26 Jannaayo 1991: Maalintii labaad ee gobannimada Soomaaliya

Faallo Bashir M. Xersi

Qofku saddax gumaysi ayuu u dhexeeyaa, oo wax madaxa ka qabsada waxaa ugu xun AQOONLI’DA, waxaana ku xiga KELITELISKA, waxaana ugu dambeeya awood-ku-qabsiga.

26 Jannaayo 1991: Maalintii labaad ee gobannimada Soomaaliya

Tan hore waa mid meel iyo marxalad walba ka jirta, xitaa degaannada aqoontu ku badan tahay ama dadka aqoonta leh, oo qofku inta uu aqoon u leeyahay iyo inta uu ka aqoon la’yahay marka la is barbardhigo waxaa badan tan dambe, oo aqoonta dunidan taal wuxuu ka yaqaan, wax aan dhammayn cirbad caaraddeed. Marka aqoonluhu waa aqoonle haddana aqoonla’!

Tan u dambaysa, ee awood-ku-qabsiga qolo ama degaan, si walba oo itaal sarraynay u jirto, haddana, dadku dareen iyo dagaal ahaanba iska caabbin ayey ku la jiraan gumaystaha, oo marna damiirkoodu ma siinayo, in ay la midoobaan, maxaa yeelay, maalin ay noqotaba waxaa hubaal ah, in halgankoodu hirgelidoono, oo ay is ka saaridoonaan cududdaa shisheeye iyo ciidankoodaba.

Tan dhexe ee KELITELISKA waxaa tan ugu xun ka dhigay waxay u tahay, in ay tan u damaysa la wadaagto cabburinta, amar-ku-taagleynta, xadgudubyada, boobka hantida iyo dilka qof walba oo loo garto, in uu diiddan yahay dulmigaa, waxa uuna uga duwan yahay ciidanka shisheeye ee gumaystaha, in kuwan ay yihiin ciidan la mid ah kan ay dulminayaan, oo ku af, ku dhaqan ama ku degaan ah.

Soomaalidu gobannimadii u horraysay waxay ka qaateen gumaystihii caddaa ee Ingiriis iyo isugu jiray Talyaani, oo waqooyi iyo koofur kala haystay, waxayna u dabbaaldegeen saaridda awooddii shisheeye ee dadka haysatay maalmihii ka la ahaa; 26 juun 1960 iyo 01 luulyo isla sanadkaas, oo dawlad calan iyo ciidan leh noqdeen; maalin weyn iyo magac waaray.

Dawladnimadaa iyo israacaa la qaatay iyaga oo socod barad ah ayaa waxaa marooqsaday, ka dibna god-dheer ku riday koox macangagiin ah oo taliska ciidanka ka tirsanaa, oo noqday gafanayaal ka daray gumaysiga saancaddaalaha ahaa, oo dal burbur iyo dad ba’ay horseeday.

Markii rajadii luntay, yididdiiladii gebidheer la saaray, dhibkii batay, dhimaal iyo dhantaalkiina dhaqan ay ka dhigteen, ayaa Soomaalidii ku midaysneed maamulkii ka arriminayey labada gobol; waqooyi iyo koofur waxay mar kale gobannimo gaareen 26 jannaayo 1991, oo maamulkii dalka laga tuuray qawlasatadii kacaanka la baxday, ee in ka badan 20 sano amar-ku-taagleyn iyo takrifal Soomaalida isugu daray.

Waxay i la tahay marka, in 26 jannaayo 1991 ay noqoto maalin xus gaara iyo xusuus gooni ah yeelata, maxaa yeelay, waa maalintii laga hoosbaxay gacantii gumeynta KELITELISKA, ee la helay neecawda madaxbannaanidii garbaduubka loo xiray.

Weydiinta ay afxirka ka dhigaan qolyaha KELITELISKA u dooda waa la soo boodka ah; “HAYE, KA DIB MAXAA DHACAY?” Haddaba, sidan fudud uga warceli, oo ku dheh; ka dib waxaa dhacay, wixii uu beeray KELITELISKU, ee eheed; bulsho ka la dilan, dad kala baylahsan iyo beelo kala didsan.

Waxaa ka dib dhacay waa gurashada abuurkii qaraaraa ee uu ka tagay KELITELISKU. Waa sababta shirka Jabuuti boobsiiska iyo degdegga loogu qabtay, si kala qaybsanaan loo dhaliyo, ka dibna madaxa la isu geliyo, waana sababta loo yiri; ciidanku ha ku biiraan beelahooda! Sow ma ogid, in heshiiska jabuuti awoodda loo qaybsaday in 75% ay qaadato Manifesto, inta kalana la siiyo haraadigii maamulkii rajiimka?.

Haddii kale, ee lagugu yiraa; KELITELISKU wuxuu dhisay; guryo, waddooyin, warshado iwm, waxaad ku tiraa; in iskaa-wax-u-qabso lagu dhisay ka sokow, haddana, gumaysigii caddaaba intaa waa dhisay. Haddii lagugu yiraa; KELITELISKU far buu qoray, ku dheh; dedaalka farqoriddu ku dhawaad lixdan tobnaan (60) ayey jirtay hortii, oo markii la lahaa; LAATIIN LAADIIN, KELITELISKU dalka ka ma arriminayn, ee waxaa ka jirtay dawlad dimoqoraaddi ah iyo madax dadku doorteen.

Haddii lagu yiraa; KELITELISKU dad ayuu waxbaray ama ciidamo ayuu dhisay, waxaad ku tiraa: gumaysigu isaga ayaaba waxsoobaray kuwa xukunka marooqsaday iyo kuwa u adeeji jirayba, oo tababbarrada iyo taatikada dalalkooda ayey ku soo qaadan jireen, balse, meesha uu KELITELISKU uga xun yahay gumaystaha ma kuu sheegaa; waa in gumaystuhu uu ka tagay dal dhisan iyo dad dhiirran, halka KELITELISKU uu ka tagay dal burbursan iyo dad baylahsan! Micnaha, KELITELISKU wuxuu burburiyey wax walba oo Soomaali iyo gumaystuhu dhiseen; aqoolxumo abaar ka daran! 

Haddaba, waxa dhacay ee hubaal xumaani ka mid eheed, waxaa garabtaal; dad xor ah, bulsho aan qof, qolo ama hal xisbi u xaraysneen, dad aan u xirnayn hal aragti iyo hal urur; wax ka wanaagsanna ma jiro, in maanta qof walba uu awoodo in uu aragtidiisa, aragtida beeshiisa, aragtida dadka degaankiisa, aragtida ururkiisa siyaasadeed, aragtida urrukiisa diineed iyo wixii soo raacaba, in uu si XOR ah ku sheeganayo, oo uusan baqdin ka qabin cabburin ama xirid, oo uusan ashuun ku addin ahayn. Tan ayaan wax la siisto lahayn.

KELITELIS wax ka xun oo bulsho lagu sallidaa ma jirto, waa saxalka ugu qaabdaran ee sabarka u gala ama surka uga dhega, si ay isaga qaadaannaa ay sabanno ku qaadato, waana sababta uu ugu xun yahay labada gumaysi ee kale, siiba kan shisheeye, maxaa yeelay, kan shisheeye xumaantiisa dadka dhan ayey u wada caddahay, balse, xumaanta KELITELISKU way gadman tahay, oo indheergaradka keliya ayey u muuqataa, si uu u maldaho inta kalana wuxuu adeegsadaa kala qaybin iyo ka la qoqobid.

Sanadguuradii soddonaad oo maanta laga joogo, in cabsi laga qabo in dalku galo fawdo ama keliteliye uu xukunka haysto; waa ayaandarro bulshada haysata iyo eed laga galayo dadkii halganka u soo galay, sidii aan ku heli lahayn naruurada aan sanadahan haysannay. Guul iyo gobannimo aan guulwadeyn iyo gawaadnimo lagu gaarin dheh.

Hal aragti oo baaragataafka u dambeeyaa ku saabsan aan ku soo xiro; waxaa batay oraahda ah; sagaashan iyo kowdii ayaa loo laabanayaa, oo dadka qaarkii ceeb ka dhigaan, aniguse mid baan leeyahay: sagaashan iyo kowdii waxa dhacay wax-xun ma ahayn, marka ujeedka iyo yoolka laga fiiriyo, marka haddii loo laabanayo waa in ay jiraan sababihii keenay kacdoonkaa oo kale, haddaba, haddii ay jiraan in ay GAR tahay ka sokow, waaba WAAJIB, maxaa yeelay; KELITELISNIMO dambe in ay dhacdo anaga ayey GONNIMO nagu tahay, dadkii noo soo halgamana GEF ayey ku tahay, haddaba, inta aysan saldhigin oo xiddido yeelan, hadda ha la siibo, oo maadaama 2021 la joogo, sidii 1991 ha loo dareero; is xoreyn iyo xaqdoonasho, balse, iska jira miliqyada KELITELISKU maleegayo!

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com




Faallo 2 March 2021 2:18

Taariikhdu waa wax cajiib badan una baahan in noolaha wax badan ka barto kana dhigto cashar wanaagsan xitaa haddii aysan raali galin qofka u joogay, waana wax illaahay dunida dhigay oo noole kastaba Baal uga qoran yahay, oo taariikh wanaagsan iyo mid hiirtaanyo lehba raad reeb uga dhigto, oo qoom iman doono kaga sii sheekeeyaan xusuustooduna ku amaanaan ama tusaale looga dhigto hadba Xiliga xun ee Noolaha aadamiga ugu horeeyo soo mara xusuus adag dhaxalsiisa.