Rooblow,

Jeebka Farmaajo ka soo bax

Analysis Keydmedia Online

Kolka dhinac kasta laga eego siyaasada Soomaaliya mudadii u dhexeeysay Febraayo 8, 2017 kii ilaa iyo Febraayo 8, 2021, haba-yaraatee siyaasada Soomaaliya ma samayn wax horumar ah oo la taaban karo. Horumar la'aantas siyaasadeed oo ka dhigan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmajo ku fashilmay 100% siyaasada.

Jeebka Farmaajo ka soo bax

SAHANKA SIYAASADA SOOMAALIYA

Hadaba sahanka siyaasada Soomaaliya wuxuu sheegayaa in siyaasada u furan labo wada midkood in aay marto, waana sidaan:

1. In Mudane Xuseen Rooble sii ahaado nin ku jira JEEBKA Mudane Farmajo.

Hadii Rooble sii ahaado nin ku jira jeebka Farmajo, lagama yaabo in aay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho la isla ogolyahay.

2. In Mudane Xuseen Rooble ka soo baxo JEEBKA Farmajo

In Mudane Rooble ka soo baxo JEEBKA Mudane Farmajo waxay fududeeynaysaa in Mudane Farmajo meesha ka baxo, hadii Farmajo meesha ka baxo waxaa fududaaneysa in aay doorasha la isla ogolyahay dalka qabtaan:

A. Shanta Maamul Dowladeed.

B. Labada Gole ee Sharci-dejinta.

C. Midowga Musharixiinta (qaab xoojin ah).

D. Iyo beesha caalamka.

Hadaba, Soomaaliyey, waxaa danta Qaranka Soomaaliyeed ku jirtaa in la xoojiyo dhaq-dhaqaaqa nabadeed ee uu bilaabay Mudane Rooble si Farmajo meesha looga saaro:

Hadii Farmajo laga saaro masraxa siyaasada, si deg deg ah ayeey xoogaga siyaasada dalku uga heshiinayaan sidii dalka Soomaaliya looga qaban lahaa doorasho la isla ogolyahay.

Hadalkii oo kooban: siyaasada Soomaaliya waxaa caqabad ku ah fashalka siyaasadeed ee Mudane Farmajo, waana Lama huraan in Umada Soomaaliyeed laga hor- wareejiyo Farmajo:

Hadii aan Dadka Soomaaliyeed laga horwareejin Farmajo lagama yaabo in dalkaan doorasho la isla ogolyahay ka dhacdo, sidaas darteed waxaa looga fadhiyaa waxgaradka Soomaaliyeed in xalka ka raadiyaan ama ka doonaan halka uu ka jiro:

Mudane Farmajo ka saara Masraxada siyaasada Soomaaliya, xal-kalena ma jiro: Full stop.

Soomaaliya Guul: Aamiin

Dr. Hassan Sheikh

Article 1 February 2021 14:34

For the last thirty years many people  were killed in the Somali violence. Fathers, mothers, grand fathers, grand mothers and children as little as infants were lost needlessly. In the  Islamic  and Somali cultures, it is forbidden to harm or kill women, children, religious leaders and traditional leaders and elderly people. It also forbidden to  attack civilian facilities including schools and hospitals according to the International law. Civilians can not be a deliberate military target by any circumstances.