Qeybta 1aad

Qabiil, Qaran laga dhigay!

Faallo Keydmedia Online

Ibrahim Cabdi Geele — Shucuubta Dunida kuwaba meel baa looga dhagan yahay, laakiin inta badan maka warbaqaan halka looga dhagan yahay, kuwana waa ogtahay, sidaas darteed ayaa Dunida qaarna mushkiladdooda u xaliyaan kuwa kale illaa hadda ay musiibooyin kala duwan oo aan dhamaad lahayn ayagu is dhaxal siiyaan, sida Soomaalida.

Qabiil, Qaran laga dhigay!

Is dhaxal siiyaan oo Jiilka midka ka dambeeya Aabahii iyo Hooyadii ka dhaxlayaan xanuunka, illaa ay marka dambe nolosha caadiga ah ee dhulkaas ay ku nool yihiin laga qabatimo oo ugu dambaytii dadku nabadda wax la yiraahdo ay dhibaato u arkayaan, ayna noqdaan kuwa khayrkoodu yahay Hoog iyo Halaag, iyo xanuun joogta ah. Ugu dambayntiina maskax ahaan ayey waxay noqdaan dad u qariban oo aan la faham siin karayn daganaanshaha iyo nolosha caadiga ah ee benu aadamka ku nool yahay.

Soomaalida aan ka dhalanay waxaa haysta mushkilado kala duwan oo aysan garanayn sida loo xaliyo, waxaad moodaysaa inay la shaqeeyaan shayaadiinta Illaahay Nacladay ee Illaahay Hortisa ka balan qaaday in dunida ay fasahaadin doonaan. Markaan sidaas leeyahay waxaad arkaysaa in Ninka Soomaaliga ah uusan jeclayn inuu ka run sheego wuxuu aaminsan yahay. Tusaalayaasha aan hayno waxaa ka mid ah in diinta Islaamka iyo qabiilka iyo Lacagta iyo Sumcadda ay kala weyn yihiin wax kasta oo uu Qofka sameynayo Xaraan ama xalaal been ama run, hadba midda uu danahiisa gaarka ah ku gaarayo.

Diinta Islaamka ee illaahay soo dajiyey waxaa loogu tala galay shaqsiga inay ka leexiso halista iyo mushkilada, waxayna Benu-aadamka faraysaa in lays badbaadiyo oo dhiiga iyo xoolaha benu aadamka leeyahay laga fogado cid ay ku waajibtay oo ay diinta u fasaxday mooyaane.

Diinta iyo Qabiil?

Shaqsiga Soomaaliga ah ee kunool Geeska Afrika wuxuu 70% ka badan aaminsan yahay in Qabiilka iyo Diinta ay u weyn yahay Qabiilka oo Diinta uun laga yahay maqaar saar oo marka la doonayo in la hadlo hadalka lagu quruxsado ee in lagu dhaqmaa ay tahay waxaan u dhaween ayaga, waxyaabaha aan ku caddaynayo waxaa ka mid ah in shaqsi aad ka sheekeysataan arimaha diinta oo uu ku yiraahdo aniga Qabali maahi ama Dof diinta ku fiican ayaan ahay, haddana uu u fahmo in Diinta la sheegayaa ay reer tahay oo qolada uu ka dhashay qalad iyo sax in lagu difaaco ay tahay, waxyaabaha aad la yaabayso waxaa ka mid ah, kala qaybinta Guurka ku dhisan QUURSIGA, Itaal sheegashada qabaa’illaadka laga Tirada badan yahay, dhaca iyo Kufsiga aan kala sooca lahayn ee lagu qaato nidaam dowladnimo ama mid jabhadnimo, laguna Boobo.

Waxaan jeclahay inaan cidna loo sheegeyn, in wiil dhalin yaro ah uu dhaco u geysto qof benu aadam ah oo uusan ka qabanayn walaalkiis oo wadaad ah ama ina adeerkiis oo wadaad ah, ama tolka uu ka dhashay oo culima ka buuxdo, oo khaladkaas wax ku ciqaabo laga waayo qabiilka ama tolka uu ka dhashay. Laakiin marka qabiilka dagaal ama colaad la galo loo dhimanayo oo Sax iyo khalad midna la eegayn kumanaan qofood ku dhimanayaan oo safka dagaalka ay galayaaan rag badan. Awoodaas dagaalka lagu galayo waxay ahayd in lagu hirgaliyo kala dhicinta dadka iyo gefka loogu geysanayo qaybo ka mid ah bulshada nool ee lagu dhibaateeyey qabiilka.

Guurka wuxuu ahaan jiray sifooyin taariikh dheer ku dhex leh bulshada dhexdeeda, haddana wuxuu leeyahay kala sarayn aan diini ahayn, oo lagu Yasayo soomaali badan oo Muslim ah cilimo iyo Caamaba lahayd, oo la leeyahay nama gaysid ayadoo uusan illaaahay SW uusan jidaynin. Ayadoo ay Taasi jirto ayaa haddana waxaa soo baxday in sheekadu isu badasho Lacag iyo ninka xoola haysta inuu micna leeyahay.

Xoolaha iyo Qabiilka

Inta badan kala duwanaanshaha Ummadaha dunida waa jirtaa oo taariikhiyan wax lala yaabo maaha, ayadoo ay sidaas tahay haddana diimaha samawiga ah ee illaahay Ummadda ugu nasteexeeyey ayaa meesha ka saaray, oo jideeyey sifaha sharciga ee kala saraynta in ay tahay uun sida Illlaahay SW loo caabudo oo ka dhigan in Cibaadada lagu kala sareeyo, ee dhamaan wixii ka soo haraa aysan micna lahayn. Waxaa kaloo ay diinta na faraysaa in lagu kala sareeyo waxaan Cibaadada iyo ku dhaqan diina ahayn in Cuqubaad laga helayo oo laga dhaxlayo Musiibo aan dhamaanin, ee gaartaysa Jiilal badan.

Guurka ayeynu ku jirnaaye, beryihiin hore waxaa qabaa’illaadka qaar lagu yiri laysma Guursado, laakiin beryihii dambe ee ay dagaalada soomaalida dhex maray dhacayeen waxaa laga dhaxlay in waxkastaba ay Lacagta ka weyn tahay, waxaana soo baxday Gabdho iyo wiilal laysu diday inay isku guursadeen qurbaha iyo dalka gudahiisana, oo dhamaan sheekadu isu badashay LACAG ninkii leh ayaa NASAB ah.

Ayadoo ay taasi jirto, ayaa dhanka siyaasadda markad ka eegto haddana ay noqotay qabiil iyo qaran keebaa asal noqonaya oo Ummadda u dhaxayn kara, haddana mas’alo kale oo xuja ah ayey noqotay, madaamaa Tii Guurka lagu xaliyey lacag, oo dumarkii iyo wiilashii is jeclaa ee isma geysaan la yiri hadduu wiilka lacag yeesho ama gabadhu yeelato Guurka uu ansaxmayo, haddana waxaa wali taagan dhankii siyaasadda, oo markaad dib u raacdo lafteedu kuu muuqanaysa in qabiilku asal yahay.

Qaran iyo Qabiil

Qabiil waxaa qolo uun, mana u dhama bulsha meel ku wada nool qabiil kaligiis, qabyaaladuu ma xumo haddii lagu xeerinayo dhanka wanaagsan, oo aan dulmi lagu sameynayn oo dhismo iyo Horumar laysugu faanayo,ama loogu tartamayo Horumarka,  intii dhiig iyo mushaakilaad lagu abuuri lahaa. Dabeecadda dilka iyo musuqa uu ku leeyahay bulshada waxaa keenaysa ku xirnaan la’aanta Illaahay subxaanahu watacaalaa oo aan diintiisa iyo sharciga uu benu aadamka u jeediyey oo aan si waafi ah loo raacin.

Waxyaabaha ka dhigaya in qolo ka mid ah dadka ay isku haysato Atoore ka fiican kuwa kale waxaa keenaya jaahilnimada iyo cilmi la’aanta haysata, iyo garowsha la’aanta qayabka shaqsiga aadamiga ah, Muslim ama gaal cidda uu doonaba ah noqdee.

Qaran marka la sharacayo waxyaaba la soo qaato waxaa ka mid ah Dhul, dad iyo Calan, ama Calaamad lagu aqoonsado Ummad meel ku nool, taasi ayaana kuu sheegaysa in qabiil uusan noqonayn Qaran, waayo haddii dad oo kaliya lagu soo koobay  Sifaha qaranka,  ee aan la dhihin qabiil oo waliba ay sidaas qabaan dadka aan diin Islaam lahayn ee gaalada ah, waxay taasi ku tusinaysaa in ummadda ku dagaalamaysa qabiilka ee Islaamka ah aysan xeerinayn shareecadda islaamka.

Taasina waxay hormuud u noqonaysaa in Ummadda oo dhan ku dhacdo ceel aan laga soo baxayn oo benu aadamka waligiis ku jirayo illaa laga helo caddaalad ku salaysan diinta Islaamka iyo is xaq dhowr, iyo towfiiq u dhaxaysa ummadda dhexdeeda, iyo in shaqsiya Hogaanka hayaa uusan qabiil kula noqon hogaan ka dhaxeeya ummadda Islaamka ah ee ku nool meesha uu mas’uulka ka yahay.

Laga soo billaabo 1960 Ummadda Soomaaliyed waxay marba ka qaylinaysay arin aysan jeclahyn, inkastoo ay kala duwanayd kalana xanuun badnayn, benu aadamkuna wax qanciya aysan jirin, dowladihii la soo dhaafay waxay midkastaba ku eedeystayn, Marna Musuq Baahsan oo aan kala sooc lahayn sida xukuumaddii cabdirashiid Allaha u naxariistee iyo Kacaankii logooyo ee Musuq iyo qabyaalada heerka ugu saraysay gaarsiiyey.

Wax ku qaybsiga qabyaaladda waxay ka dhigan tahay shakiga ah dhaqaale ku raadis kursi ummad ka dhaxeeya oo  qolada ninka Mas’uulka ah uu ku naas nuujinayo, arintaas ayaa keentay in Ninkastaba yiraahdo aniga Lugta ha la ii galiyo reer Hebel baan ahayn, illaa laga soo gaaro kan ugu yar iyo ka ugu weyn inay mar qura la soo boodaan reer hebel baan nahay waxba nala ma siinin waan diidnay, taasoo qarankii soomaaliyeed oo dhan ka dhigtay meel saami share ah lagu kala qaato oo kale, oo cidda dhabta ah ee leh meesha aysan joogin.

Maxaa yeelay ninkastaba hadduu ku dhawaaqo aniga hadii aan boos waayo ma yeelayo, talada dalkuna aysan wada qaadin 20 Milyan ee Soomaaliyeed oo ku nool geeska Africa, maxaa noqonaya qaran sideese macquul ku noqonaysaa in malaayiin qofood wada noqdaan madax iyo maamul dowli ah. Ma dhacayso wax soconayana maaha dhamaana waxaa u asal ahayd wixii na soo maray ee qabiil xuquuqdiisa lagu qaatay Hogaanta talada dalka.

Waxaad tan iyo inta ay Burburtay dowladda Soomaaliyeed ee Kacaankii waalnaa Hogaanka u hayey, waxaa soo baxaysay in dad badan ay leeyihiin khaladbaa layga sameeyey, xoola la kala qaatay iyo dhul lagu kala wareegsaday sifo sharci ah laakiin awood dowladeed oo qabiil huwan ka dambaysay, taasoo keentay kacdoonadii dalka ka dhacay, ugu dambayntiina na dhigtay meesha ay manta Soomaali joogto.

Ibrahim Cabdi Geele
Ibraahim waxaa kala xiriri kartaa E-Mailkan: jinniishumi@gmail.com




Faallo 11 October 2021 21:53

Hogaamiyaha sida wanaagsan u fikira, waa kan isku hareereeya, dad isaga ka caqli, karti, aqoon iyo khibradba badan, oo dhankasta kala taliya. Sida muuqatana raysalwasaare Rooble sidaa ayuu sameeyey.