Qoor-Qoor qiyaano joojin maayo ilaa qiyaamaha!

Faallo Keydmedia Online

19 bilood oo u diganta 86 Isbuuc ama 605 maalin, ayaa laga joogaa, 2 February 2020, markaas oo magaalada Dhuusamareeb lagu doortay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kadib doorasho gacan ku rimis ahayd oo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin garwadeyn ka ahaayeen.

Qoor-Qoor qiyaano joojin maayo ilaa qiyaamaha!

Waa ku dhawaad labo sano, oo dadka iyo degaannada Galmudug aysan matalaad siyaasadeed helin, waa in ka badan Lix boqol oo maalmood oo dullinimo iyo darxumo ku noolaasho ah, waa maalmo dib u socod iyo dibin-daabyo ku suntan, waana ayaamo dadkii qabka u saaxiibka ahaa Qoorqoor sababay in la quursado.

Sida la sheego, horraantii 1900, ayaa nin doqonnimo iyo sawirnimo uu isku darsaday awgii lagu sooci jiray, ka soo baxsady miyiga fog, wuxuuna soo galay magaalada, kadibna waxaa caleellinimadiisa ku baraarugay shisheeyihii dalka joogay, waxayna go’aansadeen in ay dadkiisa u adeegsadaan, si qofkii iyaga ka hor yimaada uu gacantiisa ugu dilo, garaaddo ayay u xireen in aan wiil ka horreyna waa u sheegeen.

Gabbood-fallo iyo jarriimooyin aad u foolxun ayuu dadkiisa u geystay, isagoo meel marinaya danta shisheeyaha soo duulay, maalintii danbe, ayaa nin oday ah abwanna ah, oo aqoon fiican u leh, ogaana in xitaa aan waxaraha la raaci jirin arkay isagoo garaaddo ku tixan yihiin oo gabdho uleynaya, markaasuu yiri;

Allahayow muxuu Faranjigii doqon fariideeyay

Muxuu feyda-laawiyo nin raga faylka wada joojay

Muxuu nimaan aabihii fuuli jirin faras u heenaadshay

Axmed Qoorqoor, wuxuu ka mid yahay Saddex Madaxweyne, oo Fahad iyo Farmaajo, ay kuraasta u boobeen, si dadka ay hoggaanka u yihiin afka cag uga saaraan, kadib markii ay ogaadeen in ay yihiin, hanfyo aan halna ogayn, waligoodna aan waxar la raacsan, waxa ay si fudud ugu meeriyeen qeyb yar oo ka mid ah gabaygii AUN Abwaan Cabdulle Raage, ee ahaa;

Xoolaha tii irmaan iyo egerta ii keena

Dhulka meeshii ugaabdiyo ubaxa ii keena

Idinkuna obosiibada qaata waad u qalantiine

Waxaan middaas uga golleeyahay, Qoorqoor, wuxuu maamulka uu hoggaanka u hayo, gaar ahaan qabiilka uu ka dhashay ee Habargidir iyo Hawiyaba, ka doorsaday wiil argagixiso ah, (Fahad) oo aan hal tuulo ka dagin Soomaaliya iyo wadaad kursi madax maray (Farmaajo) oo aysan jirin cid uu qiimo maanta ugu fadhiyo dal iyo dibadba, waqtigiisina dhamaaday todobo bilood iyo 21 maalin ka hor.

Inkastoo waaayihiisa Galmudug uu ku bilaawday furfurnaan, iyo isku soo dumidda dadka reer Galmudug, Musarixiintii uu kuriga ka boobayna uu la heshiiyay, mucaaarad-kiisina ay ka soo muqdeen Golahiisa Wasiirrada, hadana ma jiraan ififaalo intaas ka buuran oo marnaba ka muuqday mustaqbalka madow Qoorqoor.

Kadib xoog iyo xeelad ku muquunintii Maamulkii Ahlu-sunna, Qoorqoor waxaa u suura gashay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee Galmudug soo mara oo aan wajahin maamullo iska garab dhisan iyo warqado la iska soo daba saaro oo is qilaafsan, furasaddaas qaaliga ah Qoorqoor kama faa’iideysan .

AMNIGA

Sida cad xaaladda amni ee Galmudug waxa ay mareysaa halkii ugu liidatay muddo dhowr iyo toban sano, Kooxda Al-Shabaab ayaana dib ula wareegay degaanno laga sifeeyay waqti hore, ma jiro how-gal xooggan oo maamulka Qoorqoor qorsheeyay, si looga hor tago argagixisda ku sii xoogeysaneysa dhulka Galmudug.

Qoorqoor, wuxuu Farmaajo iyo Fahad, u fududeyay in dhallinyarada, maalka iyo gaadiidka dagaalka Habargidir, lagu dhameeyo koofurta gobolka Mudug, kadib markii uu ogolaaday  howl-galkii ujeedadiisu ahayd, han-jabinta ee uu hoggaaminayay Gen: Biixi, kaas oo doonayay in khaarijiyo shaqsiyaad ay ka mid ahaayeen Axmed Macalin Fiqi iyo Saadaq Cumar Xasan (Joon).

Halka ay gaartay xaaladda amni darro, waxaa go’id ku dhow isku socodka qeyb ka mid ah magaalooyinka maaamulka Sida Guriceel iyo Dhuusamareeb, oo ah magaalooyin ku dhawaad 15 sano aan Al-Shabaab looga cabsan.

Kaliya amnidarradu ma ah midda Al-Shabaab, ee tan iyo markii Qoorqoor la doortay waxaa hawada isku shareeray oo cadda sare gaaray hurinta dagaallo u dhaxeeya beelaha daga Galmudug, waxaa meel kasta ka jira xasarado iyo xiisado aan xisaab lahayn, aanooyin qabiil aa ayaa meel kasta ka aloosan, wax uu ka qabtay oo dib u heshiisiin ahna ma jirto.

SIYAASADDA

Ku dhawaad labadii sano ee la soo dhaafay Siyaasadda Galmudug, waxa ay ahayd mid silicsan oo saxariir dilatay, sakaraad sariir saran ayaana lagu sunti karaa, Qoorqoor, wuxuu miisaankiisa siyaasadeed oo dhan uga tanaasulay Madaxtooyada Soomaaliya, taas oo karti la’aantiisu u fududeysay in ay si buuxda Kooxda Farmaajo u maamushaan Maamulkiisa.

Wuxuu Fahad iyo Farmaajo, garab ku siiyay gabbood-falladii ay gayigiisa ka geysteen, wuxuuna kalaan ka oran waayay falalka guracan ee ay ilaa manta falkinayaan, wuxuuna wali rumeysan yahay in uusan jirin boqor aan Fahad ahayn.

QIYAAMADA

Qoorqoor, dadka yaqaanna waxa ay sheegaan inuu yahay, qof aan ballan lahayn, saaxiibninimo aqoon, dan qaran iyo mid maamulna aan maalin ka shaqeyn, waxa ku tilmaamaan nin dantiisa fiirsada, si tiisu ugu meel martana xitaa is dulleyn kara inta cimrigiisa ka dhiman.

Qoorqoor, wuxuu can ku noqday waxa loo yaqaan dhexdexaadinta madaxda, hayeeshee, uu guuxa shacabku ku suntay (Dallaalnimo), wuxuu Dhuusamareeb uga soo kicitimay billowgii bishaan si uu u hor istaago dadaallada uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ku raadinayo cadaaladda kiiska Ikraan Tahliil.

Wuxuu u qalab qaatay walina u kooreysan yahay in RW Rooble, uu dib u celiyo Amniga dalka iyo hoggaanka Doorashooyinka, oo billowgii May 2021, lagu wareejiyay kadib markii Ciidamadii Badbaado Qaran ku dhawaadeen in ay soo xiraan Farmaajo iyo shaqsiyaadka la safan.

Wuxuu u geyfan yahay oo uu doonayaa inuu ka dullaalo, in Ra’iisul Wasaaruhu, uu ka tanaasulo awooddiisa, isla-markaana uu Farmaajo u daayo maamulka Xukuumadda, (Golaha Wasiirrada) iyadoo lagu tumanayo dastuurka dalka u yaalla.

Qoorqoor, waa Madaxweynaha, waqtiga ugu badan ku qaatay Caasimadda Soomaaliya Muqdisho, marka loo eego Madaxweynayaasha maamullada kale, wuxuuna noqday hoggaan aan ka warqabin degaannada uu hayaanshaha u yahay oo daranyo iyo dandarro dilay.

XALKA

Siyaasiyiinta, hoggaanka dhaqanka, culimada, dhallinyarada, haweenka, iyo guud ahaan qeybaha kala duwam ee beeshe Habargidir, waxaa laga doonayaa in ay Qoorqoor u yeeraan inta uusan ka bixin Muqdisho, isla-markaana ku qasbaan inuu warbaahinta la hadlo mowqifkiisa caddeeyo, sida Madaxweynaha Puntland, waa inuu umadda Soomaaliyeed u sheego in cidda masuulka ka ahayd burburka wada-hadalladi uu garwadenta ka ahaa.

Qoorqoor, waa in loo dhiibo waraaq ay ku qoran tahay maslaxada dalka, iyo degaanka uu matalo, waana in loo sheego in uusan ka hor imaan karin Ra’iisul Wasaaraha laguna qasbo in uu la shaqeeyo Xukuumadda Xil-gaarsiinta, bannaankana ka maro eedeysanayaasha dacwada ka dhanka ah maxakamadaha caalamiga ah loo gudbiyay ee Farmaajo iyo Fahad.

Haddii uu intaas iyo inta kale ee wanaagga ah diido, waa in uusan cagaha dhigin ciidda Galgaduud iyo Mudug, waa in Dhuusamareeb, Cadaado iyo Gaalkacyo, uusan mar kale ka talin, waana in si degdeg ah hoggaan cusub loogu sameeyo Galmudug.

Guuleed Faarax -  KEYDMEDIA ONLINE 




Faallo 11 October 2021 21:53

Hogaamiyaha sida wanaagsan u fikira, waa kan isku hareereeya, dad isaga ka caqli, karti, aqoon iyo khibradba badan, oo dhankasta kala taliya. Sida muuqatana raysalwasaare Rooble sidaa ayuu sameeyey.