Dhaayaha Saxaafadda

Article Keydmedia Online

Sooyaal saxaafadeedkani waa sheeko-cilmiyeed lagu lafa-gurayo saxaafadda guud iyo tan gaar ahaaneed ee waddankeenna soomaaliyeed. Waxaa si aqoon iyo ogaal leh loogu faalleynayaa habtebinta habboon ee saxaafadda isla markaana aan ka hor imaaneyn; diinta suubban ee islaamka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada, tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Dhaayaha Saxaafadda

Waa qormooyin ku saabsan ogaalka iyo aasaaska saxaafadda xariirka ay bulshada carra’edeg ku yeelatay. Sidoo kale, waxa aan ku bidhaamin doonaa dhibaatada iyo wanaagga ay ummadda u leeyihiin baraha xariirka bulshadu, sida: interneetka, warsidayaasha (Journal) IWM.

Waxaan dhihi karnaa waa qoraal cilmiyeedkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah oo saxaafadda dunida iyo tan soomaaliyeedba la qoray. Ogaal-saxaafadeedkaan waxaa loogu talogalay inuu saxafiyiinta soomaaliyeed u noqdo saaxibkooda koowaad iyo dhigaalkii ugu horreeyay sooyaalka saxaafadda Soomaaliyeed.

Waxay qorayaashu inta badan wax ka qoreen waxyaabo kale, balse, waxaa la yiraahdaa: ishu baarkeeda ma aragto sidaas ayey qorayaasha iyo suxufiyiintuba himmad u siin waayeen ka hadalka iyo wax ka qoridda saxaafadda. Haddaba sheekadaan Dhaayaha saxaafadda, haddii la doono, waxaa laga dhigi karaa dugsiyada waxbarasha ee dalka, sida: Jaamacadaha, dugsiyada sare, dhexe iyo dugsiyada kale ee gaarka loo leeyahay (Kolleejyada). Aqriska aan intaas aheyna waa nabad iyo caano.

Soomaalidu waxay tiraahdaa: “war la helaa talo la helaa ama war ayaa ugu baahi badan. Saxaafaddu waa iftiinka nolasha oo wax walbo oo horumar sameeyay waxaa salkooda horseed ka ahaa saxaafadda. Bal dhugo baalka ugu horreeya ee cilmiga barashada siyaassadda (Political sceines), wuxuu leeyahay: qofka siyaasiga ah waxaa waajib ku ah: in uu daalacdo mareegaha warsidayaasha ah, muuqbaahiyaha (TV) codside (Raadiyow) codkeydiye (canjal ama DVD), aqriska dhiganayaasha, maktabadaha iyo filimada. Dhammaantood waxay kor u qaadaan ogaalka qofka, waxayna qeyb libaax ku leeyihiin furfuridda qaanadaha maskaxda, taas oo qofka u horseedda inuu wax badan ogaado. Maskaxdu waxay leedahay: qaanado tirobeel ah, qaanadahaasna waxaa irdaha u ballaqa aqriska iyo ogaalka kala duwan ee qofku uu la falgalo.

Haddaba saxaafaddu waa seef laba af leh. Dhanka suubban haddii loo jiheeyo waxay wax badan ka tartaa arrimha bulshada iyo wacyigelinta guud. Haddii dhanka xun loo adeegsadana tan sare cagsigeeda ayey aaddaa, taas oo ah; inay bulshada kala geyso, isla markaana ay si aan naxariis laheyn u kala fogeeyso.

Dhaayaha saxaafadda:

Saxaafaddu waa hadal la soo tebiyo. Hadalkuna waa qeyb muhiim u ah nolosha aadanaha. Haddii aan hadal jirin nololi ma jirteen, maxaa yeelay, aadanuhuba isma af-garteen. Soomaalida ayaa tiraahda: ”War helaa talo hela” ama haddii war la helo ayaa talo la helaa”. Taas oo daaha ka rogeysa inaan aadanuhu tallaab qaadi karin war la’aan. Sababtuna waxay tahay; warku wuxuu fure u yahay ogaanshada walxo kaa daahan ama kaa dahsoon. Maalintii la abuuray koonka, ka dibna, aabbaheen Aadam la abuuray ilaa iyo maanta aynu noolnahay waxa aan ognahay wixii intaas oo xilli u dhaxeeyay. Taasna sabab kale maahan ee waa inaan war helnay. Warkaas oo ku yimid werin. Haddaba haddii aan war jirin werinna ma jirteen, sidaa darteed, war iyo werini waa ay isku soohan yihiin oo kala ma maarmaan. Soomaalida ayaa tiraahda: ”qof war kuu sheega ma weysid, balse, qof wax ku siiya ayaad waysaa”.

Noolaha oo idil waxa jirta hab u gaar ah oo ay isku af-gartaan iyo luqad u gaar ah oo ay isku la hadlaan, balse, aadanuhu waa uu ka duwan yahay noolaha carra’edeg intiisa kale, maxaa yeelay, aadanuhu waa maamulihii koonka ama ifka. Eebbe ayaa yiri: Aadanuhu waa sayidki ama boqorkii dunida, taasina waxay u sahashay in aadanuhu uu noole badan af-garto oo uu la hadli karo ama ayba is af-garan karaan, taas oo ah; mid mudan in aadanuhu uu Eebbihii abuuray uga mahadceliyo.

Warkeenidda:

Sida aan soo bidhaaamiyey nooluhu waa ay hadlaan, hadalkaasna kolba baahida amminka iyo goortaas loo qabo ayaa xiiso u yeesha. Sida aan ognahayba caalamka waxaa loo qeybiyaa seddax qeybood. Seddaxdaas qeybood oo Aadanaha ama insigu ay ka yihiin qeybta seddaxaad ama caalamka seddaxaad. Caalamka koobaad waa: Malaa’igta Eebbe iyo intii la hal maasha ee Eebbe ogyahay. Haddaba si iyaga u gaar ah ayey isula hadlaan, Eebbahoodna ula hadlaan.

Caalamka labaad, waa: ”Jinka”. Jinku abuuris ahaan aadanaha wax badan ayuu ka horreyay, isla mar ahaantaana kummannaan sano ayey dunida ku noolaayeen aadanaha ka hor, welina waa ay kula noolyihiin. Jinnigu waxay leeyihiin af ay iskula hadlaan, sidoo kale, waxay leeyihiin cid warka u soo werisa ama u soo tebisa. Inkasta oo Suubbanuhu (S.C.W.) uu xaddiis saxiix ah ku yiri: ”Jinnigu waddanka ay ku noolyihiin aadanaha ku nool ayey afkooda ku hadlaan. Taas oo ka dhigan; in jinniga soomaaliya ku nool ay ku hadlaan af-soomaali, balse, innagu inaan warkooda maqalno ama aan aragno awood uma lihin halka ay iyagu na arkaan ayna warkeenna maqlaan.

Caalamka seddaxaad oo ah; annaga aadanaha ah iyo inta naftu ku jirto ee dhulka ifka nala jooga, waxay noloshoodu ku tiirsan tahay war. Noolaha qaar ka mid ahna waxayba isku afgartaan dareenka, taas oo iyana warkii u dhiganta. Haddaba abuuristii abkow Aadam ilaa maanta aynu noolnahay wixii dhacayey war la soo tebiyay iyo waxyi Nabi uu ka sido Ilaaheey ayey nagu soo gaareen. Biyaha ayaa la yiraahdaa: iyaga ayaa ugu horreeya nolosha aadanaha. Ilaaheey ayaa qur’aanka ku yiri: ”Wixii nool biyo ayey ku noolyihiin, wixii noolna biyo ayaa laga abuuray markoodii hore”.

Malaha biyahaas waxaa ku soo xigi kara waa warka iyo werintiisa. Kolkii qarniyo badan ay aadanuhu jiraalka carra’edeg ku soo noolaayeen ayaa waxaa loo baahday in warkii laftiisa la sii kala hufo oo la kala qeybiyo. Tusaale: qeyb waa la xaraf-raaciyey (Qaafiyad) oo waxaa laga dhigay waxa loo yaqaanno suugaan, taas oo ah isla hadalkii oo la dhoodhoobay, mararka qaarna daryaan iyo muusig lagu kabo. Ogow! Isla warkii ayaa la qurxinaya ee warku waa uun kiisii. Kol kale ayaa haddana loo qalab qaatay in warkii la sii kala shaandheeyo oo warka laftiisa qaar ka mid ah laga ganacsado. Haah! Waa ganacsi. Bal fiiri habka ay u shaqeeyaan warfidiyeennada casrigaan jooga. Saxaafaddu iyada oo aragti iyo hadaf xambaarsan ayey haddana tahay suuq wax lagu kala iibsado.

Isku soo wada duub ee warku wuxuu leeyahay; wadiiqooyin kala duwan, kuwaas oo xeerar iyo xad kala sooca leh. Qarni walba kan xiga warku waa uu sii hormarayey ilaa uu gaaray maanta aynu noolnahay; in warku uu noqoyo baahida mashruucyada aadanaha tan ugu horreeysa. Warku waa mid la aqristo, sida dhiganayaasha (buugaag) warsidayaasha (mareeg iyo joornaal). Warlalis la dhageysto (Raadiyow) war la muuqsado (TV). Iyo habab kale oo badan.

Haddaba inta aanan u gudagelin si gaara taariikhda saxaafadda Soomaaliyeed, waxaan marka hore si kooban uga hadlayaa taariikhda saxaafadda adduunka si aan ugu soo xirno taariikhda saxaafadda Soomaaliyeed. Taariikhda saxaafadda adduunka waxaa lagu tilmaani karaa xilli adag oo bani’aadamka u noqotay khibrad, waxaana laga joogaa isku daygeedii ilaa (5) shan qarni. Waddanka Jarmalka intii u dhexeysay qarnigii 14-AAD ilaa iyo qarnigii 17-AAD, xilliyadaas oo ay waddamada Yurub ku jireen isbeddellada dhaqanka iyo horuumarka ayuu ka soo billawday wargeys gacanta lagu qori jiray, kaas oo ay si gaar ah ganacsatadu isugu gudbin jireen wararka iyo macluumaadka dagaalka iyo xaaladaha dhaqaalaha, caadooyinka bulshada iyo ahmiyadda bani’aadamka.

Makrii ugu horreysay ayaa waxa la dhihi karaa; waxaa wargeyskii ugu horreeyay lagu daabacay dalka Jarmalka dabayaaqada qarnigii 14-aad, wuxuuna ahaa: warside ay ku qoran yihiin warar iyo macluumaad kale oo ahmiyad gooni ah u lahaa aadamaha gaar ahaan dadyowga Jarmalka. Waxyaabaha uu qorayey wargeysku qaarkood waxay ahaayeen waxyaabo kicinaya xasaasiyad. Halkaas waxaan ka qaadaneynaa in saxaafadda asalkeedii hore uu ahaa: hub dagaaleed, isla markaana la doonayay in kor loogu qaado garaadka dadkii berigaas noolaa. Sidaan ognahayba wargeysyadu waxay la billowdeen oo ay la jaanqaadeen hannaanka iyo farsamda daabacaadda. Waddamada Yurub gaar ahaan Jarmalka ayaa iska leh fikradda in la soo saaro daabacaaddii u horreysay oo casri ah taasoo lagu magacaabi jiray: “Relation” sanadkii 1605-tii.

La soco qeybaha xiga haddii Ilaaheey idmo!

Xasan Maxamed Xaaji “Xasan Duusoos”




Article 14 April 2021 14:28

A new dawn embarked for Somalis today after thirty years of the collapse of the Siad Barre regime that grabbed power from the people of Somalia in 1969. The regime collapsed after twenty one years of terror, and disregard for human rights.