Warkii Hore War Soo Dhaaf!

Faallo Keydmedia Online

Waxaa la rabaa banaanbax macnihiisa in la fahamo marka hore. Marka labaadna banaabaxa ay ku baaqeen golalaha musharixiinta maxuu qanuunku ka qabaa? - Waa Qoraal uu uga hadlaya Wariye Maxamed Maxamuud Cadde, Banaanbaxa Jimcaha. 

Warkii Hore War Soo Dhaaf!

Banaabaxu waxaa waaye nidaam lagu cabiro fikir siyaasadeed oo dad badab isguu soo baxayaan wadooyinka ama fagaare si ay u taageeraan xisbi ama mowqif siyaasadeed oo ay dan guud u arkaan oo xuquuq lagu raadinayo.

Waxaa uu banaanaxu noqon karaa mid la soo abaanulay ama mid iskiis u dhacay. Kan la soo abaabulay waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa 'Public Rally', inta badan waxaa soo abaabula dad la yaqaan oo bulshada dhexdeeda magac ku leh, inta badan waxaa u dhacaa si nabad ah.

Nooca labaad waxaa weeye mid aan la soo abaabulin, laakiin waxaa keena cabasho gaamurtay oo khasabtay in ay dadku diidaan siyaasadda dowladeed ama adeeg shirkad, bartimaameedkuna waa in nidaamka ama shirkada lagu khasbo in uu siyaasadda laga cabanay ama adeega laga cabanayo ay dadku wax ka bedelaan. Afka qalaad waxaa lagu yiraah publuc protest.

Kan ugu danbeeyana, waa nooc banaanbax oo nabadda wax lagu yeelayo inta badan rabshado iyo kharbudaad ayaa uu wataa. Dad iyo haniba dhibaataa la soo gudboonaata. Afka qalaad waxaa lagu yiraa public riot. Maamulkuna waxaa uu isku dayaa in uu ka hortago, isaga oo adeegsanaya awood ciidan.

Waxaa xusid muddan labada nooc ee hore ee mudaaharaad waxaa ogol qaanuunka, waxaana lagu soo bandhigaa afkaar wax lagu toosinayo, mar mar rabahado waa ka dhacaan oo abaabuleyaashu mas'uul kama ah ee waxaa masuuliyadu ay raacdaa cidii dhibka abuurtay oo lagu dacweeyaa. Laakiin, nooca seddexaad inta badan lama dhiiro galiyo maadaama nabadda iyo danta guud uu khatar ku yahay. Qaanuunkana waa uu khilaafsan yahay, taageero badan malaha... dadka ka qeyb qaadanaya wajiyaday qarsadaan, si aan loo aqoonsan.

Haddaba waa noocee, mudaaharaadka ay ku baaqeen Golaha musharaxiinta maalinta Jimcaha ah oo ay bishu tahay 19 Febraayo? Maxaase, laga  gudboon in ay sameeyaan ciidamadda amaanka ku shaqada leh?

Banaanbaxaas, hadafkiisu waa cad yahay, waana la yaqaanaa cidda abaabuleysa, waa la sheegay in uu yahay mudaaharaad si nabad ah u dhacaya. Qaanuunkuna waa ogolyahay in banaabxaas oo kale la sameyn karo sida ku xisan dastuurka qabyada ah.

Isla dastuurkaa xusaya, sida ay tahay in ciidamadda amaanku ula falgalayaan banaabaxaad noocaan ah oo waajibkooda ay ka mid tahay in amaanka banaambaxayaasha ama  mudaaharaadayaash iyo mas'uuliyiinta in la' ilaaliyo. Waxaa mudaaharaadka horseed ka ah madax miisaan iyo qadarin mujtamaca Soomaaliyeed ku leh oo waxa ay sameenayan og, xuquuqdoodana yaqaana, qanoonkana si mug leh u yaqaana... ( Baraha bushada ka dhageyso musharax Dahir Geelle) gacanna ka soo geystay ilaalinta iyo meel marinta qaanuunka, marka la fiiriyo dowladihii ka horeeyay midda maanta jirta.

Abaabuleyaasha mowqikooda waxa uu u cad yahay sidii dayax 15naad ah. Siyaasiyiinta muxaafadka, iyana maalintoodee banaabax dhigi karaan oo qaanuunkaa u ogol. Taariikh iyo goob cayimad ayay ku soo bandhigi karaan mowqifkiina siyaasadeed, cid ka hortaagi kartana ma jiro, laakiin haddii ay isku daydaan in ay banaabaxaan lagu dhawaaqay hor istaagtaan. Qiil qaanuun heli mayaan - cawaaqibka ka dhashana mas'uulideeda sina loogama baxsan karo. Qasaaraha dhaca naf iyo maalba waa lagu xisaabtami.

Maxaa dhici kara,  haddii la iska taloxumeysto, oo la isku dayo in la joojiyo banaanbaxa, iyadoo la adeegsanayo canaasir ka tirsan ciidamadda dowladda iyo kuwa si kale loo soo abaabulay

Su'aashaa jawaabteeda ma aha mid laga sugayo cid ka hooseesa madaxweyne Farmaajo. Sababta oo ah mudaaharaadka hadafkiisu waa;  in la tuso sida ay abaabuliyaashu sheegeen, in aan marnaba laga yeeleen, in uu xukunka ku joogo si qaanuuhka khilaafsan. 

Warkii hore war soo dhaaf bay Soomaalidu yiraahdaan. Mudaaharaadkaan waa caddahay in uu abaabulkoodu socdo, oo cid ay ka qarsoon tahay ma jirto culimo iyo caamo, cariur oyo ciroole.

Haddii la bixiyo amar lagu joojinayo isu soo baxa ama  mudaaharaadka, cawaaqibka ka dhasha waxaa qaadeysa oo loogu qore diiwaanka taariikhda, ciddii amarkaa bixisay, Abaabuleyaashuna waa sheegeen cidda ay eeda u surayaan. Haddii la waayo xal qaanuun, mid siyaasadeed, shacabkuna marnaba raali ka noqon maayo xal  xoog ah. Taas xisaabta ha ladu daro.

Fiiro Gaar ah:

Anigu waligey lama kulmin, mana aqaano Daahir Geelle, laakiin marka aan hadalkiisa dhageystay dhowr goor ayaan baaritaan ku sameeyay. (Objective and verifiable analysis)

Waxaan ogaaday in uu yahay nin hadalkiisu uu lee yahay miisaan mug leh. Macnaheedu ma aha in aan xayeesiyiin u sameynayo ee waxaan macno mug leh ii sameeya erayada xigmadda huwan iyo mus'uuliyadda.

Waxaana akhristaha ku dhiirogalinayaan in uu dhageysto, akhriyana macluumaadka shakhsiga la xiriira oo Carabi, English iyo Soomaali intaba ku qoran.) Ogowbay, xukuumadda hore ayuu wasiirka warfaafinta u ahaa, halkii uu ka mudnaa wasiirka cadaaladda. Dadka sida sarbeebta ah aan wax u fahmin, Daahir Geele waa QAAli, hadalka qaaliguna sharciguu meel ku leeyahay. Waxaa iri sharcigga. Ogow ma oran qaanuun. Faraq weyne baa u dhaxeeya ee ogow.

Maxamed Maxamuud Cadde




Faallo 11 October 2021 21:53

Hogaamiyaha sida wanaagsan u fikira, waa kan isku hareereeya, dad isaga ka caqli, karti, aqoon iyo khibradba badan, oo dhankasta kala taliya. Sida muuqatana raysalwasaare Rooble sidaa ayuu sameeyey.