Mandhow Xagee Baad Noo Waddaa, Waan Xakaarnaye!

Maxamed C/raxman Ibrahim "Max'ed Afrika" - Maalintii Xasan Shiikh loo Caleemo saaray xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aan kala har laheyn ayey dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba u soo dhaweyeen. Waxaa Xaflado lagu taageeraayo Dowladda ugubka ah ay ka dhaceyn Gees ilaa ka Gees geyiga Soomaalida iyo Qaaradaha Dunida.
Faallo Keydmedia Online

Shacabka waxay filayeen in waa Cusub Soomaaliya u baryey. Hogaanka Cusub, waxaa aad loogu hanweynaa in uu la imaan doono is-badal Siyaasadeed iyo Aragti fog.

Aqoonta loo lahaa Shaqsiyadda Madaxweynaha wey koobneyd, balse in badan, waxaa lagu qiimeynayey in uusan ka qeyb qaadan Dagaaladii Sokeeye iyo in uu waliba dhibta la qeybsaday dadka Soomaaliyeed waqtigii adkaa ee Colaadda. Ammaanta loo jeedinayey waxa ka mid aheyd, doorkii uu ka ciyaaray dib u soo celintii Adeega xagga Waxbarashada, dhismaha Macaahid, jaamacado iyo cilmi baaris uu sameeyey. Balse hankii loo hayey Hoos ayuu u dhacay ilaa iyo xad markii ay soo if-baxday in uu xubin ka yahay Urur Diimeed sida la sheegay la yiraahdo Damjadiid.

Muddo markii la sugayey Magacaabistii Raisal Wasaaraha, waxa si lama filaan ah masraxa Siyaasadda ugu soo biiray Mud. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”. Inkastoo Shacabka isweydiinayeen sababta Saacid looga soo dhexdoortay tobaneeyo ka Aqoon badan lagana Jecel yahay, misna wey soo dhaweeyeen Wajiga cusub ee Siyaasadda ku soo biiray.

Is jiid-jiid ka dib, siduu Madaxweyne Xasan rabay, waxa Golaha Wasiirada lagu soo koobay Toban Wasiir oo u badan Liis uu Xasan xushay, sida xanta tahayna xubno firfircoon ka ah kooxda Damjadiid. Qabaa’il iyo Siyaasiyiin caan ah ayaa durbadiiba dhaliilay sida wax loo qeybiyey ama loo koobay, waxayna ka digeyn intaas curyaamin karto dib u hishiisiinta. Beelaha qaar ayaa si toos ah ugu gacan seeray sida Beesha Gaaljecel oo nin Wasiir loo magacaabay is casilay.

Guuxii Dadweynaha waxa lagu shibiyey 4.5-kii ayaa baabi’inay, Soomaalidii waa sinay, dowlad koobanna waan dhisnay oo ku saleysan dakhliga Dalka. Sida runta ahna taas, waxay aheyd arrin geesinimo leh oo ay Dowladda Xasan billawday, shacabkana wuu garwaaqsaday. Waxaase Golaha Wasiirada lagu soo kordhiyey labaatan Wasiir-ku-xigeen iyo Shan Wasiiru dowlayaal oo wadarta guud ka dhigeysa 35 wasiir halkii marki hore ka ahaayeen waayihii ku meel gaarka kow iyo afartan, farqiga u dhaxeeyana uu yahay oo kaliya Lix Wasiir. Su'aasha is weydiinta mudan, waxay tahay maxa is badalay?

Si ka duwan sidii la sheegay, miisaaniyaddii Dalka way korodhay xaddi labanlaab ah, misna waxaa isku milmay awoodihii iyo Shaqooyinka Madaxda. Waxa lays dulsaaray Wasaarado aan si naba is qaadan karin, sida Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta. Waxa la yaab noqotay in hal Qasiir la hoos geeyo Shan Wasaaradood!

"Shariif ayaa dhaamay"

Amaankii Magaalada Caasimadda ah faraha ayuu ka baxay, dib u hishiisiintiina way curyaantay, wax Qabadkii Dowladda laga filayeyna lama imaan, dagaalo Sokeeye ayaa Gobaladii dalka ku baahay.

Guuxii dadweynaha waxa halhees u noqday “Shariif ayaa dhaamay”, “ka door ka dar bay dhashaa”. Halkii xal laga sugayey, Xasan wuxuu qeyb ka noqday mashaakilkii jiray. Xarunta Madaxtooyada waxay noqotay halka laga Abaabulo Colaadaha. In badan ayaa aaminsan in Dagaaladii Jubooyinka ka dhacay, dowladda daaha gadaashiis ka maamuleysay, labada dhinacba, colaada hadda ka soo cusboonaaday Shabeelooyinka iyo xiisadda Siyaasadeed ee Hiiraan ka taagana in ay qeyb ka tahay. Waxaa la yaab noqotay in Dowladda ay dhoofineyso dhibaato hor leh halkii dheef laga sugayey. Siyaasadda dowladda Xasan waxay ku soo uruurtay Aragti beelo ku dhisan (Clan Politics).

Waxaa Eedda ugu weyn ee loo jeedinaayo tahay in Beelaha qaar uu garab iyo gashaan ka dhigtay, halka kuwi kalana uu geeska geliyey. Intaas uguma simine Cadaadis Siyaasadeed iyo Carab xanaf leh uu la gaaray. Taas waxay keentay in si aad ah hoos u dhacdo kalsoonida beelaha Soomaaliyeed ay ku qabaan Hogaanka Xasan Shiikh.

Musuqmaasuq baahsan ayaa si xowli ah u socdo. Isku day lagu dhacayey Hantidii Keydka Qaranka ayaa fashilmay, ka gadaal markii ay, Marwo Yusra Abraar daaha ka rogtay Fadeexad Maaliyadeed oo lagu lunsanayey hanti ka badan Boqol Milyan oo Doolarka Mareykanka ah. "Mafiyada" Madaxtooyada ku xidideysatay ayaa hishiisyo Qarsoodi ah la gashay Shirkado Shisheeye si ay u soo xero geliyaan Hantidii la xayiray markii Dowladdii Kacaanka dhacday Sanadkii 1991. Isku soo wada duubow, dowladda Madaxweyne Xasan waxay ku fashilantay Qodobadan Hoos ku Qoran:

  • Dhameystirka dib u hishiisiinta iyo dhismaha Maamul Gobaleedyada,
  • Sugidda nabadgilyada, iyo dhismaha Ciidamada Qalabka sida, 
  • Kobcinta dhaqaalaha, maamul wanaaga iyo hufnaanta maaliyadda,
  • Dib u habeyna iyo hawlgelinta Hay’adaha Dowliga ah iyo dib u soo celinta Adeega bulshada,
  • La dagaalanka Musuqmaasuqa, xagjirnimada, burcad badeednimada, qabyaaladda, caddaalad darida, saboolnimada, sicir bararka iyo Shaqo la’aanta,
  • Mareynta masiibooyinka, arrimaha bani-aadanimada iyo deeqaha caalimiga ah,
  • Dajinta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, iyo qeexidda deris wanaaga,
  • Ilaalinta kheyraadka dalka, madax banaanida, wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

"Isma Khilaafno"

Madaxweyne Xasan wuxuu ku guuldareystay in uu balamihii uu qaaday mid ka fuliyo, gaar ahaan Lixda tiir oo uu Assaaska ugu dhigay Dhismaha haykalka Dowladnimo. Waxa kaloo dhab noqon weyday weedh in badan uu ku celceliyey; “Isma khilaafno”. Sanad ka dib waxaa so ifbaxay Khilaaf Siyaasadeed oo gaamuray una dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo Raisal Waasaarihiisa Saacid.

Habeenkii uu soo shaac baxay arrintaas, dhinaceyga dhulka ma dhigin, gabay dheer ayaa ka tiriyey, misna waxaa ii soo baxday, in Xasan uu gacan sareeyo, Saacidna uu jiitay, si kastaba ha ku tagee.

Anigoo Niyad jabsan ayaa Maqaal Af-Ingiriis ah ku daabay mareega Keydmedia Online - English, waxaa Cinwaan ugu dhigay "Somalia’s Leaders Loggerheads" oo Micnaheedu yahay "Madaxdii Dalka madaxey iskula jirtaa”. Haddase, waxaan arkaa Rajo, sidaas darteed waxaan idiin la wadaagaya fariin aan u dirayo Madaxweyne Xasan iyo Xildhibaanada Maalinta Bari ah u matlan Codka Kalsoonida.

?    War xamar iga yimid baa, xalay gama’ ii diiday
?    Halkii xareed laga filahayey, xaal kala yimide
?    Hora loo yiri xarig carraabo, ninkii xiraa fura’e
?    Xafiis iyo xoolo shacab yey, ku xifaal-tamayaane
?    Ninkii shalay xariir huwiyey, kolkii rag xamaasnaa
?    Intuu xaal mari lahaa buu, xil ka xayuubinayaaaye
?    Haddan lays xasdiyaheyn waa, xabiib hiil mudane
?    Xashaa nin libin kaa dafiray, xumihii waa yaabe
?    Daa’im waligeed talo xerr, waa lagu xujoobaaye
?    Mandhow xagee baa noo wadda, waan xakaarnaye?

?    Kol haddii xadiiskii Rasuulkiyoscw, imaan ku xidhayo
?    Xildhibaanow adoo daacad ah, xeeri mooshinkaane
?    Ninkaan maanta ceeb ka xishoon, taariikhdaa xusiye
?    kol haddiise sidii xiin faniin, xooli lagu durdurinaayo
?    koldhow bay xargaha jarayaan, gebi xaq u dirirkiiye
?    Xil qaran lama qaado oo, xero shisheeye lama geeyo
?    Xeebahaad baayacday iyo idil, xoolahii Soomaaliweyn
?    Maanka ku hay waa xisaab ku taal, xilkan dabadiiye
?    Mar uun bey xeelad ka wareerta, nin xoog tamadiye
?    Maandhow xagee baa noo waddaa, waan xakaarnaye?

?    Xasanow xiinkii baa go’ay weedhaada, xanafta lahe
?    Xasanow xantaadii baa taala tan iyo, xeebihii bariye
?    Xasanow aniguna xumahaagii igu yimid, xeradii geela
?    Xasanow xukuumadaad dhistay waa, adigaa xaqiraye
?    Xasanow xisaabtaan lahaan jiray, tan iyo xurnimadiiye  
?    Xasanow haddii xurmo waalid rag, lagu xushmeeynaayo
?    Xasanow xiska ku haay inantii, Xaaji Salaxa ka astunteene
?    Xasanow waa sidee sidii seyn xoolaad, seedhay xaarkiiye
?    Mdandhow xagee baa noo wadaa, waan xakaarnaye?!!!

?    Xasanow adaa xaajadii dhaweyd, god ku xabaalaaya
?    Xasanow adaa xasara ka kaciyey, xuduudihii Samaale
?    Xasanow adaa xanuunadii jiray dib, ka xafafinaaya
?    Xasanow adaa xaabo ku ololinhaya, xarbigii sukeeyaha
?    Xasanow adaa u kala xagliyaya xidid, xigaal wada yaala
?    Xasanow adaa gacmaha ka xiray, xaqii lagu raadjoogay
?    Xasanow adaa u xalaaleeyey dagalkii, hishiisyo xaaraane
?    Nin xoog is-biday umaddii idilna, xabad ku maansheeyey
?    Xasanow Xashaa hal booliya iney nirig, xalaal dhashaaye
?    Mandhow xagee baad noo waddaa, waan xakaarnaye?!

Maxamed C/raxman Ibrahim "Max'ed Afrika"


Qoraalkaan waxaa Qoray: Maxamed C/raxman Ibrahim (Max'ed Afrika), waxaana Qoraalkaan dib u eegay Xafiiska Keydmedia Online ee Richmond, Virginia.




Faallo 17 June 2021 9:53

Bashiir Cali Barre — Waxaa laga yaabaa in aad is weydiisid: "Qabyaalad, siyaasad iyo Diin gartaye dhaqanku waa midba?". Sidoo kale waxaa dhici karta inay ku cuntami waydo Qaabka ay Afartaasi isugu milmi [Qasmi] karaan, haddana, aa dhilee ila dhugo.