Xaraashka Shidaalka dalka

Farmaajo oo ka helaya $2 Million Xaraashka halkii Block 

Faallo Keydmedia Online

Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee dhinaca Dhaqaalaha ku taqasusay Prof. Yaxye Caamir Xaaji Ibraahim ayaa qoraal dheer ka qoray Heshiiska Shidaalka ee la qorsheeyay inay dowlada Soomaaliya la saxiixato labo shirkadood oo Ajnabi ah, asigoo og in qoraalkaan khatar uu ku yahay naftiisa ayuu hadana u bareeray in uu faafiyo.

Farmaajo oo ka helaya $2 Million Xaraashka halkii Block 

Maanta Anniga oo xanuunsan ayaa Guriga ka baxay, waxaan mar kale la kulmay wadadii aan Magaalada ku aadi jiray oo xiran, Sabab. waxaa la sugayay in ay yimaadaan Magaalada Saddax Madaxweyne Maamul Gobaleed. Waxaa kale oo la sugayay Laba Dayaaradood oo siday Madaxda Shirkado lala saxiixan lahaa Heshiis Shidaal waana yimaadeen. Waxaa la diyaariyay Qolkii wax lagu saxiixi lahaa.

Waxaa heshiiska lala saxiixanayay shirkadaha ah Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo ah Ex- SomaOil and Gas. Shirkadihii kale ee caalamka ee waaweyna waa diideen in ay ka qeybgalaan Heshiiskaa xaraashka Shidaalka.

Waxaa la filayay in Shirkaddaa yar oo aan aad loo Aqoonsaneyn in uu u saxiixo Mr. Lane Franks oo ah Liberty Petroleum Corporation, Co-Founder , President & CEO. Mr. Lane waxa uu ku shaqey jiray Qalab lagu qodo Ceelasha oo Qoyskiisu ey ku lahaayeen New Mexico, USA isaga oo ahaa 16 Sanno jir iyo walaalkii ka weyn Mr. Trent Faranks oo ahaa 17 jir, kadibna u bedelay Shirkad ka shqeeyso Galbeedka iyo Bartamaha Gobalka Taxes –USA sannadkii 1980kii. Kadibna waxa ay u sii bedeleen shirkad Gaaska ka Sahamiso Gobaladda: Oklahoma, Taxes, New Mexico, Utah, Colorado, Kentucky iyo Tennesse.

Kadibna waxa ay u sii bedeleen Shirkadan Cusub ee Liberty Sannadkii 1999kii oo markaa kadib Bilaawday in ay ka shaqeyso meela ka baxsan Mareykanka Gaar ahaan Afrika oo ay ka shaqeysteen Lacag dhan $ 1.4 Billion.

Waxaa la leeyahay Maanta waxaa loo saxiixay Libertina 3 Block Shidaal, in kastoo Dib loo dhigay dhameystirka Heshiiska illaa Berri , sidda la leeyahay Madaxweyne Gobaleedkii Hirshabeele ayaan weli soo gaarin Magaalada.

Waxaa la sheegay in Shirkadda Liberty ey Bixisay Lacag dhan $ 120 Million oo ay toos ugu shubee Bangiga dhexe ee Somaliya, Taasi waa Borbogaanda ama been saxiixa yaashu ay sameeynayaan si Dadka looga dhigo in Dowladu ay heshay lacag badan oo ay Doorasho ku gasho.

Laakin waxa Jiro Lacag yar oo Bonus ah oo siyaasiyiinta Somalida la siinayo taa oo ah Halkii Block $2 Million ilaa hadda waxaa la leeyahay 6 Block ayaa la iibiyay oo ah $ 12 Million oo kaliya oo ay qeybsanayaan Siyaasiyiinta Somalidu. Kuwaa oo ay ka mid yihiin 6da Agaasime Shidaal ee SPA-CEO oo ka kala socdo 6 Maamul oo kala ah: 1- Banaadir. 2. Hirshabeele. 3. Galmudug. 4. Koofur galbeed. 5. Jubaland. iyo 6. Somali land.

Waxa kale oo jiro oo Xaraashka door muhim ah ku leh Sinatoor Somaliya oo ka soo Jeedo Gobalka Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale oo isla Gobalka ah. Heshiiskaan Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaan ku faraxsaneyn Bacdamaa Maamulka hadda iyo kan Mustaqbalka Shidaalkaan oo dhan Howl wadeenada ugu badan ee shirkaduhu kula heshiiyeen in ey sii wadi doonaan dhamaan howlaha Shidaalka ey badankooda qaadatay Galmudug, taa oo Banaanka dhigtay doorkii Mustaqbalkka ee Koofur galbeed iyo Gobalada Qaar .

Guud ahaan Heshiiskaasi waa Sharci daro, waqtigaan la joogo ee Doorashooyin iyo Amaan daro ey ka jiraan Dalka, iyo Baarlamaankii ansixin lahaa oo aan Sharci ahaan jirin. In kasta oo weli si cad uuna war uga soo bixin Haddana khubarada Bangiga Aduunka qaarkood ayaa qabo in aan la raacin habkii saxda ahaa iyo Procurement Law iwm, waxa ay leeyihiin waxaan hubnaa in ey Saameyn weyn oo xun ku yeela doonto Mashruucii Deyn Cafinta ee la qorsheeynayay.

Qorshaha Xaraashku waxa uu ahaa in uu bilaawdo Bisha March 2021 waqtigaa oo la filayay in Dalka ey Dowlad cusubi ka jirto, waqtigaanna eyna aheyn waqti ku haboon in la galo heshiiskaa waana taa tan keenaty in Shirkadihii waaweynaa ee Caalamku ey diidaan ka qeyb galka Heshiiskaan.

Heshiiska waxaa ku dhax jiro Shirkado Turki ah, in kasta oo eyna si weyn uga muuqan, Haddana Shirkadahaa Turkigu waxa ay dhaawici karaan Kalsoonidii Shacabka Somnalidu ku qabay Dowlada Turkiga, Laakin Shirkadaha Turkigu waxa ay qeyb ka yihiin Mashruucxa maaweelada Dadka ee Dhismaha aan la hubin ee Dekadda Hobyo. Shirkadahaa Shidaalka waxaa laga rabaa in ey Dowladoohooda ku khasbaan in ey taageeraan Dowladda hadda jirto sidii ay u soo noqon leheyd, taa oo shaki laga qabo.

Shrkadda Liberty Masuuliyeenteeda waxaa ka mid ah Labada Nin ee Walaalaha ah: Mr. Lane Franks ( F.S: 3aad) iyo Mr. Trand Franks.( F.S: 4aad). Mr. John McCain ( F.S:5aad) .Dhinaca Maamulka waxa madax ka ah, Neale Call ( F.S: 6aad) waxaa caawisa Trudy Conner( F.S:7aad)

Khubarada kale ee ku howl leh wax aka mid ah: Dr. Alessio Checconi iyo Mr. Scot Fraserar . dhinaca Amnigana Mr. Phil McDonald oo talo ku bixiyay in Ceelasha Berriga aan heshiis lagu galin oo weli ay Jirto khatarta Al-Shabaab ay geysan karaan, laakin in dhinaca Badda marka hore lagu bilaabo bacdamaa ay yaraatay khatartii Burcad Badeeda oo Sannadkii 2011 aheyd 160 dhacdo, laakin Sannadkaan aheyd Hal dhacdo oo kaliya in kasta oo weli ay jiri karto khatarta Burcad badeedu waa sida uu ku talo bixiyay Mr. Phil.

Fiiri Qodobka 44aad ee Dastuurka KMG iyo Qodobka 45aad ee Dastuurka KMG Faqradiisa 2aad, taa oo Dadka ku nool Jamhuurayada Somalida oo dhan waajib uga dhigee ilaalinta Khayraadka dabiiciga ah ee Dalka.

Wixii Noo dhexeeyo iyo Qabiilada aan isku qeybinay hanoo dambeeyaan ee aan ka tashanno hantida caamka ah, Diinta Islaamku ma ogolo in la dayaco Hantida Caamkaa ee Dadka Muslimiinta ah ka dhaxeeyso.

Anniga oo og Khatarta uu yeelan karo Qoraalkaan in aan qoro, haddana ma jirto, Hay’ad ama cid kale oo iga Codsatay ama aan ku xumeeynayo Qoraalkaan, kumana taageerayo Mucaaradka aan ogahay in qaarkood ay sidaan sameey lahaayeen haddii ay fursadaan khaladkaa heli lahaayeen.

Waa Cilmi Baaris madax banaan.

Prof. Yaxye Caamir Xaaji Ibraahim




Faallo 16 January 2021 13:19

Waa Muqdisho, bishii Jannaayo Sanadda 1991. Rajiimka Siyaad Barre ee xukunka ku amar-ku-taagleynayey, waxa uu dareemay in ay maalmihiisii soo koobameen oo gabaabsi yahiin, markaasu go'aansaday in uu dalka burburiyo, dadkana laayo.