Faallo Keydmedia Online | 16 September 2020

Wax la is jiidjiidaba, si loo maareeyo khilaafyada beryahan taagnaa, waxaa aakhirkii la isugu yimid Caasimadda Muqdisho oo gogol wada-hadal u taallaa Madaxda Soomaaliya ugu saraysa oo aan cid ka maqnayn si loogu gorfeeyo xalna looga gaadho arrimaha siyaasadeed ee ku gedaaman doorashooyinka soo socda.

Soomaaliya Weey Dhimaneysaa Ismana Oga

Faallo Keydmedia Online | 13 September 2020

Dr. Saciid Ciise Maxamuud — Soomaaliya waxey ku jirtaa xaraarug naf la caariya, waxeyna sida loo qorsheeyey qumaati ugu soo hoobatay xabaashi lagu gunaanadi lahaa dhimashadeeda.

Weather Mogadishu, SO

scattered clouds 28°C scattered clouds
Weather data by OpenWeatherMap (CC-BY-SA)

Keydmedia Radio

Radio loading......
Faallo Keydmedia Online | 7 August 2010

Prof. Maxamuud Iimaan Aadan - Virginia, USA Part three

Qaran Dumin & Qab-Weyni (QEYBTA 1AAD)

Faallo Keydmedia Online | 27 July 2010

Prof.Maxamuud Iimaan Aadan - Virginia, USA Siiba Gobollada Koofureed, nin walba waa isla quman ahay qaranimadiina cid walba dacalkeeday jabsaday waana lagu kala hadaafay. Hidde iyo dhaqan waa laga tagay. Qiimayn iyo qaddarin waa la aasay. Xigto iyo xidid waa kala anfariireen. Wax kale iska daaye, ugaadhii iyo dhirtii hooska iyo bilicda lahayd waa la dabargooyey oo wax la shitay iyo la dhoofiyo aya ku dhammaatay. Kadib markii abaaro soo noqnoqda ay dalka ku habsadeen, daaqsintiina yaraatay, xoolihii waa le'deen, duur-joogtiina dalka waa ka qoodeeyeen si ay naftooda u badbaadiyaan. Nabad li'ida iyo hayaanada darteed, roobkiina waa yaraaday, taasuna waxay keentay in shimbirihii dalka ka tagaan markay waayeen mirihii iyo baalalleydii ay ku noolaayeen.

Macalinka Dugsi Qur’aanka maxaa loo soo soocday?

Faallo Keydmedia Online | 26 July 2010

Dr. Ismaciil Malaas Gef weyn buu ahaa, oo ay horay ugu kaceen bulshooyinkii horee Soomaaliya ka jiray, in macallinka dugsiga aan lama marin mudankiisii, wuxuuna ahaa qofka keliya ee wax qora waxna akriya. Buugaag waagaa ma jirin, Waxaa Buuga kaalintiisa ku jiray loox xoogaa dheer ee ballac ayaa macallinka Dugsiga wax ku qori jiray; ardaydiisana iyagoo bacaad fadhiya ama dhulka ayeey wax ku baran jireen. Macallinkana wuxuu ku fariisan jiray “Massalle”oo ah harag la magday oo carunkii laga meyray dhogartiina lana xiiray. Masalluhu wuxuu uga dhignaa waxa aan maanta u naqaan “Sajaayad”.

Waxaan ku dhex noolnahay ARGAGAX!!!!

Faallo Keydmedia Online | 25 July 2010

Dr. Ismacil Malas Nairobi - Waa goor aan bas saarnaa, kaasoo noociisu ahaa basaska loo yaqaano Caasiga, waa barqo roob shuux ah uu da’ayo, waxaa na joojiyay koox wadaado lagu naaneesay “Gaangis” ama maafiyo sidii haanti gunteedu talantay, hadaan laga gaarin dhameestirkeeda waliba si dag dag ah aan loola kaashan beesha caalamka, daboolkana laga qaadin dhuuni qaatayaal ku dhex Milan Dowlada ku meel gaarka ah loolana kaashan sirdoonka caalamiga ah kooxdu Cancer bay noqoneysaa ku faafi kara Afrika

Talada ha loo celiyo Ummadda Soomaaliyeed

Faallo Keydmedia Online | 16 July 2010

Sida ay sheegeen culumada cilmiga bulshada iyo taariikhda, soomaalidii hore waxay lahayd hab abaabul bulsho ee ku salaysan dimuqraadiyad oo waxa ay lahaayeen hayado ay ka mid ahaa shirweyne ay kaga doodi jireen arrinmo muhiim ah ee la xiriiray nolosha iyo jiritaanka bulshoweynta.

Saxaafada Soomaaliya:  Lagdanka laaluushka iyo danaha bulshada

Faallo Keydmedia Online | 21 June 2010

Mihnada saxaafada sideedaba waa xirfad u baahan aqoon, waaya aragnimo, karti iyo hufnaan waxaana is biirsiga arimahaasi oo idil ay keeneyaa jiraalka saxaafad dhab ah oo ka run sheegi karta waqtiga iyo waayaha.

Maxaa ka danbeeyay is casilaada Wasiirrada Dowladda ?

Faallo Keydmedia Online | 12 June 2010

Iyadoo la wada ogyahay in khilaafaadka iyo muranada u dhaxeeya Dowlada uu baryahanba iska ahaa mid soo laalaabanayay oo aan laheyn xad ayaa waxaa soo ifbaxday in 3 wasiir oo ka tirsan wasiirada Xukuumada ay shaaca ka qaadeen in ay iska casileen xilikii ay hayeen.