Qaabinta doorashada qodobbadan ha lagu qabbiro!

Faallo Bashir M. Xersi

Bishii agoosto 2018 ayaa qormo falanqayn ah oo halbeeggeedu ahaa: “TUUTAHA Formaajo TAANGIYAA xiga!” aan ku dhiraandhiriyey, in aan laga filan karin ninka sanad iyo barka uu joogay gaystay falaldambiyeedyadaa kala duwan, haddana kala daran, wax ka baxsan diririn sababteeda ay leedahay aragtida ah: Xamar oo dunta ama dulmigeyga kala doorta!

Qaabinta doorashada qodobbadan ha lagu qabbiro!

In la i la dareemo muhim ii ma ahayn, balse, in la i la garan waayo, waata hadda weli laga hadlayo wixii aan faalladaa ku sheegay ee ah; xukunboobka, mudddokororsiga iyo kelitelisnimada waana ayaandarro weyn, weliba sida aan u saadaaliyey Maxamad waa ka soo daahay, waana caqabadda ugu weyn ee hadda hortaagan.

Tan kale, bishii jannaayo 2021 ayaan qoray qormo eheed; “Formaajo ka dib ha laga fekero!” Wixii aan ku sheegay ayaa mar kale in loo dhurandoono ay tahay, maxaa yeelay, waxaan ku sheegay, in Maxamad ‘Farmaajo’ loo aqoonsado muwaadin aan dadka kale waxba dheereyn, iyadana sida tii oo kale ayey noqotay; carro bidday!

Tagto dhimman iyo tiiraanyo dhugli’ badan maayee, hadda iyo dan; waxaan qabaa, in maadaama Maxamad uu darbiga madaxa la dhacayo, ay lagama maarmaan tahay, in hadal, wararsoosaarid, shirar iyo gabayo laga gudbo, lana saaro miiska wadahallada, in inta aan la isu iman, lana kulmin dhawr arrin oo ahmiyaddeeda leh wax laga qabto, waxayna kala yihiin;

MADAXTOOYADA: waxaa lagama maarmaan ah, si loo helo wadahallo wax-ku-ool ah, in Maxamad ‘Farmaajo’ uu ka soo baxo Madaxtooyada ama laga soo saaro, maxaa yeelay, sifo, qaab ama sharciyad uu ku sii degganaan karo ma jirto, illeyn, sharci ma dhawrin, sharafna ma ilaalin intii uu madaxweynaha ahaa, hadda oo uu iska dhammeeyeyna, wuuba ka sii daray, oo xil-ku-darsiga waxaa ka sii daran, qalqalka iyo beegsiga joogtada ah ee uu dadka iyo magaalada Muqdisho ku hayo. Maxamad labo mar ayuu Muqdisho sii joogi karaa; asoo marashax ah ama soo muwaadin caadi ah; MW hore, labada marna ma ahan, in uu madaxyooyada degganaado, siyaabaha aan sare ku soo sheegay awgeed.

AMNIGA: sadarka dambe ee qodobkan hore wuxuu noo gudbinaa qodobka xiga ee amniga iyo nabadgayada, oo markii hore aan xasillooni lagu qabin, haddana waa ka sii daray, oo wuxuu dibadda keenay caqliyaddii xanuunsadeed ee takrifalka iyo amar-ku-taakleynta, oo badi dunidu aysan ku baraarugsanayn. “Odeygii maxaad ku ogeed?” “Dad cunnimo!” “Indha la’aan ayuu ku darsaday!” Ayey labadii wiil is dhaafsadeen iyagoo aabbahood iska warsanayey.

Inta aan shir iyo sheeko la gelin, waxaa lagama maarmaan ah, in amniga Muqdisho laga bixiyo gacmaha Fahad Yaasiin iyo canaasiirtiisa calooshood ama xilkood u shaqaystayaasha ah, ka dibna laga sifeeyo farihiisa, illeyn waa dad dareen, dadnimo iyo danqasho lahayn, sida taliyayaashoodu aysan u lahayn oo ay ugu horreeyaan madaxda ugu sarraysa ee xilka iska dhaammeeyey. Waa in taliska Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta loo dhiibaa saraakiil maamuus ku dhex leh bulshada sida Gen Axmed Jimcaale ‘Cirfiid’; taliyihii ciidanka Soomaaliya oo isu casilay in uu ku baraarugay argagaxa maamul ee ka soo socda taliskii takrifalka, siiba sida ay ciidanka u kala furfureen.

Weerarradii Xamar ka dhacay laga billaabo kii loo gaystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ilaa looga yimaado kuwii dhacay sanadkan tusaale, 19 feberaayo uuna u dambeeyey kii lagu weeraray Gen Tuuryare. Waxay i la tahay, in dadkii amray iyo kuwii fuliyey aan halkaa looga harin, ee hal-hal loo dabogalo, si kuwa ka dambeeya aysan ugu dhiirran in ay falal dambiyeed ku galaan awood dawladeed, xitaa haddii wax kale la waayo waa in qaab qabiil iyo gardhigasho loo galaa arrimahaa dhacay afartii sano ee la soo dhaafay.

WARBAAHINTA: waxay ka mid eheed warbaahintu meelaha uu dhibka ugu badan ku gaystay Maxamad, ee beenta, hafarka iyo buunbuuninta ka faafin jiray, ee marna dad gaar ah lagu beegsan jiray; madax, siyaasiyiin, ganacsato IQK, dhanka kalana, lagu bahdli jiray beelo iyo jufooyin aan qayb ka noqon damaca, dulmiga iyo duullaanka duminta. Dhanka kalana, marinhabaabntana laga afuufi jiray iyo indhasarcaadinta.

ILAHA DHAQAALAHA: waxaa kale oo lagama maarmaan ah, in iyadana talada lagu daro, in Maxamad uusan waxba ahayn, haddii uusan helayn lacagta canshuur ahaan looga qaado Muqdisho, marka haddii aysan ganacsatadu gadood samayn karin, waa in la helaa, hoggaan kale oo ku garabsiiya, in ay iska diidaan in ay Farmaajo siiyaan lacag uusan mudnayn masuulnimadeedana lahayn.

Afartan arrin oon meel la saarin, haddii shir ama kulan la isugu yimaad, waxaad ogaatiin, in wax walba oo ka soo baxaa aysan fulidoonin, haddii aan ka hor Farmaajo lagu qasbin, (ogaada hadduu rabo murashax wuu noqon karaa) in uu xilka ka tago, ma ahan in uu ka dego, illeyn qofka ka dagaya waa kan hab sharci ku joogee, balse, kan ka tagaya waa isaga oo kale, maxaa yeelay, inta uu madaxtooyo sii deggan yahay, amnigana gacanta ku hayo, warbaahintii dawladdana haysto, dhaqaalaha dalkana maamulayo, waxaa hubaal ah, inuu xadgudubka iyo dulmiga, dhanka kalana daandaansiga iyo farafaraynta uusan deyndoonin.

Xalku ugu wacan waxaan qabaa, in madaxda maamullada dalka oo ah caaqibada keliya ee jiri karta Farmaajo ka dib, qaarkood boob haba ku yimaadeene, Madasha Murashaxiinta Madaxtinnimo, Madasha Badbaado Qaran, Guddiga Qaran ee doorashada iyo Ururrada Rayidka ah, iyagoo kaashanaya qaybaha kale ee bulshada, in si wadajir ah bulshada looga dhex-xulo shan qof ama tiro isdheer ah, oo aqoon iyo lagu xushay hufnaan, si ay dalka uga saaraan marxaladda KMG iyo kalaguurka uu galay, oon iska dabawareeg dheer loo gelin iyo tiih aan laga dhammaan.

Anigu waxaan soo jeedinayaa dhawr magac oo aan bulshada ka soo soocday, kuna doortay maqaamkooda iyo magacooda waxayna kala yihiin;

  1. Dr Maxamauud Maxamad Culusow
  2. Danjire Abukar Arman
  3. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar

Anigu intan ayaan xushaye, adigu in kale oo tiro isdheeri ah ku dar ama kuwo ka duwan intan noo door, si aan xal ugu helno xaaladda murugsan ee la gelidoona qaarkeedna lagu jiro, ogowna xal raadinteeduna waa mid qof walba oo naga mid ah deegta u suran, marka ha yaraysan in aad talo ku darsato toosinta ayaankaaga iyo aayaha ubadkaaga.

Soo dhawaada; guusha, garasho iyo geesinnimo ayaa gun u ah.

Bashiir M. Xersi




Faallo 11 October 2021 21:53

Hogaamiyaha sida wanaagsan u fikira, waa kan isku hareereeya, dad isaga ka caqli, karti, aqoon iyo khibradba badan, oo dhankasta kala taliya. Sida muuqatana raysalwasaare Rooble sidaa ayuu sameeyey.