Baraarujin ku socota saddex koox:

Culumada Siyaasadda, Bulshada Ra’yidka &  Halyeeyada qoondada Haweenka

Faallo Mohamud M Uluso

Culumada siyaasadda ee Muqdisho oo taagersan Madaxweyne Farmajo, kana soo horjeeday madaxweynyaashii ka horreyay, waxay iska indhatireen xaqiiqada iyo runta ka jirta dalka Soomaaliya, waxayna ka gaabiyeen ama ismoogeysiiyeen difaacaa dastuurka, waxayna aqoonta diinta u adeegsadeen hab khilaafsan xaqa, runta, iyo wanaagga bulshada Soomaaliyeed ku jirto.

Culumada Siyaasadda, Bulshada Ra’yidka &  Halyeeyada qoondada Haweenka

Warbaahinta waxay soo tebineysa:

1. In kooxda Culumada Siyaasadda ee Muqdisho oo mucaaradka ku ahaa Madaxweyne Sheikh Sharif iyo Xassan sheikh, taagersan Madaxweyne Farmajo la shireen guddiga doorashada federaalka ee lagu muransan yahay ama sharcidarrada ah, kaddib markii Sheikh Cosman Usuuli u jeediyay Xubnaha guddigaas inay is casilaan sida diinta islaamku qabto madaama dhinac ka mid ah dhinacyada ku tartarmaya siyaasadda uusan ku qanacsaneyn dhexdhexadnimadooda iyo sharciyadooda.

Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa la ogaaday in Culumada siyaasadda ee Muqdisho ay ka mid yihiin taagerayaasha dowladda federaalka ee Madaxweyne Farmajo (N&N), kana gaabsadeen difaaca dastuurka kmg oo ah heshiis (Axdi) bulshada Soomaaliyeed ku maareyneyso wada noolaashaheeda, wadajirkeeda, iyo wax wada qabsigeeda oo waafaqsan tilmaamaha diinta islaamka. Cambaareynta Xafladda iyo heesho aammaan ka soo dhoweynayay madax Madaxweyne Farmajo col la yahay ayaa mudnaanta ka yeelatay hortagga wax ka qabashada Ku tumashada dastuurka, heshiiska asaaska u ah awoodda dowladda, burburka, cunaqabateynta, musuqmaasuqa doorashada ee socotay 4 sano iyo xoolaha dadweynaha masaakinta ah ee lagu bixinayo xafladaha sannad guurada dowladda federaalka ama kheyraadka shidaalka iyo kalluumeysiga sharcidarrada lagu xaraashayo.

2. In Bulshada ra’yidka ee siyaasadda la shireen Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS, kana codsadeen inay dhexdhexaadiyaan iyaga iyo Madaxda DF, ayadoo 4 maalmood ka harsan tahay dhammaadka muddo xileedka Barlamaanka Federaalka. Bulshada Ra’yidka waxay soo saartay baaqyo badan, lana yeelatay shirar Madaxweynaha, hoggaanka BF, iyo RW, haseyeeshe aan marna wax laga soo qaadin, la xusin. Bulshada Ra’yidka ma ahaan koox dhex dhexaadin loogu tala galay ama laga sugayo. Waa koox la rabo inay difaacdo ku dhaqanka dastuurka, xuquuqda muwaadiniinta, nidaamka dimoqradiga ah, isla markaana qaadato mowqif ay ku caddeyneyso garta iyo dariiqa saxa ah.

3. In halyeeyada qoondada haweenka qabteen shirar looga hadlayo qoondada haweenka, ayagoo la socda ismari waagga ka taagan doorashada dadban, dalkana ka socdo dagaal gudaha iyo dibedda ah oo aysan muuqaan xaalad doorasho xor, xalaal, nabad ah ku dhici karto. Qoondada haweenka waa ka qiimo badnaatay ka fekerka mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, xasilinta nabadgelyada, ilaalinta dastuurka, iyo is afgaradka bulshada Soomaaliyeed rag iyo dumar. Ragga iyo dumarka waa inay siyaasadda isku matali karaan.

Soomaaliya oo dadka ku nool lagu qiyaaso 16 milyan, waa dal burburay, uu ka dhacay dagaal sokeeye, malaaayin Soomaaliyeed ka qaxeen, malaayiin kale yihiin barakacayaal, 70% ku nool yihiin dakhli ka yar $1.90 maalintii; 70% yihiin sabool aad u liita, 70% dhallinyarada da'dooda u dhexeyso 14-29 ay yihiin shaqo la'aan, dakhliga gudaha miisaaniyadda sannadka 2020 yahay $234.4 milyan, waa dal dagaal sokeeye iyo argagixiso ka socdo, joogaan ciidammo ajnabi ah oo gaaraya 22 kun, sannad kasta adduunka loogu dalbo yabooh gargaar bani'aadamnimo oo gaaraya ilaa 1.5 bilyan doolar si loo quudiyo dad gaaraya ilaa 3 milyan qofood, aysan ka jirin dowlad karti leh, hanatay maamulka nabadgelyada,, difaaca, horumarka, iyo garsoorka dalka oo dhan. Agosto 2012, waxaa shacabka Soomaaliyeed ku heshiiyeen dastuur dhigaya dhismaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, dastuurkaas oo ah qabyo ah, kmg ah, haseyeeshe qeexay arrimo muhiim ah.

Dastuurka wuxuu dhigaya:

1. In soomaaliya tahay Jamhuuriyad federaal ah ka kooban dowlad goboleedyo ka koobaan gobollo iyo dowlado hoose ee isu tagay, jiritaankeeduna ku dhisan yahay “caddaaladda bulshada” iyo “tartanka siyaasadda ku dhisan xisbiyada badan,” taaso macnaheedu yahay “Soomaaliya waa dal dimoqradi hoggaaminayo xukunka sharciga aan khilaafsaneyn caqiidada diinta Islaamka, laguna xaqiijinayo doorasho xor, xalaal ah, leh muddo lama dhaafan ah;

2. In shacabka Soomaaliyeed leeyahay talada, awoodda, iyo xukunka Soomaaliya, una wakiishay Barlamaanka Federaalka inuu matalayo hab furan oo qof kasta fursad u siinaya inuu ka qayb qaato.

3. In Madaxweynaha JFS matalayo midnimada, qarannimada ( oo ka duwan qabiil, xisbi, iyo koox) iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta mabaadi’da asaasiga e dastuurka iyo sharciyada dalka;

4. In muwaadinka Soomaaliyeed siman yihiin sharciga hortiisa, leeyihiin karaamo, xuquuq iyo xorriyad aan lagu xadgudbi karin

5. In muwaadiniinta waajib ku tahay gudashada xilkooda ku xusan dastuurka oo ah ka shaqeynta wanaagga dalka iyo difaaca dastuurka iyo nidaamka dimoqradiga ah.

Soomaaliya waxay maraysa marxalad uu halis ku jiro geedisocodka dhismaha JFS ee ku qeexan dastuurka, waxayna dhex muquuraneysaa dagaal sokeeye. Sababta ugu weyn ee abuurtay xiisadda taagaan waxay tahay hoggaanka talada dalka haya oo diiday, ka gaabiyay, ka cagajiiday diyaarinta nidaam doorasho ee heshiis lagu yahay ka hor dhammaadka muddo xileedka dastuurka ku qoran si loo cusbooneysiiyo sharciyadda Wakiillada Shacabka oo ah Xubnaha Barlamaanka FS iyo Madaxweynaha JFS.

Waxaa ilaa 2018 taagnaa khilaaf siyaasadeed ee curyaamiyay wax ka qabashada arrimo badan ee mudnaanta lahaa ee xagga dhismaha dowladnimada Soomaaliya sida xoojinta dib u heshiisinta, dhammeystirka dastuurka kmg, mideynta maamulka dalka, diyaarinta nidaamka doorashada Xisbiyada badan, hanashada ammaanka iyo difaaca dalka oo dhan, iyo dhib u dhiska adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha xorta ah ee dalka.

Nasiib darro, saddexda kooxood oo kaalin muhiim ah ku leh midnimada, wadajirka, iskaashiga, nabadgelyada, cadaaladda, difaaca runta, dastuurka, iyo wanaagga bulshada Soomaaliyeed, waxay galeen kaalin lagu jaahwareersan yahay, aad uga fog kaalintii laga sugayay, kana liidata dagaal ogayaasha. Saddexda koox waxay iska indhasaabeen xaaladda ba’an ee dalka ku sugan, ku xadgudubka mabaadi’da dastuurka, maamulxumada dowladda federaalka ku kacayso, halista ku jirta kala aamin baxa iyo isku kalsooni la’aanta ragga iyo dumarka ee saaxadda siyaasadda. Taarikhda 8 sano waxay muujineysa in dumarka Xubnaha ka ahaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kaalin weyn ku lahaayeen dib u dhaca iyo fashilka dowladnimada Soomaaliya.

Culumada siyaasadda ee Muqdisho oo taagersan Madaxweyne Farmajo, kana soo horjeeday madaxweynyaashii ka horreyay, waxay iska indhatireen xaqiiqada iyo runta ka jirta dalka Soomaaliya, waxayna ka gaabiyeen ama ismoogeysiiyeen difaacaa dastuurka, waxayna aqoonta diinta u adeegsadeen hab khilaafsan xaqa, runta, iyo wanaagga bulshada Soomaaliyeed ku jirto.

Inta aan ogahay, Culumadu kama dhiidhin dambiyadii dowladda federaalka ee Madaxweyne Farmajo gashay 4tii sano ee la soo dhaafay, oo qaarkood RW Xassan Cali Kheyre ka soo cafis dalbaday sida dilka, dhaawaca, burburka, iyo musuqmaasuqa ka dhacay Muqdisho, dowlad goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbed, Hirshabelle, Galmudug, Puntland, iyo cunaqabateynta Soomaaliland. Culumada kale ayaan ugu baaqaya inay ra’yigooda ka dhibtaan falgalka Culumada siyaasadda ee Muqdisho.

Bulshada Ra’yidka oo ku guuldareysatay sababo kala duwan inay gudato kaalinta iyo ujeedooyinka loogu tala galay ama laga rabay oo ah difaaca dastuurka, sharciga, iyo maslaxadda guud, run u sheegidda hoggaanka dowladda ( truth to the power holders) waqtiga munaasibka, waxay rabtaa inay ku dhex jirto, ka dhex muuqato saaxadda siyaasadda. Mowqifkaas dabaal joogteynta aha wuxuu wiiqay guud ahaan waxtarka iyo sumcadda Bulshada Ra’yidka. Shaki kuma jiro inay adag tahay gudashada xilka bulshada ra’yidka Soomaaliyeed oo ay haystaan dhibaatooyinka bulshada Soomaaliyeed ka dhex jira.

Haseyeeshe, waxaa niyad jab ah in bulshada ra’yidka aysan muujin isbeddel, horumar, iyo xilgudasho yididiilo abuura, lagu qaddarin sanooyinkii la soo dhaafay. Waxaa xusid mudan in xubnaha bulshada ra’yidka qaarkood ay ka dhiibtaan fagaarayaasha aara runta iyo xaqiiqada ka tarjumaya, haseyeeshe waxaa maqan dhaqdhaqaaq mudeysan ee magaca bulshada oo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u sheega xaqiiqada oo ku saleysneyn dano gaar ah.

Waxaa la maraya marxalad loo baahan yahay in Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha JFS loo sheego inuu dhammaaday muddo xileedkooda, loona baahan yahay inay joojiyaan dhammaan adeegsiga awoodaha dowladda ee aysan u haysan sharciyadda, aysan ku dhaqaaqin fulinta mas’uuliyad aysan sharciyad u haysan, loona caddeeyo inay qayb ka noqdaan talada iyo xalka lagu maareynayo tubta shacabka Soomaaliyeed ku soo dooranayo Xubnaha matalaya, xubnahaasoo dooran doona Madaxweynaha JFS. Sidaa awgeed, talada geedisocodka waxay u taal shacabka Soomaaliyeed oo ay matalayaan xoogagga siyaasadda oo kala ah hoggaanka dowlad goboleedyada, siyaasiinta ku midoobay midowga Musharrixiinta, Madaxda dowladda federaalka oo muddo xileedkooda yahay gabaabsi, iyo Wakiillada beesha caalamka.

Yoolka waa arrimood:

1. Xaqiijinta in awoodda dowladda federaalka aan loo adeegsan hab khilaafsan xilgaarsiin (caretaker administration purpose);

2. Hirgelinta hannaanka doorashada dadban ee heshiiska lagu yahay.

Saddexda koox ee kor ku xusan iyo guud ahaan waxgaradka Soomaaliyeed waxaan u soo jeedinayaa inay dadaalkooda ku jiheeyaan badbaadada dhismaha qabyada ah ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo halis ku jira iyo inay difaacaan tifaftirka barnaamijka doorashada dadban ee heshiiska lagu yahay iyo hirgelintiisa si loo cusbooneysiiyo sharciyadda xukunka shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Maxamud M. Culusow




Faallo 13 July 2021 17:58

Waayeelku waa weelka iyo keydka nolosha laamaheeda ka la duwan, siiba middeeda maan iyo maskax, xis iyo xusuus, oo dadka waaweyni ay ku hayaan laabtooda, iyaga oo ku daraya u jooggooda nololeed iyo waaya'aragnimadooda qofeed, oo isku noqon wixii waa fog jiray, oo lagu qabtay waxa maalmahan taagan.