Rooble la ma rumeyn karo!

Faallo Bashir M. Xersi

Aan ku billaabo, inaan marka hore bogaadiyo; qof, qolo ama urur walba, ee KELITELISNIMADA Maxamad Farmaajo ku diidday; af, aragti, addin ama uur, anoo shuhaddadii ku naf waayey jannadii u baryaya, lehna halganku ma dhammaane yaan la is dhigan, haraadigii halaaggu weli hoteellada ayey idiin jiifaan, ee yaan laga harin.

Rooble la ma rumeyn karo!

Ka dib, qof han leh ayaa halgama. Dhimaalka dhacay iyo dhibaatada taagan xooggeeda waxaa u sabab ah, in RW Maxamad Xuseen Rooble uu garan waayey ama geyn waayey kaalintiisa guddoon iyo go’aan ee ku aaddan xukuumadda fulinteeda, xukunka dalka iyo xilkasnimada dadnimo, oo saddaxduba ka maqan hankiisa qofnimo, hoggaamintiisa maamul iyo hagidda harjadka loollaneed ee liidnaantiisu ay dhalisay dhabarjabka taagan.

Marka anigu waxaan qabaa, inaan Rooble la rumeyn karin, maxaa yeelay, marka laga soo tago sida uu uga qoorbixi karo ama uga lugfuran karo kooxdii xukunboobka rabtay ee hungowday, haddana, waxaa jira dhacdooyin la fuliyey intii uu RW ahaa, oo mar ka dhigaysa qayrumasuul, marka kalana adeege aan aragti, abbaar iyo arrin midna lahayn, oo saddaxduba aan lagu rumaysan karin.

Waxa ugu weyn ee aan lagu rumaysan karin waxay tahay, sida uusan u baajin xadgudubyada, takrifallada iyo duullannada dulineed, ee ay faleen kooxdii hororka eheed ee ay mar ku weerareen hotel ay degganaayeen madaxweynayaal, mar kale ku xabbadeeyeen bannaanbax ay horkacayeen RW isaga ka horreeyey, wasiirro hore, xildhibaanno isku jira, madax kale iyo bulsho nabadeed, ka dibna lagu xijiyey kii lagu damcay in lagu weeraro Saadaq Joon, oo ka horyimid damacooda waalan, laguna qatimay; waarerkii lagu qaaday guryaha; madaxweyne hore Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Intaa oo dhib dhacay, dhammaan waxay dhaceen Rooble indhihiisa oo shana, waxaana dhici karta, in qaarkood uu wax ka ogaa ama xogtooda hayey, haddana, midna ma hor-istaagin, iskama beri yeelan mana u dad badsan si loo baajiyo, ilaa haddana, ka ma hadal.

Qawrumasuulnimo ka weyn ma jirto, in magacaaga rag kale ku adeegtaen, kuuna gaaraan go’aanno waxyeeello lagu gaysanayo, haddana, aad sidaa uga aamusnaato, haddana aad weli la soo indhacaddahay waxaan qabanayaa wixii aan garan waayey ama gudan waayey inta aan mashaqadu dhicin, oo ma hadda ayaad qabanee wixii ay eheed inaad qabato maalintii lagu magacaabay ilaa maanta? Goormaa beer lafo yeeshay? Qofkaa si loo rumeysto ma garan karo.

Midda aan tan ka yarayn waxay tahay kala qaybinta uu ku kacay jannaayo 09, 2021, ee uu ku iclaanshay in dalku aaday doorasho, lagana qabandoono saddax maamul goboleed (GM, HSH iyo KG) iyo Banaadir keliya, iyadoon loo joojinayn maamullada Puntland iyo Jubbaland, oo iyagu ahaa awoodda keliya ee hortaagneed inta ay jirtay madaxnimada Farmaajo, een lagu kala bixin qori caaraddii, illeyn shalayba waxa lagu tixgelinayey waxay eheed madaxweynimada ee cid ama qof uu ka awood badnaa ma jirine.

Sidee ku dhici kartaa, qof xil haya inuu oggolaado kala geynta dalkan kala oodan, haddana uu qayb ka noqdo kala fogeynta dadkan kala fiigsan? Anigu waxaan qabaa, in tallaabadaa qaanuun ahaan loo fiirin karo, maxaa yeelay, wuxuu qatar weyn geliyey dillaacinta xuubkii caaro ee la isku dhejinayey.

Middan waxaan ka hanqaar yarayn, hanyarida ku jirta iyo sida uu u noqday loox meel la suray, ee keliya marka loo baahdo la dhaqdhaqaajiyo, si loo muujiyo, inuu jiro. Wixii dedaal loo galay, in la helo hannaan doorasho intii uu RW ahaa Rooble, yaa yaqaan miduu ka qaybgalay oo uu wadajir ugula joogay qolyahan lagu sheego saamileyda siyaasadda, ee ah; MW, Guddoomiyayaasha labada gole, madaxda maamul goboleedyada iyo kan gobolka Banaadir? Markii dedaal la muujiyey, ee loo ballanshay Midiwga Murashaxinta waxaa lagu kala tagay midda uu hadda leeyahay waan qaatay oo waan fulaa, oo ah: war heedhe; xilkan adaa lehe gudo, oo hannaanka doorasho ninka xilka iska dhammeeyey kala soo wareeg! Wuxuu yiri: ani keligey waxba ma goyn karo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur weydiiya waxa uu dareemay habeenkaa!

Rooble oo intan iyo ka badan ka gaabshay ama garabmaray, sidee looga rumaysan karaa, inuu maanta na yiraa: waxbaa la igu wareejiyey ee kaalaya igu dabafayla? Maangal ama suuragal ma ahan, ee ninkaa yuusan idin hodin, amminna idinka lumin, ee arrinka doorashada, ha loo saaro guddi madaxbananan oo heer qaran ah lagana xishay xulka aqoonyahanka iyo indheergaradka Soomaaliyeed, oo iyagu ka talobixiya qaabinta iyo qabanqaabada doorashada ay lagama maarmaanka tahay inay dhacdo bilo gudaheed, oo daaheedu keenayo dhib hor leh.

Bashiir M. Xersi | Balog; bilediraac




Faallo 13 July 2021 17:58

Waayeelku waa weelka iyo keydka nolosha laamaheeda ka la duwan, siiba middeeda maan iyo maskax, xis iyo xusuus, oo dadka waaweyni ay ku hayaan laabtooda, iyaga oo ku daraya u jooggooda nololeed iyo waaya'aragnimadooda qofeed, oo isku noqon wixii waa fog jiray, oo lagu qabtay waxa maalmahan taagan.