Maxaa Ku Filan Xal-U-Helidda Gobollada Koofureed?

Ahmed Warsame (Keydmedia) - Wax yar oo ay ku dheehan tahay daacadnimo iyo is-xilqaan baa ku filan nabad ka curata gobollada koofureed, waxaana looga salgaari karaa muddo ku siman 100 maalmood. Waxaana saldhiga u ah xal u helida gobalada koonfureed ee rubac qarxniga lagu dagaalamayo.
Faallo Keydmedia Online

A- In lays wada kaashado, lana iclaamiyo isku duubnida bulshada gobolladaas oo ay hoggaaminayso: TFG, oday Dhaqameedyada, siyaasiinta daacadada ah, aqoonyahanka(kan jooga dalka gudihiisa & kan Qurbo-joogga ah). Maalqabeenka, Saraakiisha ciidanka, culumaa-u-diinka, dhallinyarada iyo dumarka oo tallaabo firfircoon laga qaado,

B- Diyaarinta 2-3 kun ciidan ah oo la wareega difaaca iyo xasilinta Muqdisho iyo gobollada koofureed, lana hawlgeliyo saraakiil lagu kalsoonaan karo oo hawlaha ciidanka u faradhuuban isla markaana aan aheyn laba wajilayaal xagga iyo xagga u adeega .

C- In TFG-da ay bixiso amar ay Amisom uga baxeyso dalka mudo ku siman laba todobaad maadaama Amisom ay dhibaateynta shacabka u joogta Dalka

D- Mar haddii AMISOM dalka laga saaray, in al-Shabaab hubka dawladda kusoo wareejiso, loona yeero siyaasiinta garabka Casmara fadhida si ay uga qayb-qaataan dhismada Dawladda ugub ah oo loo dhan yahay.

E- In UN-ka la weydiisto inay magdhow ka bixiso wixii dalka ay dhibaato soo gaarsiiyeen oo ay ka mida yihiin: Dhimasho, dhaawac, curyaanimo, hanti burburtay, baraakac, hagardaamo,laab lakac intaba,lagana soo bilaabayo burburkii UNISOM 1992dii-1994kii ay dalka u gaysatay,  ilaa maantada aynu joogno.

F- In dawlad-goboleedyo laga dhiso deegaamada gobollada koofureed iyaguna is-difaacaan,isla markaana Dowlad gobaleedyadaasi laga ilaaliyo dadka u shaqeeyo danaha Shisheeye ee doonaya in Dalka ay ka fuliyaan waxyaabo aanay Soomaalida dan ugu jirin.

Diidmada Shirka Marin-habaabinta Aaayha Soomaaliya

Abshir…! Abshir…! Abshir..!Marna yaan laga quusan hawlgalka TFG…! Markan talada suubban waa asiibtay…! Malaayiin Soomaaliyeed oo hore u rajo beelahy baa maanta rajadii kusoo noqotay…! Guulaysta…! Guulaysta…!

Dawladda TFG maanta ayay gaartay go’aankii ugu qiimaha weynaa markay diidday inay kasoo qayb-gasho shirka UN-ku ka abaabulayso Nairobi oo la nuxur ah shirarakii badnaa oo lagu marin habaabin jirey ummada Soomaaliyeed labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Biyo daatay hambadooda ayaa la caymiyaa, maantayna ugu dhowdahay in dhabarka loo duwo xeeladaha maldahan oo Soomaaliya lagu maamulo oo UN-ku u xilsaaran yahay, kuwaasoo wiiqa himilada iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.

UN-ku marna kuma hawlgalo in Somaaliya  gaarto isku filaan iyo madax bannaani hufan. Hawlaheedu kuma wajahna inay soo noolayso qiimihii iyo is-qaadarintii u dhexayn jirtey bulshada Soomaaliyeed.

Ma bogaadiso xurmadii iyo xeerkii wanaagsanaa oo dadka Soomaaliyeed u dhexayn jirey.Daacadnimo uma raadiso meesha xalka Soomaaliyeed ku jiro.Diyaar uma aha inay caymiso nolosha dadka abaaruhu naafeeyeen.Kama gargaarto biyo la’aanta haysa dadka iyo duunyada tabaalaysan.Ma maalgeliso horumarinta kobcinta aqoonta iyo daryeeka caafimaadka. Waxba kama qaban duumada dhallaanka laysa oo dhibkeedu hadda taagan yahay.

Haddii TFG wax badan la dhaliili jirey maanta ayey goolkii dhalisay markay diidday inay kasoo qayb-gasho shirka dhalanteedka ah oo Nairobi ka dhici doonta 12-13 bishanoo UN-ku horboodayo. Shirkanu kama duwan kuwii hore oo sii kala fogayn jirey aayaha bulshada Soomaaliyeed.

Si gaar ahaaneed marka loo eego, deegaanka gobolladda koofureed aad bay u taageersan yihiin in laga gaabsado shirka shirqoolka ah oo aan lagu gaari Karin dan guud ee Soomaaliyeed. Indheergaradka, siyaasiinta, aqoonyahanka, culumaa’uddiinka, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo inta jecel madaxbannaanida bulshada Soomaaliyeed ee ku abtirsada bulshada gobollda koofureed, waxay si buuxda u taageerayaan in la qaadaco shirka marin habaabinta ah ee laga abaabulayo Nairobi oo UN-ku garqaadanaan.

Ciil Kaambin

Wax badan baanu niri waxqabadka UN-ku waa khatal maldahan…! Wax badan baanu ku cel-celinnay AMISOM ma ahan xal gobollada koofureed danu ugu jirto…!

Wax badan baanu niri talada ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay yaan laga doonin Nairobi iyo Addis Abeba ee ha laga doono maanka  Soomaaliyeed…! Maxaanu wax badan ku cel-celinnay nidaamka TFG oo la qaatay inuusan manta xal u ahayn xasilinta gobollada koofureed…! Cidu nagama hoos-qaadin markaan niri al-Shabaab waa cadaw loogu talogalay inuu sii wiiqo nabad iyo xasillooni ka dhalata gobollada koofureed…!

Markaanu niri nabad-curinta iyo dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyagaa ku filan oo dhaqan iyo hiddo gaamuray u leh dibu-heshiisiinta iyo dibu-u- yagleelka qarankii burburay iyo dib u-soo celinta jecaylkii iyo walaalnimadi burburtay…!

Goormaanu niri in la habeeyo ciidan dhan ilaa 5 kun oo askari oo tababaran oo lagu kalsoonaan karo oo nadiifiya al-Shabaab muddo bilo ku siman…! Goormaanu niri iska saara khilaafka siyaasadeed oo uga gudba midka maslaxadda ummaddu ku jirto si loo dhiso midnimo Soomaaliyeed…!

Goormaan TFG ku niri UN-ku xal uma hayo nabaadda, xasilloonida, horumarinta dalka iyo bulshada iyo dibu-curinta qaranimada Soomaaliyeed…! Waxa gobollada koofureed ugu weyn oo manta hortaagan waxaa kamid ah sidii ay UN-ka uga xoroobi lahaayeen…! Sidii ay AMISOM isaga saari lahaayeen…! Sidii ay talo midaysan iyo siyaasad wax-ku-ool ah u yeelan lahaayeen…!

Qaadicidda Shirka Nairobi muxuu dhalin karaa?

A- In bulshada gobollada koofureed ay dib u xoroobaan oo ay iska saaraan: Al-Shabaab, AMISOM iyo inta dhabar-jabin ku haysa nabadda iyo xasilloonida gobollada koofureed. Dalka waxaa xukumi doona inta  maanta dhalisa is-beddel yididiilo u leh oo waxtar u leh aayaha ummadda Soomaaliyeed.

B- In gobollada koofureed ay iska xoreeyaan xag-jireenka diinta kusoo gabbada oo dabargoynaya nabadda, xasilloonida, iyo horumarka bulshada gobolladaas.

C- In laga xoroobo faragelinta iyo jaho-wareerinta UN-ka iyo dawladaha kale ee aan jaarka nahay oo marwalba gacaanta kula jira maamulka iyo mustaqbalka dalka tiigsan lahaa.

D- In gobollada koofureed ay meel iska dhigaan Nadaamka Federaalka oo UN-ku dadka ku khatalo oo ay samaystaan maamul goboleedyo ay ka taliyaan dadka daggan deegaamadaas, sida kuwa hadda ka jira Puntland, Soomaaliland iyo Galmudug oo kale.

E- In aqoonyahannada, maalqabeenka, siyaasiinta daacadda ah iyo qurbo-joogta kasoo jeedda gobollada koofureed ay dalka kusoo noqdaan oo ay dib usoo celiyaan aqoontooda, maalkooda iyo hawlkarnimadooda si ay nabad u curiyaan, dalkana horumar u gaarsiiyaan.

F- In markii la gaaro isku-filnaansho nabadeed, mid horumarineed, mid aqooneed, dabadeed looga gudbo ucurinta nadaamka federaalka ah iyo midnimo Soomaaliyeed.

Yaa Diyaar U Ah Hawlgalka Gobollada Koofureed?

A- Waxaa diyaar u ah kumayaal aqoonyahanka qurbo joogta ah oo ku dhaadanaya inay xilka kala wareegaan UN-ka, dalkana muuqaalkii uu lahaan jirey kusoo celiyaan.

B- Waxaa diyaar u ah kumayaal maalqabeen ah oo isku kalsoon oo daacad u ah inay dalkooda maalgeliyaan oo horumar gaarsiiyaan,iyaguna ka faa’idaan.

C- Waxaa diyaar u ah kumayaal ah indheergarad, cuqaal, ciidamo carbisan oo daacad ah diyaarna  u ah inay dalkooda usoo jeestaan, dadkoodana caawiyaan.

E- Waxaa diyaar u ah kumayaal siyaasiin daacad ah oo doonaya inay ka xoroobaan gacan iyo maskax shisheey.

Intaasu markay si lillaahi ah isku kaashato, Ilaah baa weheliya waxna kama xumaan karaan. Codka midaysan ee dadku waa codka Ilaah, ba la yiraahdaa, kaasaana soconaya.

Yaa Ku Caano-Beelaya Fashilka Shira UN-ka?

Shirka 12ka-13ka ka dhici doona Nairobi oo fashilma waxaa ku caano-beelaya inta u heellan afduubka aayaha bulshada gobollada koofureed.Waxaa ku shaqo-beelaya AMISOM oo ku nool daqaalaha deeqdii dunidu noogu tabarucday, dabadeedna ku xasuuqa bulshada tabaalaysan.Waxaa ku guuldarraysan doona UN-ka oo muddo 11 sano ah Soomaaliya majaraha siyaasadda u hayey, hadana ku guuldarraysatay.

Waxaa khasaaraya halgan-beenaadka al-Shabaab oo qandaraas ku qaatay dilka, argagixinta iyo xasuuqa bulshada rayadka ah ee gobollada koofureed.Waxaa ku fashilmaya inta nabadda iyo xasilloonida siyaasadeed u diiddan in bulshada reer koofureed ayna marna helin hoggaan bulshada u daneeya, dalkana dajiya.Waxaa curan doona waayo loo mashxarado oo nabad iyo barwaaqo lagu nagaado. Waxaa magac ku yeelan doona waxgaradka manta u heellan in UN-ka laga xiriir furto oo dhabarka la xijiyo, iyaga iyo inta ku lifaaqanba.

Fashilka Agustino Mahiga Muxuu Miro Dhali Karaa?

Guulo badan baa gobollada koofureed usoo kordhi kara. Waxay gobolladaasu heli doonaan tixgelin cusub oo wax badan u tarta. Waxaa dhici doonta in dadka u dhashay gobolladaas ay maamulka dalkooda iyo dadkooda u madax bannaan doonaan, aayahoodana ka tashan doonaan.Waxaa dhici doonta in laga xoroobo xeeladaha maldahan oo UN-ka iyo dawladaha aan deriska nahay ay ku hayaan gobollada koofureed, gaar ahaan, dalka Soomaaliyeedna guud ahaan.

Xilka lagu xoraynayo gobollada koofureed waxaa laga sugayaa: Dawladda TFG. Siyaasiinta ku abtirsada gobollada koofureed.Cuqaashooda.Indheergardkooda.Maalqabeenkooda, iyo bulsho-weynta gobollada koofureed.Gobollada koofureed oo xasila waxay naas irmaan u noqon doonaan bulsho-weynta Soomaaliyeed.

Ahmed Warsame - Nairobi - Keydmedia Correspondent/Analyst




Faallo 27 November 2021 11:12

Afartii sano ee u dambeysay waxaa na soo maray dhaqan xumo siyaasadeed tii ugu darneed; waxaa la hirgeliyey qorshe ku dhisan it’s our turn to eat-waa markeenii ee aan cuno.