo koobay musiibooyinka dalka ku habsaday.

Madax sharcidarro ah looma hoggaansami karo

Falanqeyn Mohamud M Uluso | 29 March 2021

Madax lagu dhaariyay ilaalinta dastuurka, sharciga, midnimada dadka, danta guud ee qaranka oo ku dhaqmeysa sharcidarro, musuqmaasuq, kibir, maquunin, daneysi, isla markaana rabta in inta diidan sharcidarradaas, dhibka sharcidarrada ku dhacayso ama tabanaya xadgudubka, mucaaradka ah, ay raacaan amarkooda iyo rabitaankooda ma garaadsan, waana qaldan yihiin.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online | 28 March 2021

Todobaadkii tagey wuxuu ahaa midkaloo mashquul badan, oo lagu xasuustaa isdhiibidii Janan uu isku soo dhibay dowladda Soomaaliya iyo Kulankii Gollaha Shacabka ayaa sawaxan iyo buuqa kusoo dhamaaday, tani waa dhacdooyinka todobaadka ee KON. 


Wadada Soomaaliya u mari-karto Mustaqbal Nabad ah

Warbixin Keydmedia Online | 28 March 2021

Colaadda sokeeye ee Soomaaliya oo 30 sano jirsatay, ayaa burburisay nidaamkii waxbarasho iyo dowladnimada dalka, iyadoo mustaqbal la’aan ka dhigtay malaayiin Carruur ah oo da'da iskuulka gaartay.

Is-dhiibista Janan / EXCLUSIVE

Farmaajo oo sirta Axmed Madoobe ku bixiyay $2.3 Mil.

Warbixin Keydmedia Online | 27 March 2021

Dembiilihii shalay ayaa maanta noqday shaqsi muhiim ah oo maal iyo muruq badan lagu bixiyay inuu dowladda kusoo biiro, Keydmedia Online ayaa macluumaad ka heshay sababta Cabdirashiid Janan uu iskugu soo dhiibay dowladda Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo wuxuu ku bedeshay is-dhiibistiisa. 

Qeybta 2-AAD

Qiimaha bisha Ramadaan

Maqaallo Keydmedia Online | 26 March 2021

Fadliga bisha Ramadaan waa mid ka balaaran in la koobo, Rabbbi (swt) baana noo sheegay inay bishaas maalmeheeda kamid tahay habeen ka khayr badan kun bilood, oo noqonaysa 83 sano iyo dhawr bilood, adaba waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Dhaxalka Is jiid-jiidka siyaasadeed

Maqaallo Keydmedia Online | 25 March 2021

Abaaraha ku dhuftay gobollo badan oo ka tirsan dalka ayaa sababay, biyo laa’aan iyo baad la’aan, taas oo keentay in si ba’an ay u le’daan xoolaha, sida Geela, Lo’ada iyo ariga, kuna bur-bureen beeraha, isla markaana ku naf waayaan dad u badan caruur iyo dad da’ ah.