HAWIYE WAA DHEGOOLE DHIBAN
Erey bixintaani waxay ku qorontaa kooxo daneysteyaal ah oo xil ku raadsada in ay metelaan qabaa’ilka iyo deegaanka ay ka soo jeedaan balse ku daneysta sheegashadaas beenta ah.
Shaki kuma jiro in warka Wasiirka cir ka yeerka ah ee Wasaaradda Warfaafinta DFS Mudane Cusman Abukar Dubbe ee ah “inuu fashilmay shirkii hordhaca ahaa ee u dhexeeyay DFS iyo DG kana socday Tendhada Afisiyoni,” uu qalbi jab ku yahay shacabka Soomaaliyeed.
Sida caadiga ah, dunida waxay soo martay siyaabo kala duwan oo ummadihii soo jiray ay isu diidi jireen, ama ay isku waafaqi jireen, laga soo billaabo dhashii Nabi AADAM CS, illaa iyo manta waxaa jirtay sifo uun uu reer ibnu aadam isu dilo, taasoo maalinba marka ka dambeysa ay soo badanaysay, sooyaalka dheer ee kala duwan dartiis.
Taariikhda Madow ee uu ka tagay Siyaad Barre waxaa jira qaybo badan oo aan weli la soo bandhigin daboolkana laga qaadin, barnaamijkaan gaarka ah, Keydmedia waxey idiin soo bandhigeysa Xasuuqii ka dhacay Bay & Bakool. Maxamed Siyaad asiga oo ku naf raadsanaya Gobolka Gedo, tuulada Buurdhuubo, wuxuu geystay Xasuuq baaxad weyn, kadibna xaaluufiyay wixii hanti ahaa oo ay dadka daga Bay iyo Bakool lahaayeen; waa dukaamo, waa bakaaro, waa xoolo.
Marka laga yimaado dagaalkii ay jabhaduhu ku rideen Maamulkii milatari ee xukuumadii Maxam Siyaad Barre oo ka talinayay Dalka mudadda gaaraysa 21 sanno iyo dagaalkii sokeeya ee xigay ee meesha ka saaray hanaankii iyo hogaankii dowladnimo ee soomaaliya, waxaa laga joogaa mudo 30 Sanno ah oo dadkeena iyo dalkuba soo mareen marxalado kala duwan oo sheeko, shaahid iyo shaqsiba u soo joognay, mudana in la sadareeyo oo wax laga yiraahdo si loo saxo wixii qaldamay, mar kalana loo marin habaabin kacdoomadii iyo dadaalkii shacabkeenu u muujiyay in wax noo hagaagaan.
Shalay oo kale hal sano ka hor, 2 February 2020, ayaa magaalada Dhuusamareeb lagu doortay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariyr Qoor-Qoor, kadib doorasho gacan ku rimis ah oo dowladdu ay gadaal ka riixeysay. Warbixintii Shalay waxaan uga hadalnay waxa u qabsoomay halka sano ee uu xafiiska joogay iyo Amni daradda ka jirta Galmudug.
Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Farmajo ku boorisay badbaadinta Soomaaliya in ay ku xiran tahay doorasho daahfuran, laakiin nasiib darro, Odoroska wuxuu yahay in natiijada shirka Dhusamareb noqon doonto ismari waraa ay ka dhalan doonto qalalaase siyaasadeed iyo in aan dalka ka dhici doonin doorasho heshiis lagu yahay.
Qofku saddax gumaysi ayuu u dhexeeyaa, oo wax madaxa ka qabsada waxaa ugu xun AQOONLI’DA, waxaana ku xiga KELITELISKA, waxaana ugu dambeeya awood-ku-qabsiga.
Laba maalin ka dib doorashadii madaxweyne Farmaajo waxaan qoray maqaal dheer oo aan ku lafoguraayey khudbaddiisii doorashada, waxa looga fadhiyo, qorshihiisii Nabad iyo Nolol. Marka laga soo tego wixii aan ku qoray maqaalkaas, waxaan ka mid ahaa dadkii rejada wanaagsan ka qabay in dalka uu gaarsiin doono doorasho qof iyo cod, taas oo xor ka ah farogelin nooc kasta. Sanad ka dib doorashadiisa, waxaan ka niyadjabay sida ay wax ku socdaan.
Waa Muqdisho, bishii Jannaayo Sanadda 1991. Rajiimka Siyaad Barre ee xukunka ku amar-ku-taagleynayey, waxa uu dareemay in ay maalmihiisii soo koobameen oo gabaabsi yahiin, markaasu go'aansaday in uu dalka burburiyo, dadkana laayo.
Shirka Jaraa’id ee RW Roble iyo Madaxweynayaasha DG iyo Guddomiyaha GB oo ku sidkan DF qabteen shalay wuxuu daboolka ka qaadayaa burburka dowladnimada Soomaaliya, ayadoo na tusineysa marin habaabka RW Maxamed Xussein Roble iyo Madaxweynaha Galmudug.
Bishii Sebtembar 2019 waxaa magaalo xeebeed-ka taariikhiga ah ee Hobyo lagu soo gabagabeeyay shir Beesha Habargidir u socday ku dhawaad muddo labo bil ah isla markaana lagu unkay Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) oo u jeedkiisu ahaa helidda midnimo sal-adag leh iyo hoggaan taladiisu mideysan tahay, is-cafis iyo isku colool furnaan guud oo beesha dhexdeeda ah iyo nabad kula noolaasho dadka ood-wadaagga la ah.
Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee dhinaca Dhaqaalaha ku taqasusay Prof. Yaxye Caamir Xaaji Ibraahim ayaa qoraal dheer ka qoray Heshiiska Shidaalka ee la qorsheeyay inay dowlada Soomaaliya la saxiixato labo shirkadood oo Ajnabi ah, asigoo og in qoraalkaan khatar uu ku yahay naftiisa ayuu hadana u bareeray in uu faafiyo.
Soomaaliya waxaa dal sanooyin badan ku jira burbur dowladnimo iyo dagaal sokeeye oo keenay shacab kala tagay, u kala irdhoobay dhinacyo badan. Waxaa muddo socday dadaal aad gaabis u ahaa ee dib u heshiisin, nabadeyn, iyo dib u dhis dowlad heshiis lagu yahay.
Waxaa ayaan darro ah dad badan oo Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre ee Digtatooriga ahaa u soo shaqeeyey, in aysan weli cashar ka qaadan, oo maanta la arkayo dhaqammadiisii gurracnaa in ay samaynayaan, hadaba tani waa qeybtii labaad ee barnaamijka.
Culumada siyaasadda ee Muqdisho oo taagersan Madaxweyne Farmajo, kana soo horjeeday madaxweynyaashii ka horreyay, waxay iska indhatireen xaqiiqada iyo runta ka jirta dalka Soomaaliya, waxayna ka gaabiyeen ama ismoogeysiiyeen difaacaa dastuurka, waxayna aqoonta diinta u adeegsadeen hab khilaafsan xaqa, runta, iyo wanaagga bulshada Soomaaliyeed ku jirto.
Waxaa ayaan darro ah dad badan oo Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre ee Digtatooriga ahaa u soo shaqeeyey, in aysan weli cashar ka qaadan, oo maanta la arkayo dhaqammadiisii gurracnaa in ay samaynayaan, hadaba tani waa qeybtii labaad ee barnaamijka.