Maxaa Hortaagan in Gobalada Dhexe ay ka dhismaan Maamul Goboleed Dhamaystiran?

Maxamed Xaashi Cabdi - Maqaalkaan waxaan jeclahay inaan ku iftiimiyo sababaha hortaagan dhismaha Maamul Goboleed ka hirgala Bartamaha Soomaaliya, kaas oo la oran karo waxa uu ka mid yahay deegaano dhowr ah oo qabaa’ilo badan oo Soomaaliyeed ay wada degaan.
Faallo Keydmedia Online

Deegaankaan waxa uu dheer yahay gobolada kale ee Soomaaliya dadka ku nool oo la dhihi karo ilaa mudo ka badan laba qarni ayay is laynayeen oo is dilayeen oo way ka qota dheer yihiin Gobolada kale ee wadanka oo laga yaabo qaarkood inayba wali is degaalin markay maamulada dhisanayeen ama dagaaladooda ay un bilowdeen waqtiyadii dagaalada sokeeya iyo burburka dalka ka bilowdey.

Bartamaha soomaaliya tan iyo intaan xornimada qaadanay waxa uu yeelanayaa nooc badan waayo dowladihii shibilka ahaa waxay dalka ka dhigeen sideed Gobol kuwaas oo bartamaha soomaaliya loo yaqaan Gobolka Mudug iyo Hiiraan, halka Dowladii militariga ahayd ama kacaanka hadba Qof walba suu u yaqaan waxaa lagaarsiiyay Gobolada dalka 18 kuwaa oo la oran karo waxaa ku soo biiray Galgaduud iyo Shabeelada Dhexe wallow dadka qaar ay dhahaan Shabeelada dhexe kuma jiro Gobolada dhexe.

Si kastaba ha ahaato deegaanka waa dhul aad u wayn lana oran karo Soomaalida ku nool waxay u badan yihiin xoolo dhaqato isku laaya inta badan daaqsin iyo biyo oo waxaad arkaysaa nabada dhulkaa inay soo noqon inta badan, hadaba hadeer waxaa ka jira maamulo badan oon is ogaolayn isku ra’yi ama afkaarna ahayn, waxaa la oran karaa qabiil walba waxa uu leeyahay maamul u gaar ah ama qabiilka kaliya ayaa waxa uu leeyahay in kabadan hal maamul hadaba waxaas sidee sharciga loo waafajin karaa halkeese ka kala taliyaan marka aqristoow ka faa’iidayso laga yaabe inaad ku aragto wax badan oo igu diidan tahay balse waxaas oo dhan waxaa dhaliyay Cadaalad daro ka jirta dalkeena.

Dastuurka Federaalka:

Waxaa ku cad dhowr arimood oo muhiim ah inay fahmaan dadka soomaalida ah kuwaas oo sharaxaya micnaha federaalka iyo xubinimada federaalka kaas oo u baahan inay dadka Soomaaliyeed fahmaan.

  • Mida koowaad waxay oranaysaa: Federaal waxaa noqon kara laba Gobol iyo waxii ka badan
  • Mida labaad waxay oranaysaa xuduudaha Gobolada iyo degmooyinka waxay ku salaysan yihiin siday ahaayeen 1991kii markii dowladii dhexe burburtay taas oo meesha ka saaraysa wax walba ooy magacaabeen maamuladii kumeelgaarka ahaa
  • Iyo mida sedexaad oo dadka deegaanka u madax banaynaysa inay ayaga dhistaan maamuladooda ama dowlad goboleedyadooda.

Hadaba bal aan galno Gobolada Dhexe iyo sida ay yihiin:

Mudug

Wuxuu ka kooban yahay Shan Degmo oo kala ah, Gaalkacayo oo iyada ah Caasimadii gobolka, Galdogob, Xarardheere, Hobyo iyo Jariiban Waxaa hubaal ah gobolkaan inay ka jiraan maamulo badan oo runtii aan jeclahay inaan halkaan ku soo bandhigo iyo ciladahooda.

Sida aad la socotaan labo degmo oo katirsan gobolkaan waxaa si toos ah uga arimiya maamulka Puntland waa Goldogob iyo Jariiban halka Caasimada Gobolka Gaalkacyo ay laba u qaybsan tahay oo dhinac uu dhinaca koonfureed ka arimiyo maamulka Galmudug halka dhinaca Waqooyi uu ka arimiyo maamulka Puntland magaalada Gaalkacyo dadkii soomaaliyeed oo wada lahaa waxay garan waayeen inay hal maamul ku midoobaan ayagoo kala dhex dhigay dadkii darbigii Baarliin ama qad cagaaran kala dhex dhigay magaalada oo nolosha labada dhinac kala xiran tahay halka midna doonayo inuu Dhuusamareeb aado midna doonayo inuu Laascaanood aado taas oo micnaha ku jira un yahay Qabiil oo aysan ahayn wax kale taana aad ka dhadhansan kartid halka soomaali kala marayso balse nasiib daro arinkaa ay ku fekereen labaduba maaha mid sharci ah ee Gaalkacyo waxay ku qasban tahay inay ama Galmudug raacdo ayadoo is wadata ama Puntland raacdo ayadoo is wadata oo micnaha isir sooca ah meesha laga saaro.

Waxaa soo haray labada degmo oo kale oo kala ah Hobyo iyo Xarardheere waxaa ayaga looga arimiyaa sidaan: Hobyo waxaa ka arimiya laba maamul oo kala ah Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug halka magaalada Xarardheere ay si buuxda uga arimiyaan Alshabaab iyo Burcad badeed hadana magaaladaan haday xorowdo waxaa sugaya maamul laba madaxweyne lahaa wallow alaha u naxariistee mid ka mid ah uu geeriyooday madaxweynayaashoodii laakiin hada waxaa jooga Gabar Madaxweyne ka ah Maamul la yiraahdo Xaradheere State.

Runtii waxaa halkaa ka dareemi kartaa faa’iido la’aanta qabiilka oo waayo labadaan maamul oo kala socda Hobyana kana wada taliya iyo midka Xarardheere banana jooga ka ahba,hadana aan shaqada isku lahayn waa dad wada dhashay laakiin waxaa u suuroobi wayday inay hal maamul ku heshiiyaan mida kale maamulka Galmudug isagu waxa uu ku haray halkaa oo magaca kale oo uu wato ee Gal ka ah ma soo gaaro gobolka Galgaduud,waxaase kale oo hadana ka jira Galmudug inay leedahay laba madaxweyne wallow uu Cabdi Qaybdiid si fiican u shaqeeyo waxyaabo badan oo la taaban karana qabtay laakiin hadana Cabdi Qaybdiid iyo Timikalajeex waa laba madaxweyne oo ka jira Galmudug oon qarsoonayn.

Aqristow aan ku xasuusiyee gobolka Mudug kaliya waxaa jira markii lagu daro Puntland Todobo Maamul oo kala duwan bal hadana aan aadno Galgaduud.

Galguduud

Wuxuu isna ka kooban yahay todobo degmo oo kala ah Dhuusa mareeb oo caasimada gobolka ah,Cadaado,Balanbale,Ceelbuur,Ceeldheer,Caabudwaaq iyo Galhareeri runtii gobokaan waa midka ugu dhib badan oo lays oran karo wax badan baa ka jira bal aan isla aragno inta maamul oo ka jirta.

  • Ximan iyo Xeeb
  • Alshabaab
  • Burcad Badeed
  • Ahlu Sunna Waljameeca Garabka Macalim Maxamuud
  • Ahlu Suna Waljameeca Garabka Sh Cabdi Cali Fiidow
  • Maamulka Dowlada
  • Somali Central State
  • Mareeg State
  • Ceelbuur State
  • Gal Hiiraan
  • Dooxa State

Hadaba aqristow dhamaan maamuladaan waxay ka jiraan Gobolka Galgaduud oo todobaa degmo qaar banana jog ah iyo kuwa gudaha ka jiraba waxaa jira kuwa dhexdooda laba u qaybsan sida Ahlusuna waljameeca intaa waxa ay u badan yihiin dad hal qabiil ka soo wada jeeda hadana diyaar umaaha inay midoobaan ama wax wada qabsadaan mid walbana asaga ayaa riixaya midka kale markii laga reebo Alshabaab oo ayada ka afkaar duwan arimahaas oo fikiro kale wadata  si kasataba ha ahaatee degmada ugu yar ayaa waxaa ka taliya dhowr maamul dhamaan maamuladaa markii laga reebo magaalada Cadaado oo ayada leh halka maamul oo loo yaqaan Himin iyo Heeb waxaa xataa jira qabiilo aan ayaga intaa maamul ku lahayn deegaan iyo awoodna gobolka ku leh oo waqtigooda sugaya.

Hiiraan

Hiiraan wuxuu isna ka kooban yahay shan degmo oo kala ah Baladweyne waa caasimada gobolka, Buulabarde, Jalalaqsi, Maxaas iyo Matabaan gobolkaan ayaa asna waxaa ka jira maamulo kuwaas oo kala ah.

  • Maamulka Dowlada
  • Alshabaab
  • Ahlu Suna Waljameeca oo wali labadii garab ah
  • Gal Hiiraan
  • Hiiraan State
  • Hiiraan and Midland
  • Jiinwabi state
  • Iyo Qabaa’ilo aan intaa ogolayn waqtigoodana sugaya

Runtii Hiiraan maaheen goboladii la qaybiyay laakiin fikirka ay qabaan dadkiisa waa dadka mudug iyo galgaduud ka yimaada nama soo galaan waayo waxaa na dhex maray dhibaatooyin mana aha kuwaan wali iloownay laakiin laba siyood ayaan wax ku dhisanaynaa.

Anaga gobolkayaga wali lama qaybin marka saa owgeed waxaan xaq u leenahay inaan Hiiraan ahaan u istaagno kaligeen.

Hadaan wax lamidooweyno waxaan wax ku darsanaynaa Shabeelada Dhexe.

Balse waxaa muhiim ah in laxuso in fikirkaan reer hiiraan oo dhan qabin balse ay qabaan Qabaa’ilada dega Hiiraan qaar ka mid ah kaas oo fashil ku keenay laba shir oo dowlada federaalka ah midna Muqdisho ku qabatay midna ay ku qabatay Nairobi iyo xataa waxa uu fikirkaan saamayn ku lahaa shir dhamaadkii 2011 maamulada Gobolada dhexe loogu qabtay Cadaado oo maamulka Himin iyo Heeb oo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Tiicay u qabtay kaas oo maamuladii ka qayb galay ay qaar qabeen fikirka ah inaysan waxba ku darsan Karin dadka ka soo jeeda Galgaduud iyo Mudug.

Gobolka Shabeelada dhexe asaga hada kama hadlayo waayo waxaa laysku haystaa inuu kamid yahay Gobolada dhexe iyo in kale.

Marka runtii ani waxaa ii muuqata caqabadaha horyaala way badan yihiin laakiin hadaan qaar ka taataabto.

Maamulada Galmudug iyo Himin iyo Heeb oon is aaminsanayn isna ogolayn inay wax ku heshiiyeen waxay qaybta koowaad ka tahay caqabadaha horyaala dhismaha maamul ka hirgala gobolada dhexe iyo waliba xataa kala qaybsanaanta Galmudug dhexdeeda.

Ahlu Suna Waljameeca oo ahaa dad culumo oo diinta u adeega balse dhex galay siyaasad aysan u diyaarsanayn ilaa ayagii hada yihiin dhowr firqo oon is aaminsanayn ogolayna inay wax la wadaagaan maamulada kale eek a jira gobolka ayana waa caqabad kale.

Shabaab oo heesta deegaano muhiim ah sida Ceelbuur, Xarardheere, Galhareeri, Buulabarde iyo meelo kale waa caqad culus oo dadka deegaankaa degan oo dhan malaha masiir ay aayahooda uga tashtaan.

Waqooyiga Galgaduud ooy ka arimiyaan sedex maamul oon sinaba u ogolayn inay wax wada qaybsadaan ayagoo ku kala xiran fikrado kale kuwaas oo kala ah Maamulka Dowlada, Ahlusuna waljameeca oo laba garab ah iyo Somali Central State taasna waa caqabad jirta oo aad u dhib badan.

Kala qaybsanaanta beesha degta magaalooyinka dhexe ee galgaguud iyo hiiraan una xooga badan ama maamusha Ahlu suna oo si aad u kala qaybsan ayaga iyo siyaasiintooda xitaa maamulkooda kale ee Galhiiraan oon marna aan heshiis lahayn ku saabsan sidii maamul loogu samayn lahaa Gobolada dhexe.

Hiiraan oo runtii meel aad looga kala fog yahay oo Galbeed iyo Barri u kala qaybsan oo xataa hada dowlada ay ku dhowdahay inay ku fashilanto in ay maamul hiiraan kaliya u samayso.

Hadaba maxaa horay u jiray isku day , sedex jeer ayaa laysku dayay shirar tan iyo 2011 mid ayaa lagu qabtay magaalada cadaado bishii Decembar 2011 balse aakhirkii waa fashilmay waxaana fashilayay dowladii kumeelgaarka ahayd oo markaa jirtay oo danaheeda ka dhex arki wayday iyo caqabado kale oo yaryar.

Dowladaan hada intay jirtay waxaa la qabtay labo shir ooy wada qabteen hay’ada CRD iyo wasaarada arimaha gudaha kuwaas oo midna lagu qabtay Nairobi bishii oktoober ee 2013 iyo midkii muqdisho oo asna la qabtay bishii June 2013 ayada ooy muuqato labada in lagu fashilmay sababtuna tahay ayadoon la marin wadadii saxda ahayd oo loogu talo galay waxii laga wada hadlayna aan waxba ka soo baxin.

Xalku waa side?

Anigu xalku waxaan u arkaa inuu Alle gacantiisa ku  jiro marka koowaad oo ummadaan suu assaga ugu talo galay ay marayso balse aan is leeyahay in arimahaan maraan dadka ku shaqada leh inay maamul u sameeyaan dalka haday ahaan lahaayeen Wasaaarada Arimaha Gudaha, Hay’ada CRD, Baarlamaanka IWM.

  • Inta ay arinta galin ama shir qaban inay si dhab ah u raadiyaan dhamaan waxa meesha ka jira oo markaa ee saas ugu yeeraan
  • In intaan maamul la gaarin laga hormariyo dib u heshiisiin dhab ah 
  • In sharciga dowlada ee maamul goboleedyada uu baarlamaanka si fiican u darso iskuna dayaan inay dalka oo dhan ku dhaqaan.
  • Dowladu inay isku daydaa maamul goboleedyada habka qabiilka inay ka duwdo oo deegaan u duwdo.
  • Runtii iyo xalalkale oo badan ayaa jira oo loo baahan yahay dadka caqliga u saaxiibka ah oo dhan inay ka fekeraan.

F.G. Waxaa hubaal ah dadka ku nool Bartmaha Soomaaliya inay yihiin dad masaakiin ah oo fiican diyaarna u ah in lamaamulo ooy hogaankooda adeecaan ee waxaa loo baahan yahay hogaamiyaashoodu inay la yimaadaan aragti sax ah ooy dadkooda ku hogaamiyaan ogowna inay ka danbeeyaan Gobolada kale ee dalka.

Maxamed Xaashi Cabdi
Hashi66@hotmail.com




Faallo 17 June 2021 9:53

Bashiir Cali Barre — Waxaa laga yaabaa in aad is weydiisid: "Qabyaalad, siyaasad iyo Diin gartaye dhaqanku waa midba?". Sidoo kale waxaa dhici karta inay ku cuntami waydo Qaabka ay Afartaasi isugu milmi [Qasmi] karaan, haddana, aa dhilee ila dhugo.