HAWIYE WAA DHEGOOLE DHIBAN - Qeybta 3aad

Ibraahim Sh. Cabdiweli (KON) - Halkaan Guji: Qeybtii Koowaad, Qeybtii labaad | Maahmaah la iloobey waxay ahayd nin dhugi xiran dhuuso loo saari oo la mid ah wixii xunba Xaawaa leh...

Faallo Keydmedia Online
HAWIYE WAA DHEGOOLE DHIBAN - Qeybta 3aad

Deegaanka Hawiye waxaa dulsaaran dhibaato aan gobollada kale ka jirin, dadka Hawiye waa qof qabri galay, qof qaxay iyo of qalqalsan cabsi darteed, waxaa u dheer aflagaado xun oo lagu bahdiley karaamada iyo sharafta haybtooda. Hadalhaynta waxaa ka mid ah: Hawiye hurdaaye dhulkiina maad nabad ka dhigtaan, maad Xamar caasimada ka dhigtaan, maad wax sameysataan iwm.

Hawiye wuxuu la mid yahay  dhegoole eedaha la dulsaaray aan iska difaaci karin isla markaana aan lahayn qareen ka hadla darxumada ku habsatay deegaankooda. Silica iyo saranseerka ku dhacay lama soo koobi karo, maxayse cuskan tahay sababta dhibaatada dhalisay?

(1) Guud ahaan askarta daafaha dunida joogta waxay ku hawlgalaan laba arrimood oo muhiim ah: 1-mabda’a la aaminsiiyey oo maskaxda loogu duubay iyo 2-caloosha oo loo buuxiyo, askeri labadaas waayey ma shaqeyn karo. Guud ahaan Askarta Soomaalida, gaar ahaan askarta Gobolka Banaadir ka hawlgasha lama fahamsiin wax qaddiyad qaran ah oo ay difaacaan isla markaan caloosha looma buuxin oo xataa bishii ma helaan $100.

Dekedda iyo Airport-ka Xamar bil kasta waxaa kasoo xarooto lacag ka badan daryeelka askarta Xamar iyo socodsiin guud ahaa hawlaha qaranka. Lacagtaas waxaa lagu masruufaa oo mushahaar ahaan u qaata shaqsiyaad lagu sheegay (Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimeyaal Guud, Safiiro, Jeneraallo, ilaalo Madaxtooyo) ilaalada Fillada mooyee, inta kale waxay u badan yihiin dad aan u dhalan Gobolka Banaadir oo soo shaqo tegay.

Hoteellada ayey hurdaan, waxay isku heleen nasiino iyo cunto nafaqo leh, dabadeed si xad-dhaaf ah bey u naaxeen, mid kasta waxaa kasoo baxay naaso waaweyn oo la moodo gaashaanti 20 jir ah. Kaba sii darane qaraxa iyo qaska qeyb bey ka yihiin oo waxay doonayaan Gobolka Banaadir inuu darxumada ku sii waaro, si gobollada kale u dhismaan. Ciidan iyo calaf midna lagama helo, waxayna caan ku yihiin laba-canleyn iyo cod-beec ah. Xildhibaan naasa-weyn iyo askeri gaajeysan waxay la mid tahay (2 + 2 = 5) waxaana ka dhalan doona kacdoon dadweyne iyo qalalaase guud ahaan dalka ku baaha.


(2) Geela waxaa loogu heesaa ninna dhalashow kugu dhiidhiyey, ninna dhuuniyow kugu soo dhacay. Afarta Taliye Ciidan midna Hawiye uma dhalan oo ka damqanmaayaan darxumada dulsaaran deegaanka Banaadir, waa rag soo shaqo doontay, araajidiina Xasan Qoslaaye waa ka aqbalay, xilalkiina waa heleen. Bal aan tilmaan kooban ka bixiyo afarta taliye ciidan inta aan ka aqaan taariikh nololeedkooda “CV”.

Daahir Indhaqarsho waa ‘technician’ wuxuu xariif ku yahay madaafiicda goobta ‘Artillery’ waxaa loo aqoonsan yahay sarkaal dagaalyahan ah oo aan seereyn shiishka kuna hoodo leh aagga dagaalka, dhowr dagaal oo uu ka qeyb galay dallacaad buu ku qaatay sida dagaalkii 1982 ka dhacay Yeed. Daahir Indhaqarsho maamul ciidan iyo si nabadgelyo loo sugi aqoon iyo waayo-aragnimo toona uma lahan, xilka loo dhiibey wuxuu la mid yahay geel caloosha laga raray oo tuurta laga caynshay. D

agaal jabhadeed ka socda daaraha Xamar wuxuu u baahan yahay aqoon gaar ah, farsamo xeeladeysan oo looga libkeeno, taas ka sokow Jeneral Daahir waa hawlgab 20 sano qurbaha ku noolaa. Taliyaha Asluubta wax aqoon ah uma lihi, waxaanse guuxa dadweynaha ka maqlay inuu xiriir qotadheer la leeyahay Shabaab, xariifna ku yahay tabta iyo xeelada dagaalyahannada Shabaab ay xabsiga uga fakadaan. Taliyaha Boliiska wuxuu kulansaday: waayo-aragnimo la’aan, karti-darro iyo garaado musuq lagu helay. Waxaa lagu xantaa inuu yahay nin balwad badan, karti la’aan darteedna guriga uu ku qayilo surweelkiisa ku ilooba oo waa jooge-maqane jilicsan, lagana sugimaayo firfircooni iyo nabadgelyo Xamar ku naaloodo. Taliyaha Nabadsugidda waa nin midabyo badan oo diimo badan, haddii cimrigeyga boqol sano lagu daro kolley mas fasiri karo shaqsiyada Bashiir Goobe.

Tusaale: 1991 ka hor, xirfadiisu waxay ahayd Sport, Haybtiisuna waxay ahayd beesha Jeneraal MCSamatar, wuxuuna ahaa gacantiisa midig iyo dhegta Samatar wax ku maqlo. Goortii dowladii dhacday wuxuu u xuubsiibtay Sheekh Duduble ah wuxuuna noqday madaxa Barakaat UK, gardheer ayuu deystay, markuu la joogo wadaadka Axmed-Nuur iyo kooxda Itixaad safka hore ayuu ku tukan jirey. Barkaat belaayo madow ayaa cirka uga soo degtay oo Buush ayaa albaabada u laabay. Bashiir Goobe mar seddaxaad wuxuu noqday Saar Abgaal oo wuxuu gacanyare u noqday Faarax Sendiko, wuxuuna jeebkiisa ka qalabeeyey Hoteel Ramadaan oo Faarax Sendiko waagaas lahaa.

Cabdullaahi Yuusf oo wata Ciidan Itoobiyaan ah ayaa Banaadir burburiyey, Hawiyena ka dhigay haad geed waayey, mar afraad Bashiir Goobe wuxuu sheegtay Madhibaan Majeerteen ‘Kulbayr’ wuxuuna noqday gacanyaraha Cabdullaahi Yuusf, magaca Madhibaan Majeerteen ayaa ina-Yuusuf Yeey Jeneraal ku siiyey. Mar shanaad Bashiir Goobe magaca beelaha laga tirada badan ayuu Baarlamaanka kusoo galay, kaarkii Madhibaan Dudublena markale ayuu soo cusbooneeyey oo boorka ka jafay.

Mar lixaad hadda waa Wacaysle Cali Gaaf ah oo Xasan Qoslaaye ayey ilma-adeer yihiin. Nin shaqsiyadiisu noocaas tahay ayaa Nabadsugidda Taliye ka ah ee bal sheeg waxa laga fili karo iyo inuu maamuli karo xafiis xasaasi ah.

Gobollada dhexe waxaa laga ciyaaraa dhaanto murti badan, xikmada ay xambaarsan tahay maqaal dhowr bog ah kuma soo koobi karo, waxaanse akhristeyaasha xasuusinayaa halkudhegga iyo ridmada dhaantada: Markii Baadi Baando loo qoray maxaa Baando baahi loo qabay. Markii Saacid iyo Goobe laga dhigay Jeneraallo nabadda iyo amnigga suga, maxaa Jeneraallo baahi loo qabay. Ka rog oo laba saar.

Guuxa dadweynuhu wuxuu leeyahay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waa kaligi-taliye “tyrant” kasii xagjirsan Siyaad Barre. Hoggaamiyaha kaligi-taliyaha ah waxaa caado u ah inuu xusho daciif dhega-nugul “yesman” oo ah magac-u-yaal aan maya aqoon, sida hoggaamiyuhu rabo ayuu  haye fudud ku yeela. Sida laga fahmi karo kooxda Xasan Sh. Maxamuud ku meersan waxay u badan yihiin 90% yesman sababta loo magacaabay ay tahay inay xilka u hayaan magac ahaan kaliya. Waagii Siyaad Barre ayaa nin waxgarad ah la weydiiyey sida loo magacaabo madaxda dowlada, wuxuu yiri “Siyaad wuxuu xariif ku yahay xulashada ninka xun”.

Xasan Sh. Maxamuud xulashada ninka xun ka sokow, wuxuu xariif ku yahay sida loo jilo ruwaayadda qof kaliya dhigo “one man show” wuxuuna ku ciyaaray habmaamuuskii dowladnimo “protocol” sababtoo ah wafdi kasta Xasan ayaa qaabila xataa wafdi agaasime horkacyo, meel dhow aan tusaale ka siiyo shirkii Dubai ka dhacay ee Burcadbadeedda looga hadlayey waxaa Soomaaliya metelaayey Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, hase yeeshee waddamada kale waxaa metelaayey saraakiil hoose, Boqor ama Madaxweyne kale kama qeybgelin, taasi waxay muujineysaa Xasan Sh. Maxamuud inuu weli kala saari la’yahay farqiga u dhexeeya Madaxweyne Qaran iyo Madax NGO.

Xasan Sh. Maxamuud waa inuu fahmaa murtida leh ‘meel kasta ka maadeeye waa magac-beelaa’ iyo ‘meeshii saantaadu ku badato suuradaada ayaa ku xumaata’.. Arrimaha dibedda Agaasime ilaa Madaxweyne ayaa la shiraya, diyaarad kasta aniga ayaa kursiga VIP fadhiya, markey arrimaha gudaha joogtana ‘Karaani ilaa Wasiir aniga ayaa amarsiinaya, shaqada qaranku waxay u qeybsan tahay Abgaal iyo Islaax, Villa Somalia waa Villa Abgaal, shaqaaluhu waa Abgaal iyo Islaax, haddii dowladnimadu sidaas tahay waa cilmi cusub oo Damul-jadiid dunida kusoo kordhiyeen.

Waa suurtagal in dowladda Damul-jadiid sidaas ku socoto, sababtoo qorrax kasoo baxa ilaa qorrax u dhac caalamka oo dhan waxaa laga waayey Soomaalida mooye ummad 23 sano dowlad la’aan noolaan karta, sidaas awgeed nidaamka Soomaaliya adduunka kusoo kordhisay oo ah in dowlad la’aan in la noolaan karo, waa cilmi cusub oo u baahan in buugaag laga qoro oo jaamacadaha laga dhigo. Nidaamka cusub ee Damul-jadiid waxaan ku soo gunaanadayaa erayadii Yamyam ku habaaray Xuseen Caydiid iyo jiiftada hoose oo aan ku kordhiyey:

Lagu furay lagaa furay,
Furtaye lagaa furay,
Faraqaaga la mari.
Wax feynuusta lagu shido,
Adigoo  ka fara-maran,
Dameer faraw kasoo raac.

C/qaadir Xersi Yamyam
Dudun ciid ka mayr iyo,
Ka-dar dib dhal baa timid,
Kuwa damcu waaloo,
Danta guud ka bayroo,
Dawarsigu la wacan yahay,
Dowladnimadu koox tahay,
Daqligu qoys u xiran yahay,
Dakanadu hal-beeg tahay,
Daqar  aan  qaboobeyn,
Qabyaaladi dastuur tahay,
Daneysigu ku hodon yahay,
Dib-ka-naax xildhaan yahay,
Dable janan dallacay yahay,
Nindoorkuna damiin yahay,
Doqonkuna fariid yahay,
Darxumadu wanaag tahay,
Daryeelkuna ku diim yahay,
Darandoori qarax  yahay,
Dambiluhu shariif yahay,
Degi-maayo  reerkuye,
Waxba yaan la daaline,
Dowladnimo ma socotee,
Dib u fiiri shaqallada,
Dalka oon wax loo qaban,
Diyaaraad layska raaciyo,
Dalxiis layska aadiyo,
Dollar layska qaataa,
horey noo dilootaye,
Tani dowlad maahane,
Allahayow mid daacadah,

Naga  saarta  diiftan,
Dam-jadiid ka khayr roon,
Soomaali ugu deeq. Aamiin

Ibraahim Sh. C/weli

XADIIS AAN LA FAHMIN

Boqol sano ka hor aqoonta Soomaalidu waxay ahayd barashada diinta oo waxaa laga cilmi doonaan jirey seddax meelood: Xifdinta Qur’aanka waxaa loo aadi jirey Baardheere & Diinsoor, Cilmi Xadiiska iyo fahamka Carabiga waxaa loo aadi jirey Galbeed ilaa Harar, Axkaamta iyo fasirka Fiqiga waxaa loo aadi jirey Warshiikh. Habdhaqanka Madaxweyneyaashii dalka soo maray sida laga fahmi karo, beesha Mudulood Xadiis iyo Carabi kama soo baran Galbeed iyo Harar.

NABI MUXAMED “SCWS” wuxuu yiri “iimaanka Abuubar Sadiiq ‘RC’ waa ka weyn yahay iimaanka muslimiinta kaloo dhan”. Xadiiskaas Mudulood si khaldan buu u fahmey, sababtoo ah: Madaxweyne Aadan Cadde wuxuu aaminsanaa Maxamed Abshir inuu Soomaali oo dhan ka caqli badan yahay oo salaadda subax inay 2 rakco tahay Maxamed Abshir ayuu weydiin jirey. Madaxweyne Shariif Sh. Axmed wuxuu aaminsanaa Shariif Sakiin inuu Soomaali oo dhan ka caqli badan yahay oo salaadda maqrib inay 3 rakco tahay Shariif Sakiin ayuu weydiin jirey.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud wuxuu aaminsan yahay Faarax Topaz inuu Soomaali oo dhan ka caqli badan yahay oo salaadda casir inay 4 rakco tahay Faarax Topaz ayuu weydiyaa. Abuubar Sadiiqa Mudulood waa tiro badan yahay ee Allow siirada Rasuulka iyo cilmiga Axaadiista fahamsii “aamiin- aamiin- aamiin- aamiin”

Qeybtaan waxey aheyd Qeybtii ugu dambeesay Qoraalka

Ibraahim Sh. Cabdiweli (Abu Xaniifa) - Xaniifa77@yahoo.com

Keydmedia Online - Editorial Desk - http://www.keydmedia.net