Shuruudaha hordhac u ah guusha DF iyo dowlad Goboleedyada

Faallo Mohamud M Uluso

Beesha Caalamka waxay ku guuleysatay inay ku qanciyaan Madaxweynayaasha DG-yada Puntland iyo Jubbaland inay yimaadaan Magaalada Muqdisho si ay Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmajo uga wada hadlaan turxaan bixinta shirarkii dhusamareb ka socday oo qalloocday shirkii dhusamareb-3 ee dhexmaray dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shuruudaha hordhac u ah guusha DF iyo dowlad Goboleedyada

Imaanshaha labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland Magaalada Muqdisho wuxuu abuuray dhaqdhaqaaq siyaasadeed ee siyaasayiin badan isku arkeen, aaraa isku dhaafsadeen si dalka looga samatabixiyo qalalaasaha siyaasadeed ee dhexda uga jiro kaddib markii dowladda federaalka ku guuldareysatay diyaarinta hannaanka doorashada xildhibannada Barlamaanka Federaalka 2020.

Inta aan loo fasiiran shirka turxaan bixinta shirarka dhexmarayay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaan ugu baaqaya waxgaradka Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo haween, siyaasiin, culumo, aqoonyahanno, odayaal dhaqameed, dhallinyaro inay taageeraan 4da shuruud ee labada Madaxweyne ee DG-yada Puntland iyo Jubbaland soo jeediyeen inay hordhac u yihiin guusha shirka. Afarta shuruud waxay yihiin:

1. In Madaxweyne Farmajo ka soo celiyo Gobolka Gedo oo ka tirsan DG Jubbaland ciidammada iyo Madaxda kale ee u diray, laguna celiyo Ciidammada iyo Madaxdii Dowladda Jubbaland ka tirsanaa. Waxaa xusid mudan dhawr arrimood ee shardigaan la xiriira. Kow, shirkii dhusamareb-2, Madaxweyne Farmajo wuxuu si gaar ah u ballan qaaday inuu 15 Agoosto 2020 ka hor oo lagu ballansanaa shirka dhusamareb-3 uu fulinayo soo celinta ciidanka iyo Madaxda ra’yidka ah uu horey ugu diray Gedo. Labo, dowladda Mareykanka oo taakuleysa Ciidammada Soomaaliyeed labo jeer ayey Golaha Ammaanka ee QM hortiisa ku dhawaaqday soo celinta Ciidammada DF u dirtay Gedo iyo joojinta colaadda ka aloosan Gobolkaas si loo xoojiyo la dagaalanka argagixisada. Saddex, Ciidammada iyo Madaxda DF u dirtay Gedo iyo kuwa DG Jubbaland waxay u badan yihiin dadka deegaanka u dhashay. Afar, geynta Ciidammada Jubbaland waxay xoojineysa is aqbalka dadka dowlad goboleedka Jubbaland ku nool iyo adkeynta nidaamka Federaalka. Shan, difaaca xuduudka Soomaaliyeed la leedahay Kenya waa mas’uuliyad wada saaran DF iyo DG, waxaase xusid mudan in DF ka gaabisay hirgelinta qaab dhismeedka Ciidammada soomaaliya ( Somali National security architecture) oo lagu heshiiyay bishii Maajo 2017. Lix, soo celinta Ciidammada waxay muhiim u tahay sugidda joojinta dagaalka u dhexeeya DF iyo DG Jubbaland.

2. Mariqaadka Madaxweynayaasha DG-yada Galmudug, Hirshabelle, iyo Koofur Galbeed oo difaacanaya mowfiqyadooda. Kaddib marka DF iyo DG talo isla meel dhigaan, waa in la martiqaado Gobolka Benaadir, xoogagga mucaaradka la yaqaan ( ma ahan xisbiyo oo dhan) iyo bulshada ra’yidka

3. Magacaabidda Ra’iisul Wasaare Barlamaanka federaalka ansixiyo. Ra’iisul Wasaaraha waa mas’uulka DF u xilsaaran taakuleynta habsami u hirgelinta doorashada 2020.

4. Martiqaadka Wakiillo Beesha Caalamka (UN, US, UK, EU, AU, AL). Sababta loo martiqaadayo Beesha Caalamka waxay tahay inay bixiso dhaqaalaha looga baahan yahay hirgelinta doorashada lagu heshiiyo iyo in laga gaashaanto dabafurfurta iyo turaantureynta ay wadaan qaar ka mid ah beesha caalamka oo sababi kara fashilka hannaan doorashada Soomaalida dhexdeeda ku heshiiyo.

Heshiiska dhusamareb-3 wax ka soo qaad ma lahan waayo wuxuu khilaafsan yahay nuxurka iyo ujeedada ilaa 8 qodob ee heshiisyadii dhusamareb-1 iyo dhusamareb-2. Sidaa darted, waxaa muhiim ah inaan waqti lagu lumin dib u eegista heshiiskii dhusamareb-3. Labada qodob ee kala ah in doorashada noqoto mid dadban oo waqtigeeda ku dhacda waxaa looga heshiiyay dhusamareb-1 iyo dhusamareb-2. Nasiib darro, dhammaan qodobbada kale waxay fashilinayaan labadaas qodob. Sidaa darted, waxaa loo baahan yahay hannaan doorasho ee xaqiijinaya hufnaanta xulashada codbixiyayaasha, codbixinta, ilaalinta sinnaanta xuquuqda tartanayaasha, iyo maamulayaasha iyo horjooyayaasha doorashada.

Qodobbada heshiisyadii dhusamareb-1 iyo dhusamareb-2 ee heshiiska dhusamareb-3 ka soo horjeedo, khilaafsan yahay, ama jebiyay waxaa ka mid ah:

Heshiiska Dhusamareb-1

1. In la xoojiyo iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka kama dhici karto doorasho hal qof hal cod ah oo waqtigeeda ku dhacda, sidaas darted waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

4. Shirku wuxuu ku baaqaya in Madaxweynaha dowladda federaalka ah iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wata-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomida doorashada dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqaya in shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco Magaalada dhusamareb ee caasimadda Galmudug.

Heshiiska Dhusamareb-2

1. Waxaa shirku adkeeyay midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2. Shirku wuxuu isku raacay in la sii dardargeliyo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ee xasilinta dalka iyo la dagaalka argagixisada.

3. Shirku wuxuu kale oo isla gartay in la sii xoojiyo arrimaha Horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka dhammeystirka deyn-cafinta soomaaliya.

4. Madaxdu waxay isla meel dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta waqtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay.

5. Madaxda waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo kala socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Guddigaas oo ka soo baarandagi doona talooyin la xiriira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Heshiiska dhusamareb-3 wuxuu ku tuntay dhammaan mabaadi’da ku tilmaaman shirarka dhusamareb-1 iyo dhusamareb-2 oo ahaa:
*xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka,
*dardargelinta wadashaqeynta, wadatashiga, iyo talo loo dhan yahay ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah,
*gaarista heshiis lagu wada qanacsan yahay,
*Guddi farsamo oo loo dhan yahay,
*ka shaqeynta xasilinta dalka iyo la dagaalanka argagixisada sida Jubbaland ( Gedo).

Ayadoo la og yahay heshiisyadaas hore, ayaa loo bareeray soo bandhigidda heshiiska dhusamareb-3 aan loo dhamneyn oo saddex xubnadood ka maqan yihiin: Ra’iisul Wasaare haysta kalsoonida Barlamaanka Federaalka, DG Puntland iyo Jubbaland. Heshiiska dhusamareb-3 wuxuu dhabarjebiyay wadashaqeyntii, wadatashigii, is-qancintii lagu xusay dhusamareb-1 iyo dhusamareb-2.

Ugu dambeyn, xoogagga waxgaradka waxaa la gudboon inay muujiyaan taageradooda 4 qodob ee shuruudaha u ah guusha shirka Madaxweynaha DF, Ra’iisul Wasaaraha BF siiyo codka kalsoonida, iyo 5 Madaxweyne ee Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Gaar ahaan Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) waxaa la gudboon inay la saftaan ra’yiga saxda ah ee waafaqsan dastuurka, dhaqanka dowladnimada, kana baxaan hadallada dhiirrigelinaya Madaxweynaha DF oo dastuur diidka ah sida erayada “isu tanaasul iyo dabacsanaan” lagu ku simayo ra’yiga saxa ah iyo kan khaldan. Arrin u baahan mowqif cad, hadal hadoof ah xal uma noqonayo.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 23 November 2020 20:35

Shan Mas’uul ee Dowladda N&N ee Madaxweyne Farmaajo tiir dhexaad u ah ma aqoonsana ama ma akhrininin ama ma fahmin tilmaamaha iyo nuxurka Dastuurka KMG ee hoggaaminaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.