Canshuurtiinnaa la idin ku caburiyaa

Faallo Keydmedia Online

Qalin-maal kasta wuxuu leeyahay, arar iyo afeef dheer ama gaaban oo qoraalkiisa uu ku furfurto, ka hor inta uusan dul is taagin dulucda iyo biya dhaca sheekada uu tabinayo, aniguse, waxaan toos u abaarayaa ujeedkeyga oo waxaan sadarada koobaad ee qormadan ku soo qaddimayaa, waxaa dadka iyo deggaanka aan ka soo jeedo u diiday harsi-galka iyo hoyaad-aadka.

Canshuurtiinnaa la idin ku caburiyaa

Maxaa sababay, saban wareenka Muqdisho maasheeyay? Maxayse yihiin miciyaha ku mudan magaalada madaxda Gobolka Banaadir? Yaa koriya Gafaneyaasha ku naaxay hutellada Caasimadda?, Abaal ma u ergan yahay oo xaq iyo xuquuq ma heli doontaa? Mise abaallaawayaal aan edeb lahayn ayay abla-abaleysaa?.

Sida ka muuqada ciwaanka, waxaan qormaadan kaga hadlaynaa, canshuurta ay Dowladda waqtigeedu dhamaaday ka qaaddo kaliya dadka reer Muqdisho, laguna naas-nuujiyo Gafanayaal ka soo aroor tagay goballo kale, si ay ugu nacamleeyaan, nin aan diir-naxa lahayn oo kadib afar sano oo cabburin ah, maanta u istaagay burbirinta caasimadda.

Hayeeshee inta aanan u dhaadhicin Canshuurta laga qaado, kadibna lagu gumeysto dadka Muqdisho, aan isla eegno waxa ay diinta Islaamku ka qabto canshuurta, Canshuurtu ma xalaalbaa mise waa xaaraan?

Waa marka koobaade, Majmaca Culumada Muslimiintu, waxa ay isku waafaqsan yihiin, in Cansuurtu ay xaaraan tahay, Sida ku cad Qu’aanka kariimka iyo Xadiith laga wariyay suubanaheenna Muxamed NNKH, “Canshuur qaaduhu janno ma galo”.

Sida ay sheegayaan culimada yaqaanna asleynta diinta iyo tafsiirka Qu’aanka, qofka Muslimka ah wax kaliya laga qaadi karo, waa waxa shaciga Islaamku saaray, sida Sakada, Magta, Masruufka, Xaqul diyaafka, IWM,  waxaana si adag looga digay, qaadidda iyo bixinta Canshuurta.

Majirto meel ay kusoo aroortay diinta Islaamka in qof Muslim ah laga qaado Canshuur waajib iyo qasab ah, waxaase la isla oggol yahay, in hoggaanka Umuda uu maalqabeennada ku qanciyo in ay kaabaan miisaaniyadda haddi ay is bixi weyso, si iyagana ajir ugu noqoto, dalkana u anfacdo, qasab diintu waa diidday!

Aan dib ugu soo laabanno Gobolka Banaadir, Muqdisho waxa ay marti galisay Soomaali oo dhan, waxa ay soo dhaweysay Dowladda oo cag dhigan weysan maagaalo kale, waxaa in doora kali ku ahaa dibaatada amni darrada oo sabab u ah daganada ay u gashay jacaylka Dowladnimada.

Kadib soo yabyabkii Dowlddii Midnimo Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, uu Madaxweynaha ka ahaa, Muqdisho waxa ay maamisay in ay murugada iyo mashaqda ka dhex bixi doono maalmo dhow, Maleeshiyaadkii ayaa laga saaray, Miisaaniyad ayaa la dajiyay, Madaxweyne ayaa lagu dhex doortay, muraayadihii ayaa dib loo suray, jidadkii jajabnaa ayaa la dhisay, amnigeeda ayaa soo hagaagay, wixii laga qaado dadka degenna waxbaa loogu qaban jiray muddo Siddeed sano ah, From 2009 To 2017.

Si jirtaaba siima jirtee, waxaa majaraha dalka loo dhiibay, nin aan baalalka hoggaaminta beydna uga billowneyn, aan dowladnimo iyo kala danbeyn danayn, xasuus iyo wixii la soo marayna aan xeerin, waa Farmaajo, oo ku talax tagay, nin-jecleysi iyo naas-nuujin uu u sameeyo dad gaar ah iyo degaannada uu ka soo jeedo.

Muddo afar sano ah, oo uu hayay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu hirgaliyay caburin iyo caga jugleyn ka dhan ah shacabka Gobolka Banaaaadir, wuxuu diiday in ay aragtidooda soo bandhigaan, waxuu hooyooyinka ku qasbay in ay waddooyinka ku umulaan, halka ay lama huraan noqotay in Reer Muqdisho ay meydkooda garbaha ku qaataan, maadaama uu jaray jidaddkii oo dhan.

Farmaajo oo ah manaxe aan naxariis lahayn, wuxuu amray in la kordhiyo canshuurta Xamar kaliya ku eg, ee aan degaan kale la weydiin karin, wuxuuna dhisay ciidan tababaran oo si qasab ah u aruuriya Canshuurta, waxaana lacagta laga xaabiyo Muqdisho lagu biilaa Gafanayaal naaxay oo huteellada jiifa iyo maleeshiyaad abaabulan oo laga soo daad gureeyay gobolka uu ka soo jeedo.

Sida la aaminsan yahay miisaaniyadda dalka, marka laga soo tago kaabidda ka timaadda dibadda, 70% waa Canshuurta dadka degan Muqdisho. 85% waxaa qaata Wasaarada Maaliyada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, 15% waxaa qaata Maamulka Gobolka Banaadir. Aawey adeegii bulshada ee aheyd in Canshuurta laga qaaday dib loogu celiyo oo baahidoda la daboolo, sidaan waxaa qaba, doodaha maan-galka ah.

Nasiib wanaag hadda muddadii Farmaajo waa dhamaatay, waxaana la rajeynayaa in isaga iyo kooxdiisa la saaro cunaqateyn dhaqaale oo lixaad leh, reer Muqdishow miyaysan ahayn xilligii aad xisaab tami lahay-seen, is weydiin lahay-seen, su’aalaha ah, maxaa kaligeen waajib nooga dhigay Canshuurta? halkeye la marsiiyay middii la qaadayay afartii sano ee la soo dhaafay ee aan xiseeb celinta laga keenin? iyo tan aad hadda dhiibtaan waxa lagu qabanayo?

Farmaajo, wuxuu ku tashanayo waa maalka ka soo gala Muqdisho, ee intuu xaabsado uu dadka ku gumeeyo ee diidnay ma oran kartaan?, danbi maaha oo diintu ma ogala in aad xoolihiina ku bixisiin waddo qaldan, oo kalitakis aad faraqa ugu shubtaan, awood la idiin kagama qaadi karo dhaqaalihiinna ee awooddiidu yaysan noqon tii maroodiga oo kale.

Kaib muddo kordhitii uu Golaha Shacbka u sameeyay Farmaajo, maxaa la gudboon Canshuur bixiyayaasha Muqdisho?

  • Ganacsatada Gobolka Banaadir, waa in ay si cad u dalbanaadan, halka ay martay canshuurtii laga qaadayay afartii sano ee la soo dhaafay, Farmaajo iyo Kooxdiisana ku amran in ay la yimaadaan xisaab celin sax ah oo lagu qanci karo.
  • Maadaama uusan Farmaajo maanta hayn awood dhaqaale oo Canshurta Muqdisho ka madax bannaan waa in ay ganacsatadu dhagahiisa ku dhibciyaan in uusan Canshuur danbe ugu imaan doonin, diyaarna ayasan u ahayn in ay kalitalis jeebkooda ka koriyaan.
  • Waa in ay dalbanaan in dalka si siman looga qaado canshuurta, mar danbana aan maalka reer Muqdisho lagu cuni doonin magaalooyinka oo dhan.

Ganacsatadu, waa in ay laba kala doortaan in canshuurta ay Farmaajo siinayaan ay sabab u noqoto in Magaalada ay dagaallo ka billowdaan oo ganacsigoodu ku burburo iyo in Canshuurta ay siiyaan inta isku daraan isaga qabtaan, dalkana kaga badbaadiyaan dagaallo sokeeye, iyo gacan kalitalis.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 13 July 2021 17:58

Waayeelku waa weelka iyo keydka nolosha laamaheeda ka la duwan, siiba middeeda maan iyo maskax, xis iyo xusuus, oo dadka waaweyni ay ku hayaan laabtooda, iyaga oo ku daraya u jooggooda nololeed iyo waaya'aragnimadooda qofeed, oo isku noqon wixii waa fog jiray, oo lagu qabtay waxa maalmahan taagan.