kaligiis taliye koraya

Editorial Keydmedia Online

Bilashadii qarnigii 19-aad waxaa dunida ka curtay labada nidaam ee aadka isaga soo hor jeeda ee kala ah ‘kalitalisnimada iyo dimoqraadiyadda’, (Democracy and Dictatorship), kuwaas oo meesha ka saaray xukunnadii ku dhisnaa habka boqortooyada ee Boqoradu majaraha u hayeen. Tan iyo qarnigaas Soomaaliya waxaa soo maray dhowr nimaad oo kala gadisan.

kaligiis taliye koraya

Tusaale ahaan, 1885 ilaa 1960-kii waxaa dalka lagu maamulayay sharci gumeystihii qoray, 1960 ilaa 1969-kii, waxaa dalka lagu xukumayay dastuur ku jaan-go’an dimoqaadiyad, 1969 ilaa 1990-kii waxaa waddanaka lagu maamulayay, waxa loogu yeero ‘Axdigii Kacanka’ iyo dastuur Kali-taisku qortay oo ku jaan-go’an Hanti-wadaaggii baadilka ahaa, hadda waxaa dalka u yaalla dastuur dimoqraaddi ah, lagu heshiiyay, dhameystirna u baahan.

Waaya aragga bulshada Soomaalida oo ay ugu horreeyaan Culumada Siyaasadda, waxa ay aamninsanyihiin in dalku uusan marxaladda adag ee burburka iyo bayhoofnimada ah galeen haddi loo deyn lahaa nidaadkii qori isku dhiibka ahaa ee jiray 1960 ilaa 1969-kii, waxayna eedda qaran-jabka dusha  ka saaraan, nimaadkii dhiigyacabka ahaa ee uu hoggaaminayay in Siyaad Barre, kaas oo sababay in Soomaali ku kala irdhowdo siyaasadda, ku kala shakiso, ku dagaalanto, ugu danbeynna ku kala tagto.

Hadaba sida ka muuqata ciwaanka, waxaan qoraalkaan kaga hadleynaa oo aan bannaanka ku soo dhigeynaa, damaca guracan ee Famaajo iyo xulafadiisu doonayaan in ay dalka ka hirgaliyaan, kaas oo ah in dib loogu laabto, nimaan Kalitalis ah, oo si loo gaaro ay waajib tahay in la maro waddo qodxo badan daadsan yihiin, oo u baahan qabqable-nimo, dagaal-ooge iyo qar iska tuurnimo siyaasadeed oo aan la ogayn halka ay caga dhgan doonto.

Kadib Sagaal sano oo dalku hoos harsanayay nidaam dimoqraadi ah, 1969-kii MSBarre ayaa xoog kula waregay talada waddanka, wuxuuna taabba-galiyay,  caburin iyo caga jugleyn, dil iyo xarig, been iyo barabagaando la buunbuuniyay iyo qabyaalad qaawan oo tixnaa muddo 21 ah, sababna u noqotay kala haadlka Soomaali salfaday ee silica iyo saxariirta baday.

Nasiib-darro, Isla sidaas oo kale waddanka oo hoos harsanaya nidaam dimoqraadi ah, muddo Sagaal sano ah, laga soo billlaabo 2011 ilaa 2020, Farmaajo wuxuu doonayaa inuu labada taariikh ee isku eg uu isa saaro, dalka uu dib ugu celsho 1969, waase maan laawe, oo wuxuu hilmaan san yahay, haddii uu doonayo inuu dib u qaado waddadii la soo maray, si u gaaro curashadii Kacaankii Luggooyo ee 1969, in ay waajib tahay in la sii maro sanadkii is barashada ee 1991.

Kadib dhamaadkii muddo xileedkiisii, ku dhawaad muddo labo bil ah ayuu sifo sharci darro ah, ku fadhiyaa Madaxtooyada, wuxuuna si cad oo aan ka gambasho lahayn u diiday in xal laga garo ismari-waaga taagan ee siyaasadda, wuxuuna u dig iyo dam leeyahay, hirgalinta muddo kororsi, ama soo laabasho ku timaadda boob iyo qoray caaraddiis.

Farmaajo, wuxuu doonayaa inuu marka hore Soomaalida kala qeybiyo, oo labo qof kasta oo wax ka dhexeeyaan uu isku qataaro, qabiillada uu iska hor keeno, kuwa gaar ah hubeeyo, siyaasiyiinta madaxa isku galiyo, Maamulladuna maja xaabiyo, si uu u meel mariyo dabaciisa koobaad ee ah “Qeybi oo Xukun”.

Farmaaajo wuxuu si toos ah u bar-tilmaameed-saday, qabiillo Soomaaliyeed oo Hawiye ugu horreeyo, wuxuuna taas u sameynayaa labo arrimood, waa midda koobaade, in ay yihiin dadka rabbi ku beeray ee leh degeennada Dowladdu ku shaqeyso, iyo in ay ka soo jeedaan siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Soomaalida, ee qasabka ay tahay in ay isaga baddaalaan.

Dagaal Ooge Farmaajo, wuxuu naas-nuujin iyo nin tooxsi tan ugu weyn u sameynayaa qabiilkiisa, wuxuuna hub iyo ciidan wixii uu qaranku lahaa ka dajiyay gobolka uu ka soo jeedo ee Gedo, oo laga aamnisan yahayn in Farmaajo yahay baddalka Ina Siyaad Barre, gar iyo gardarana looga taageero.

Saddex doorasho Dowlad Goboleed oo uu maamulay intii uu xilka hayay, dhamaantood waxaa ku daadatay dhiig, kursi xinjir ka daadaneyso ayuuna ku fariisiyay qowsaaro isaga kaba qaad u ah, oo aan aqoon siyaasadeen iyo aqool umadeed aan waxba ka aqoon.

Kali-taliyaasha Adduunka soo xukumay, waa badan yihiin, farqi weyn ayaana u dhexeeya habkii ay wax u maamuli jireen, sida ay hoggaanka ku qabsadeen, qaabkii kursiga looga dajiyay iyo sidii ay adduunyada ku macasalaameeyeen. Qaarkood sida Farmaajo oo kale doorasho la isla oggolyahay ayay ku yimaadeen kursiga, halka kuwa kalna ay boob ku qabsadeen.

Hadda Farmaajo, wax kasta oo lagu heshiiyay wuu baal maray, wuxuuna hirgaliyay waraaqo wiifto ah oo aan sharci ahayn, awood buuxda oo uu dalka taladiisa kula amar taagleeyo malaha, wuxuuse ka faa’iideysanayaa, xishoodnka dadka iyo in Soomaalidu ka daashay dagaallada, waase qasab in la is fara saaro haddii xaalku sidaan sii ahaado oo cidna ma aqbali doonto hoggaan cawaan ah oo aan caqli lahayn.

Si Farmaajo balaayada uu la soo hig leeyahay looga hor tago waa in la hal go’aan oo ah in awooddisa la tuso, lala xisaabtamo, xoogna looga soo saaro Madaxtooyada, haddii laga baaqsado middaas, wuxuu isku badali doonaa Fascist-tihii Talyaaniga ama Nazi-gii Jarmalka, Benito Mussolini iyo Adolf Hitler, wuuuna ka halis badnaan doonaa guud ahaan kali talisyadii soo maray Afrika, waxaana loo baahan doonaa maal, maskax iyo waqti ka badan kan hadda loo baahan yahay si la isaga qabto.

Dadka uu degaankooda xumo ee Hawiye, waa in ay ka dhag taagan dar xumada dilatay, oo ay kala doortaan silica iyo saxariirta Farmaajo la maagan yahay, gobonimo aan maanta qarash badan u baahneyn.

Kali-talisku sidiisaba kuma tago, wada hadal iyo waan-waan ee Saddex arrimood midood ayuu ku baxaa, waana waajib in Saddexdaas wadiiqo middood la marsiyo Farmajo;

  • Kali-talis waa lala dagaalamaa oo waa la qabtaa, ama waa la af gambiyaa
  • Kali-talis, waa lala dagaalamaa oo waa la dilaa, ama tii alle ayuu u dhintaa
  • Kali-talis waa lala dagaalamaa oo dalka ayaa laga saaraa

Waligiin ha suginina in Farmaajo dalka ka hirgaliyo nidam doorasho oo loo dhan yahay, kursigana uga dego si nabad ah, ee Hawiiye maadama dhibka ugu badan uu adiga kuu geysanayo, inta uusan xoogeysan Saddexdaas waddo middood marsiiya.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Editorial 13 May 2021 2:35

The current Somali government, whose mandate ended, came to power with the expectations of massive reforms in institutional and development settings. President Farmajo completed his term in office without paving the way for consensus-based elections; instead, he messed up the growing Somali institutions and the trust-building processes.