Qeybta 2aad

Qabiil, Qaran laga dhigay!

Faallo Keydmedia Online

Tani waa Qeybta labaad ee Qormadda: Qabiil, Qaran laga dhigay - Sooyaalkeenu wali  meel ay uga qoran tahay maynaan arag in nin Soomaaliyeed ka wanaagsanaan karo nin aan Soomaali ahayn oo ninkastaba waxaa lagu qayaanay inay ku jirto qiiro walaalnimo oo jir iyo dhiig isku xiran ah kana dhaxeysay ummadda ku abtirsanaysa soomaali.

Qabiil, Qaran laga dhigay!

Waxayna keentay in meelkastaba ninka Soomaaliga ah uu lugtiisa ku maro asagoon qaadan wax sahay ah, waxaana laysu ixtiraami jiray oo qabiilka marka si wanaagsan loo adeegsanayo wuxuu noqonayaa midka kaliya ee Ummadda isku haynaya, tusaale ahaan Nin Soomaaliyeed oo ku dhashay Garawe ayaa tagi jiray hargeysa labaduba waa reer Miyi, waxaa lagu qasbanaa in ninkaas la soo dhaweeyo oo la jiifiyo, cunto iyo nolol la siiyo oo  si wanaagsan loo ambabixiyo, waxay ahayd arin qasab ah, oo Ninka yeeli waayo oo nin marti ah sooryeyn waayo waxay ahayd in aan xidid lala sameynin oo si gooni ah ayaa loo leexin jiray, taasina waxay ahayd dhaqanka wanaagsan ee qabiilka ku dhisan.

Wixii ka dambeeyey 1978 waxaa soo baxday arin ku cusub gudaha Soomaaliya, oo waxay ahayd markii Jabhaddii ugu horaysay SSDF, SNM, USC ay go’aansadeen inay Itoobiya garab iyo gaashaan ka soo dhigtaan, ayagoon eegeyn wixii ka dhex dhaxay Ummada Soomaaliyeed iyo Amxaaro, waxayna badaleen taariikhdii Soomaalida. Sanaddaas wixii ka dambeeyey Soomaali waxaad moodaysaa inaysan waxba u dhaqnayn, waxaa laysku qasay ninka cadowga kuu ah iyo ninka walaalka kuu ah.

Waxayna ka sii dartay markii ay dowladdii kacaanka ka baxday meesha oo ay Abuurmeen maamul goboleedyo ama  Horjoogayaal qabiil aan  naxayn, waxayn ku kala xirmeen dowlado badan oo kala dan ah iyo kala feker ah, ninkasta oo ka mid ah waxa loogu dowgalay inuu xanuun joogto ah ku hayo ummadda, waxyna noqotay ninka ku xigaa waa ninka lacag ku siiya, waxaana halkaas ka caddaatay in walaal iyo cadow soomaali isaga darsanto oo qaniiyada ku dhacaysa ninka soomaaliga ah uu ku dhufanayo ninkale oo Soomaali ah.

Caqliga xumaado gunimo ayuu ku dambeeyaa ayay soomaalidu tiraahdaahe, waxaa yimid dalka amxaaro Hubaysan oo ay horkacayaan rag Soomaali ah, oo ciidankeeda iyo maamulkeeda ku soo dhaweeyey caasimadda Soomaaliyeed iyo Gobolada dalka soomaaliyeed, sikastaba ha ku timmaado laakiin waxay ahayd Calaamadda labaad ee xanuun badan oo nin soomaali ah uu ka jeclaystay nin aan Soomaali ahayn.

Waa siisocotay oo kama aysan joogsane waxaa la keenay ummad kale oo aynaan garanyn, oo cadowtooyada ay ummadda u qabaan iyo jeceylkooda aynaan kala ogayn, waayo Itoobiya waxaa naga dhaxeeyey waa wax muddo dheer iska soo Tixnaaye maahayn wax hadda bilow ah, laakiin ciidamada kale ee dalka joogaa ula jeedkooda iyo waxay ummadda u yihiin inta badan shacabku ma fahamsanayn, inkastoo loo haystay soo galooti dalka jooga oo ajaaniib ah, haddana lagama dhiganin sida kuwa Itoobiya. Ayadoo ay sidaas tahay ayaa haddana soomaalida dhexdeeda waxay kala jeclaystay ciidamada dalka jooga ee aan Soomaalida ahayn, sida Kenya iyo Itoobiya iyo Ugadan iyo Burundi, taasoo meesha gabi ahaan ka saartay in ciidan soomaaliyeed lagu dhiirado, halkaasina ay ku baahday xumaantii iyo kala jeclaysiga gumeysiga dalka jooga, layskuna qabsado hortooda oo laysku laayo, oo la yiraahdo kuwan waa reer hebel adinkuna reer hebel baad tihiin.

Waxyaaba noloshayda saameynta ku yeeshay waxaa ka mid ah in Ummadda lagu dhex tuuray  warar oo Muqaabaraadka dhex jooga u sheegay in ciidamda dalka jooga qaybkastaba ay u danaynayso reer Hebel  oo si toos ah laguugu sheegayo oo lagu leeyahay adinka reer Hebel baad tihiin reer hebelna waa inaga, markaa qoladan waxba haka sheegin, oo micnaheedu yahay aniga oo Soomaali ah iyo asaga oo soomaali ah in uu ninkan Afrikaanka ah ama ummad kaleba ah ninkastaba faa’iido gooni ah ku qabo oo kalsooni xumada meesha jirtaa iyo qabyaaladda heerka ay joogto ay keentay in afkii soomaaliya ahaa uu tarjubaan ka dhex noqdo nin ku hadlaya luuqad kale, caasimadda dalka looga taliyana ay kala noqdeen caasimado kala duwan oo midkastaba ku xiran yahay uuna garab iyo gaashaan u doonanayo.

Tusaalahaas cajiibka ah wuxuu soo baxay beryo aan fogayn, waxayna noqotay in reer Hebel nimado ay qaraabo la noqoto Africaan aan dhaqan iyo diin, luuqad, iyo muuqaal wax naga dhaxeeyaa aysan jirin, gacalna la noqday wiil soomaaliyeed oo kula doodaya reer hebel haddaanu nahay waa Afrikaanka dalka Joogaa qaybtaas waa anaga.

Haddaba dhamaan dhacdooyinka aynu ka soo sheekeynay waxaa guri u noqday qabyaaladda waaweynaatay ee ka dhaxaysa qolooyinka isku haya siyaasadda Soomaaliyeed oo midkastaba asalkiisu yahay in uu xaqdaro ku qaato wuxuu leeyahay qabaa’ilaadka kala duwan dhan. Taasina waxay keentay in kalsoonida ummadda ay lunto ayna ka shaqeeyaan rag aad u taba baran oo afka Soomaaliga bartay, dhaqanka bartay, oo dhamaan fahmay ummadda soomaaliyeed, amaba soomaaliba ah ee laakiin la shaqeysanaya rag aan soomaali ahayn oo ka shaqeynaya kala daadinta iyo kala shaki galinta Ummadda Soomaaliyeed ee Muslim-ka ah, ee haddana ku taagan kala duwanaansho aan diini ahayn.

Qabyaaladdu waxay na dhaxalsiisay waxan laga kabanayn oo ummadda oo dhan kala daadisay illaa aan garan weynay cidda noo cadow ah iyo cidda noo walaal ah ee wax na taraysa, waxaana habeen iyo maalin la dhex keenayaa warar ummadda kala fogaynaya, oo aad moodayso inay ku sixran yihiin sida ay u aaminsan yihiin, In la hubiyana aysan miir u lahayn.

Waxaan xusuusanayaa AAYADDII QURAANKA KARIIM-KA ahayd ee noo sheegeysay MARKAAD HESHO MACLUUMAAD, ISKA HUBI INTAADAN U GUDBIN DADKA KALE, taasoo noo sheegeysa in ummaddu diinta islaamka ay ka SAHWISAY oo qolo qolaynta iyo shareecadda islaamku ay ka sare marisay qabyaaladda, oo qof aad wax u sheegi karto aysan jirin.

Gabagabada

Qabiilka qaran laga dhigay, Guurka aan laysla geynin, Dhaca, Kufsiga dadka laga Tirada Badan yahay, iyo Itaal sheegashada deegaanada ay ku nool yihiin dad aan Hubaysnayn,  Fekerada kala duwan ee Ummadda Rag aan Soomaali ku feker ahayn u soo Guurinayaan, ee lagu jaha wareerinayo Ummaddan Islaamka ah ee Soomaaliyeed ayaa asal u ah, mushkiladda kasta oo u dhaxaysa walaalaha Soomaaliyeed ee ku Nool dhulka Soomaaliyeed.

Waxa Hubaal ah in dhamaan talada Dalka Dadka hayaa aysan ka tarjumayn waxay doonayaan shacabka oo aan la dhagaysanayn waxay Ummaddu jecel yihiin, waxay tusaale u tahay cidda maamulkooda haysaa inaysan dan iyo Muraad ka lahayn siku keenista iyo abuurista Fursad walaalnimo iyo iskaashi, iyo sidii looga dhex saari lahaa caddowga ku dhex jiray ee maalinkastaba isaga Gudbinaya. Maxaa yeelay waxaa la heli karayaa in ayadoon lays qaban laysu yimaado kadibna laysla fahmo sida waxa ugu wanaagsan loo dhamayn karo.

Waxaan Hubaal ah oo Ninkasta oo wanaagsan Soomaalina ah in Ummaddu hadday wada hadasho wax dhamaysan karto meelna wax isla dhigan karto. Waxayna ka mid tahay waxay Hiddaha iyo dhaqanka u lahayd. Waxayse taasi Ku imaanaysaa Markii Pro-Kenya + Ethiopia + Uganda iyo Brundi meesha laga saaro.

Xalkuna uu noqdo wax loo dhan yahay in la dhiso, Illaahayna loo tawakalo oo la raadiyo Hanaan Maskax Furan looga shaqeeyo oo Ummadda u cuntamaya, taasaana Guusha ku Jirtaa laguna helayaa Cizi iyo sharaf Illaahay ka raali yahay.

Ibrahim Cabdi Geele
Ibraahim waxaa kala xiriri kartaa E-Mailkan: jinniishumi@gmail.com




Faallo 14 April 2021 2:23

Erey bixintaani waxay ku qorontaa kooxo daneysteyaal ah oo xil ku raadsada in ay metelaan qabaa’ilka iyo deegaanka ay ka soo jeedaan balse ku daneysta sheegashadaas beenta ah.