Xaaladda halista ah uu dalka galay

Badbaadada dalka waxay u baahan tahay naf iyo maal

Faallo Mohamud M Uluso

Soomaaliya waxaa dal sanooyin badan ku jira burbur dowladnimo iyo dagaal sokeeye oo keenay shacab kala tagay, u kala irdhoobay dhinacyo badan. Waxaa muddo socday dadaal aad gaabis u ahaa ee dib u heshiisin, nabadeyn, iyo dib u dhis dowlad heshiis lagu yahay.

Badbaadada dalka waxay u baahan tahay naf iyo maal

Nasiib darro, maanta waxaa muuqda, socda kala tag, burbur, colaad, CBB, iyo miyir la’aan cusub. Sababta ugu weyn waxay tahay ku takrifalka awoodda dowladnimo iyo in kursiga Madaxweynaha mudnaanta ka yeesho badbaadada dalka iyo dadka Soomaaliya.

Waxaa dowladnimada loo fasirtay Barlamaanka iyo Madaxweynaha dad ahaan halka dowladnimada ay tahay dastuurka iyo sharciga ee Barlamaanka iyo Madaxweynaha ku hoos jiraan, kuwaasoo la rabo inay haystaan aqlabiyadda kalsoonida shacabka.

Barlamaan iyo Madaxweyne aan sharciga waafaqsaneyn, haysan kalsoonida shacabka intiisa badan waa ilmo aan laheyn aabe iyo hooyo dhalay.

Ilmahaas ma jiraan.

Barlamaan iyo Madaxweyne uu dhammaaday muddo xileedkooda 4 sano ma ahan barlamaan iyo Madaxweyne, waayo dastuurka ma oggola, miisaaniyadda dowladda ma ansixi karo.

Haddii sharcidarradaan meelmarto maanta, waxaan shaki ku jirin inay sharci noqon doonto in suuqa dhexdiisa lagu toogto muwaadin Soomaaliyeed, la boobo hantida dadweynaha, la xado canshuurta iyo kaalmada caalamka, lana yiraahdo waa bannaan tahay madaama Madaxweynaha iyo Barlamaanka ama Xukuumadda aan sharciga aheyn ayaa sidaas yiri ama oggolaaday.

Maalmahaan waxaan maqalnaa doodda ah in Madaxweyne Sheikh Sharif iyo Madaxweyne Xassan Sheikh loo kordhiyay waqtiga, maxaa diidaya in Madaxweyne Farmajo loo kordhiyo waqtiga? Taas macnaheedu wuxuu noqonaya haddii sharcidarro shalay dhacday, maanta waa sharci in la sameeyo.

Madaxweyne Farmajo waa ogaa saddex arrimood maalinta la doortay 2017:

1. In waajib tahay hirgelinta doorasho 1Q1C xalaal ah, xor ah, heshiis lagu yahay ugu dambeyn 27 Nofember 2020, waayo wuxuu tiir dhexaad ka ahaa ololihii dimoqradiyeynta 2012-2016. Wuxuu kaloo ogaa in haddii aan lagu guuleysan karin diyaarinta qabashada doorasho 1Q1C, ay waajib tahay in DF, DG, Ururrada bulshada, iyo siyaasinta mucaaradka ka wada tashadaan hannaanka doorashada suuragalka ah, lagu heshiin karo waqti munaasib ah ka hor ballaanta doorashada si aan marna waqtiga looga gudbin.

2. In muddo xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka Federaalka yahay 4 sano oo aan maalin lagu kordhin karin;

3. Inay tahay xaaraan qabashada doorasho mucaaradka uusan taagersaneyn;

Madaxweyne iyo Barlamaan ku talagalay ku negaanshaha kuraastooda ama ku guuldareystay gudashada waajibaadkooda, dariiqa u furan waa is casilaad iyo banneynta xafiisyada. Maamulka dalka waxaa u xilsaaran hay’adaha aan la dooraan oo hirgelinaya dastuurka iyo sharciga sida garsoorka, nabadgelyada, adeegga dhaqaalaha iyo bulshada, iyo maamulka guud.

Qiilka “firaaqo barlamaan” waa huuhaa, barlamaan aan haysan sharciyad, ma abuuri karo sharci.

Madaxweynaha iyo Barlamaanka ma beddeli karaan qodobbada dastuurka qaarkood gaar ahaan kuwa ku saabsan mabaadi’da iyo kuwa ayaga khuseeya sida muddo xileedka. Kordhinta muddo xileedka waa arrin dan u ah Madaxweynaha iyo Barlamaanka, mana kororsan karaan ( conflict of interest =daneysi). Dalalka qaarkood, waxaa la mamnuucay in Xildhibannada Barlamaanka kororsadaan mushaarka, loona xilsaaray Guddi gaar ah.

Sidaa darted, waa xaaraan in dastuurka loo beddelo danta Barlamaanka oo ka baaqsaday gudashada xilkiisa dastuuriga ah. Waxaa ku ah Dowladda waajib lama dhaafan ah inay qabato doorasho barlamaan ka hor dhammaadka muddo xileedka hadba qaabka heshiiska lagu yahay. Haysashada xukunka doorasho la’aan waa sharcidarro, waa burburka dowladnimada. Xildhibannada Barlamaanka 10 xaq uma laha in mushaar iyo gunno la siiyo bisha jannaayo 2021.

Madaxweyne Farmajo wuxuu diiday inuu DG iyo mucaaradka kala hadlo qodobbada doorashada ee la isku khilaafsan yahay ama wax ka qabto, wuxuuna diyaar u ahay inuu xoog iyo sharcidarro ku meelmariyo rabitaankiisa sida 3 sano iyo bar caadada noqotay.

Shacabka Muqdisho waa inay u diyaargaroobaan ikhyaaraadka iyo halista soo socota. Daaraha iyo mustaqbal ma jirayaan haddii aysan jirin dowlad u hogaansan dastuurka iyo sharciga, dhegahana aan ka fureysan baaqyada gudaha iyo caalamka. Naf iyo maal ayaa loo huray kasbashada gobannimada qofka iyo shacabka Soomaaliyeed, waana in naf iyo maal lagu ilaaliya, lagu waraabiyo jiritaanka xorriyada, gobannimada, iyo dowladda u hoggaansan sarreynta sharciga.

Ku tumashada dastuurka iyo ku takrifalka awoodda dawladda waxay halis ku yihiin daaraha iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed kuwa maanta nool iyo kuwa dhalan doona.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 16 January 2021 13:19

Waa Muqdisho, bishii Jannaayo Sanadda 1991. Rajiimka Siyaad Barre ee xukunka ku amar-ku-taagleynayey, waxa uu dareemay in ay maalmihiisii soo koobameen oo gabaabsi yahiin, markaasu go'aansaday in uu dalka burburiyo, dadkana laayo.