Shirka Dhuusamareeb ma xalin doono Ismari waaga Siyaasaddeed ee dalka 

Faallo Mohamud M Uluso

Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Farmajo ku boorisay badbaadinta Soomaaliya in ay ku xiran tahay doorasho daahfuran, laakiin nasiib darro, Odoroska wuxuu yahay in natiijada shirka Dhusamareb noqon doonto ismari waraa ay ka dhalan doonto qalalaase siyaasadeed iyo in aan dalka ka dhici doonin doorasho heshiis lagu yahay. 

Shirka Dhuusamareeb ma xalin doono Ismari waaga Siyaasaddeed ee dalka 

Wakiillada Beesha Caalamka oo muddo dheer ka walaacsan sharcidarrada xukunka dowladda federaalka Soomaaliya ku sugan yahay kaddib markii lagu fashilmay qabashada doorashada Barlamaanka Federaalka-11 ka hor dhammaadka muddo xileedka Barlamaanka Federaalka-10 oo ku ekeyd 26 Disember 2020, iyo dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmajo oo ay ka harsan tahay 8 maalmood, kuna eg 8da Febraayo 2021, isla markaa arkay inaan dheg jalaq loo siin baaqyadii isdaba joogga ahaa ee ay marar badan soo saareen, u caddaatay qaska iyo hagardaamada Madaxweyne Farmajo ku hayo masiirka Ummadda Soomaaliyeed iyo mustaqbalka madow ee Soomaaliya ku socoto, waxay 30ka Jennaayo 2021 shir weji ka weji ah kula yeesheen Madaxweyne Farmajo Madaxtooyada Villa Soomaaliya si ay ugu sheegaan tallaabooyinka loo baahan yahay inuu degdeg ugu qaado, si doorasho xor iyo xalaal ah loo qabto, loogana baxo xaaladda murugsan oo u horseedi karta Soomaaliya qalalaase siyaasadeed iyo mid nabadgelyo.

Farrinta Beesha Caalamka waxay aheyd inuu shir isugu yeero Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo ka kooban Madaxweynaha DF iyo Madaxweynayaasha DG iyo Guddoomiyaha Gobolka Benadir. Muddo 3 bilood ah ayuu Madaxweyne Farmaajo ka cagajiidayay shirkaas si looga wada hadlo xallinta khilaafaadka la xiriira hirgelinta hannaanka doorashada dib uga dhacday waqtigii lagu tala galay oo ahaa 27 Nofember 2020, taaso abuurtay xaaladda sharcidarro ee Xukunka Dowladda Federaalka Soomaaliya ( illegitimacy of the federal government).

Shirka Madaxtooyada ka dhacay kama qaybgelin Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Amniga, Wasiirka Maaliyadda, Wasiru Dowlaha Xafiiska RW ee loo xilsaaray dardargelinta doorashada, kuwaaso ku shaqo leh hoggaaminta howlaha doorashada. Waa sharcidarro iyo ku xadgudub dastuurka kmg iyo nidaamka JFS in Madaxweynaha JFS kala hadlo Beesha Caalamka arrimaha doorashada ayadoo aysan goobjoog ka aheyn Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

War xogogaal ah wuxuu sheegaya in Madaxweyne Farmajo ku cawday Wakiillada Beesha Caalamka, una sheegay inuu tanaasul badan sameeyay, taaso xaqiiqada ka fog, isla markaana dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbed iyo Gobolka Benadir taagersan yihiin, haseyeeshe Puntland iyo Jubbaland caqabad ku yihiin qabashada doorashada. Ma tixgelin mowqifka Mucaaradka iyo Bulshada Ra’yidka oo marar badan ka hadlay xallinta khilaafaadka dabadheeraday ee hortaagan qabashada doorasho daahfuran, nabad ah, waqtigeeda ku dhacda, xalaal ah. Waxaa kaloo Madaxweyne Farmajo u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in Soomaaliya tahay dal madaxbannaan, asaguna u taliyo, raalli ka aheyn warmurtiyeedka isdabajooga ah ee ka soo baxaya Xalane (saldhigga Wakiillada Beesha Caalamka). Wuxuu Wakiillada Beesha Caalamka ka dalbaday inay taageraan qorshaha doorashada DF wado, isla markaana aammaanaan guulaha DF dalka gaarsiisay.

Shirka kaddib oo ku dhammaaday maamus xumo iyo go’aan la’aan, waxaa Villa Soomaaliya soo saartay hadalqoral ( Readout) lagu marin habaabinayo ama lagu inkirayo ujeedada shirka, laguna buunbuuninayo fikirka, dareenkeeda, iyo qorshaha gurracan ee Madaxweyne Farmajo iyo kooxda N&N.

Hadalqoralka wuxuu sheegaya in DF diyaarisay dhammaan wixii looga baahna qabashada doorashada, loona sheegay Wakiillada Beesha Caalamka inay taageraan “qabashada doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa horu-socodka dowladnimada Soomaaliya.”

Madaxweyne Farmaajo wuxuu bogaadiyay dadaallada “Xukuumadda” ku “xaqiijineyso” qabsoomidda doorashada, wuxuuna Xukuumadda faray inay sii ambaqaado qorshayaasha lagu hirgelinayo doorashada, taaso macnaheedu yahay in hadallada Beesha Caalamka iyo Shirka ka dhici doona dhuusamareb aysan wax ka soo qaad laheyn.

Hadalqoraalka wuxuu sheegaya in Wakiillada Beesha Caalamka bogaadiyeen tallaabooyinka loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashada, ayna caddeeyeen inay garab taagaan yihiin dadaallada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku bixinayaan qabsoomida doorasho loo dhan yahay. Hadalkaas wuxuu daaha ka qaadaya in Wakiillada Beesha Caalamka kala hadlayaan, munaafiqiin yihiin ama laga been sheegayo.

Hadalqoraalka Madaxtooyada marna ma sheegayo ismari-waa iyo khilaafaad ka taagan hirgelinta hannaanka doorashada dadban oo muddo dheer soo jiitamayay iyo in la rabo in hirgelinta doorashada dadban ay waafaqsanaato heshiis iyo wadatashi joogta ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka ka dhexeeya.

Mar kale, saacado kaddib, Madaxweyne Farmajo wuxuu soo saaray go’aan/amar ( Qoraal) uu shir wadatashi ah isugu yeerayo Madaxweynayaasha DG iyo Guddoomiyaha Gobolka Benadir, shirkaaso lagu qabanayo Magaalo Madaxda DG Galmudug ee dhuusamareb, wuxuuna socon doona 1da ilaa 3da Febraayo 2021. Shirka laguma martiqaadin wakiillo ka socda Bulshada Ra’yidka iyo Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS oo siyaasadda doorashada kaalin muhiim ah ku leh. Ujeedada shirka waxay tahay “baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomida doorashada lagu heshiiyay ayadoo saldhiggu yahay heshiiskii GWQ ee 17kii September 2020, kaddibna Barlamaanka Federaalka ansixiyay. Sidaas oo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu shir wadajir ah isugu yeeray labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka maalinta Jimcaha ah ee 5da Febraayo 2021 si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka.

Ma muuqato in Madaxweyne Farmaajo latashi la sameeyay Xubnaha GWQ. Waxaa kaloo muuqata in Madaxweyne Farmaajo doonayo in go’annada GWQ ku burriyo Barlamaanka Federaalka muddo xileedkiisa dhammaaday. Isla markaa Aqalka Sare ee BF wuxuu u isticmaalaya kubbad uu sidii uu rabo ugu ciyaaro oo markuu rabo u yeerayo marka kalena diidayo in loo gudbiyo sharciyada Golaha Shacbiga ansixiyo si ay u gutaan xilkooda dastuuriga.

Waxaa kaloo xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo saxiixay qaraar Golaha Shacbiga ka soo baxay ee Gobolka Benadir loogu asteynayo 13 kursi ee Aqalka Sare, kuwaaso ka baxsan 54 kursi ee dastuurka kmg dhigayo. Gobolka Benadir wuxuu hoos yimaada Madaxweynaha JFS mana laha habraaca sharci ee lagu doorto Xildhibannada Aqalka Sare. Ujeedada Madaxweyne Farmaajo u saxiixay qaraarka ka soo horjeeda dastuurka iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed ee ku dhisan 4.5 ayadoo 10 maalmood ka harsan tahay dhammaadka muddo xileedkiisa waxay tahay inuu ceebeeyo, bahdilo, ku ciyaaro garaadka beelaha Hawiye oo Gobolka Benadir u badan, inuu isku diro Hawiye iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed, inuu bulshada deggan Gobolka Benaadir ka jeediyo dhismaha maamul madaxbannaan ee ka taliya gobolka, leh dastuur gaar u ah, inuu saxiixa ku helo taagero iyo ammaan uusan kasban, waqti uu lumiyay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, ugu horreeyo reerka uu matalo, iyo inuu ku carqaladeeyo hirgelinta doorashada dadban si waqti kororsi u helo. Gobolka Benadir 13 kursi ee Aqalka Sare ee BF waxaa 200% uga fiicaan maamul ka Madax bannaan dowladda federaalka oo shacabka Gobolka Benadir doortaan.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu isku diray, khilaaf ka dhex abuuray Madaxweynayaasha DG oo heshiis wadajir ah ku gaaray dhuusamareb-1, dastuurka kmg ahna farayo inay yeeshaan wada shaqeyn iyo mowqif mideysan marka ay la xaajoonayaan DF.

Maslaxadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa in Madaxweynayaasha DG diidaan waqti kororsi Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha JFS, lana wareegaan mas’uuliyadda qabashada doorashada dadban lana kaashadaan Beesha Caalamka, Xukuumadda xilgaarsiinta ah, Bulshada Ra’yidka, iyo mucaaradka. Waqti kororsi wuxuu abuuraya kacdoon dadweyne iyo xasillooni darro guud.

Qodobbada ismari waagga ka taagan yahay waxay noqonayaan 18 qodob ee Midowga Musharrixiinta soo jeediyeen oo lagu kordhiyo 10 qodob kale ee ka dhashay xaaladaha abuurmay September 17, 2020 kaddib. Ugu horreyn, waxaa lagama maarmaan ah in xal loo helo aaminad la’aanta Madaxweyne Farmajo, BF, iyo Ciidammada Federaalka. Qodobbada kale, waxaa ka mid ah dib u dhisidda guddiyada doorashada iyo caddeynta awoodaha u dhexeeya Guddiga doorashada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka dhaqaalaha doorashada. Qodobbada kale ee saameynta ku leh doorashada waxaa ka mid ah khilaafka ka dhex aloosan DF iyo Dowladaha Kenya, Jabuuti, iyo joogitaanka ciidammo gaar ah ee ka socda Eritrea iyo Ethiopia iyo Ciidammada Soomaaliyeed ee ka dagaalamaya Ethiopia iyo kaalinta Qatar ku leedahay. Waxaa kaloo loo baahan yahay in laga wada hadlo BF muddo xileedkiisa dhammaaday, Xukuumadda xilgaarsiinta, qandaraaska ceelashada shidaalka, iyo maamulka Maaliyadda DF marxaladda BF shaqeyneyn.

Waxaa loo baahan yahay in shirka ka soo baxaan go’aammo lagu amrayo Xukuumadda iyo hay’adaha dowladda federaalka inay joojiyaan dhammaan shaqooyinka ka baxsan maamulka caadiga, ku jirin miisaaniyadda, mashaaric, qoris, dallacaad, magacaabid cusub, iyo bixinta mushaaraadka Madaxweynaha iyo Xildhibannada uu dhammmaday muddo xileedkooda.

Nasiib darro, Odoroska wuxuu yahay in natiijada shirka dhusamareb noqon doonto ismari waraa ay ka dhalan doonto qalalaase siyaasadeed iyo in aan dalka ka dhici doonin doorasho heshiis lagu yahay. Waxaan ilaahey ka baryaya in caqliga wanaagsan sarreeyo, laguna guuleysto xakameynta iyo soo afjarka hagardaamada iyo fidnada Madaxweyne Farmaajo.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 13 July 2021 17:58

Waayeelku waa weelka iyo keydka nolosha laamaheeda ka la duwan, siiba middeeda maan iyo maskax, xis iyo xusuus, oo dadka waaweyni ay ku hayaan laabtooda, iyaga oo ku daraya u jooggooda nololeed iyo waaya'aragnimadooda qofeed, oo isku noqon wixii waa fog jiray, oo lagu qabtay waxa maalmahan taagan.