Qeybtii Labaad

Soomaaliya & Jabuuti ma xero ayey kala ooteen? Q:2

Editorial Keydmedia Online

Soomaaliya & Jabuuti ma xero ayey kala ooteen? - Halkaan ka akhriso Qeybtii koowaad ee Qormadda. Haddaba Oraahdaasi maxay uga dhigan tahay Dowlada Jabuuti ama ay uga dhigan tahay Dowladda Soomaaliyeed iyo Saaxiibkooda dhextaalka ee Itoobiya. aan qodobeeyo. 

Soomaaliya & Jabuuti ma xero ayey kala ooteen? Q:2

1. Dowladda Jabuuti waxay oraahdaasi uga dhignayd Toogasho walaalkood Geed ku Taagay oo kadibna Dugaag uga tagay, oo kadibna danna aan ka galin, ayadoo Jabuuti isu haysatay inay KABA QARANKA SOOMAALIYEED Tolaysay oo ay kakab dowladnimo ururintiisa kusoo waayo jirsatay kuna daashay oo wax badan oo ay ka qabsan lahayd danaha soomaaliya ka shaqeynteeda diblomaasiyad badan laga yaabo inay ku weysay.

Naxdinta Jabuuti ay ka qaaday xitaa in yar oo hadal diblomaasiyadeedna kuma darsan oo aan ahayn in Safiirkoodii uga yeerteen Muqdisho oo halkaa xiriirkuu Jabuuti iyo Somaliya dhaawicii ugu horeeya ku gaadhay. Waxaase xigay Boogo hadhayitaan aan si wanaagsan loo dhaweyn, khaladkiina halkiisa ayuu ka siisocday oo dowladda Somaliya waxay heshiis is faham ah kala shaqeynaysay dhulkii Marunku ka taagnaa ee Halaag badan ku kala gaadhay Itoobiya iyo Eritereeya waana Dooxada Badhma, ayadoo Madaxda Somalida iska illaabeen ama Iska Indha Tireen deegaanadii isku fara Saareen JABUUTI iyo ERITEREEYA ee deegaanka DUMEERA. 

Waxaase ka sii darnayd in Jabuuti maalina aysan ku qancin waxay soomaaliya siyaasiyiinteedu ku dhaqmayeen, ayna jabuuti u aragtay in xoogga ay Somaliya galinayso uu yahay Xoog Doofaar lagu Raacay isna tustay inay khasaaro ka joogto wixii Juhdi iyo Abaabul diplomaasiyadeed ka galay dhismaha qaranka Soomaaliyeed.

2. Itoobiya Maalinta hadafkeeda maaha in heshiis macna badan la gasho Qaranka Eritrea oo aan ka ahayn dabin Madaxweynaha Eritrea looga saarayo talada Dalkaas iyo si ay arintaas u hirgasho furdurnaan aan la xakamayn karin waxa ka iman doono loo hirgalin lahaa oo ama Mucaarad siyaasadeed meelo kale looga aburi lahaa, ama ugu yaraan shacabka Khadyaanka ka joogo ay ugu heli lahayeen sida meesha looga saari lahaa Madaxweyne Assiyas Afwarki. Xaqiiqatan waa billaabatay oo haddaad u kuur gasho arimaha dalkaasi, waxad dareemaysaa in dhowr sano ka hor siduu ahaa wax badan iska badaleen. Kala baandhaynta dhacdooyinka Deegaanka aan ku noolnahay waxay u baahan tahay in midkastaba xusuus qor gooni ah lagu reebo si inta loo ururiyo kadibna looga feejignaado dhaxalka aan la garanayn oo laga yaabo inaan la mahadin doonin maalin aan fogayn.

3. Haddaba jawaabta u baahan in si fiican loo dhuuxo ayaa waxay tahay waxa soomaaliya ka soo galayey ka qaadista Cuna qabataynta Dalka Eritrea iyo waxa ulajeedku ahaa. Waxay ku jeclaysteen maysan sheegin dowladdu, laakiin ururinta macnaha ka dambeeya marka laysu keeno waxay ku soo biya shubanaysaa siyaasad xumada iyo fahamka talo aan la gorfayn ee nin siyaasad aqoon aan ahayn kula kufay meel ula muuqatay inay iska caadi yihiin waxkastaba. Taasoo wali uusan dareen feejigan illaa maanta ka qabo dhaxalka laga helay kalimad yar oo dhib weyn dhalin karta.

Khaladka Siyaasadeed ee Somaliya ku celisay waxaa ka mid ah sida dareenka Jabuuti galay xitaa  u dareemi weysay, taasoo jabuuti ku riixday inay maciin siyaasadeeda kula xirato Dal Hardanka kala dhaxeeyey iskuna haystay UN-ka illaa xafiska IGAD, ugu dambayntiina keenay Jawaabtii Soomaaliya Siyaasiyiinteeda la CATAABEEN.

Waxyaabaha ka hoos baxay ee u baahan inaan la illaabin waxaa ugu weyn Dhabaaxdii Jabuuti ay kala kulmeen dhexdhexadnimadii ay ka sugayeen darteed, jawaabta ay ka bixisay dowada Soomaaliya oo runtii aad u fool xumayd. Somaliya waxay ku goystay xiriirka Kenya Qaabilladda Somaliland, laakiin waxaa si la mid ah u soo dhaweeyey Jabuuti lafteeda oo sida Loo marti Soosay Farmaajo oo kale loo sooray. Taasi jawaabteeda maahayn halka somaliya ay dhigtay, waanan ku cel celisay inaa ay macna beeshay qaabta ay u wajahayeen dhacdooyinka uga baahnaa xalin garaad badan iyo talo laysu keeno u baahnayd.

Guddihii Xogbaarista ku sameynayey Xuduud Beenaadka Kenya iyo Somaliya u dhaxeeya report ama warbixinta Jabuuti soosaartay hadday ka caroortay dowladda Soomaaliyeed waxaa looga baahnaa insi dagan u wajahdo, waayo waxaa somalidu tiraahdaa walaalkaa Laguma WACAD FURO mar qura iyo Meel Qura, waxay ahayd in Jabuuti loo tago, lagala Fadhiisto wixii dhacay iyo qaabka Warbixin loo dhigay iyo wax sababay ee Jabuuti uga hor timid ula dhayal satay Cabashada Soomaaliya.

Fadhi qarsoodi ah ayey ahayd in arintan lagu wajaho, oo guddi loo saaro farsado kaasoo xalin kari lahaa wax mugdiga galinyey Jabuuti una goosatay in sidaasi wax yeesho, ugu dambeyntiina Guddidaasi u xalin lahaayeen wixii madmadow ah oo jiray. Waxayna ugu dambayntii ka dhigi lahayd in Jabuuti markale arimahan si kale u jawahdo ama ugu rayaan u gudbiso Midowga Africa ayadoo si toos u garab joogsan lahayd qaddiyadda Soomaaliyeed.

Jabuuti uma arkayno inay cadow noqon karto mana qaadan karno  in ay noqon karto, laakiin waa dal madax banaan oo diblomaasiyadiisa iyo hanaankiisa dhaqan dhaqaale u badax banaan, dabcan waana wax run ah oo jira in Jabuuti noqon karto in ay illaashato wixii dhaqaalaheeda wax yeeli karo, waxyaabaha jabuuti dareemayso waxaa ka mid ah in soomaaliya heshiisyo dekedeed la saxixanayso Itoobiya, ayadoo Jabuuti isu haysato inay tahay ALBAABKA laga galo qaaradda Africa oo dhan, oo waliba isu diyaarisay inay noqon karto International Logistical HUB dhamaan Africa iyo Bariga dhexe.

Hamigaasi Jabuuti cidkastoo  ay u ragto inay dhinac uga iman karto waa muhiim in la fahamto jawaabta ay ka bixin karto, wax ku kooban maaha dowlad ama darisnimo ee waa arimo mustaqbalka Jiritaanka dhaqan dhaqaale ee dalkaasi quseeya, Mana ahan wax ceeb ah ama laysku cadowsado, waa National Interest dalkastaba illaalintiisa ay waajib ku tahay oo ay ka mid tahay hadafka guusha Qaranimo ee dalkastaba gaaro. Sidaas darteed Hardankii DUBAI PORT iyo Jabuuti, Heshiiskii Somaliland iyo DUBAI PORT, Heshiiskii Dekedaha ee Itoobiya iyo Somaliya, iyo Aragtida fog ee Jabuuti haddii lays dhex galiyo jawaabaha kala duwan ee ka iman karo waad dareemi karaysaa.

Ma filayo iyo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isku dhac dhaqan dhaqaale oo midkastaba xisaabtan ku taagan yahay ku dhex mariyo geeska Africa, mana u malaynayo in dowladda Soomaaliya hadda ka fekerayso ama isu diyaarisay in National Interest Jabuuti, ama dalalkale iyo kan soomaaliya hardan dhaqaale ku dhax marayo ayna keentay wixii dhacay ee la soo dhaafay, mana joogto Somaliya heer ay hardan dhaqaale oo buuxa gali karto.

Hubaal weeyaan in Muddooyinka soo socda arimahaasi uman doonaan laakiin waxay u baahan tahay in maantaba hanaan wanaagsan oo loo dhan yahay mustaqbalka laga gaaro waana xaqiiqatan hadafyo iska hor iman doono, waxaana xaqiiqo ah inaan dhaqaalo walaal lagu noqon karin xitaa hadday Naas Qura soo wada nuugaan, waana waxyaaha mustaqbal xumada laga dhaxlo, haddaan si daganaan, ka fiirsasho, iyo hanaan mideysan laga yeelan, sida ay yeeleen dalal badan oo dunida ka mid ah oo ay uga horayaan Yurub, iyo waddamo Latin America ka mid ahaa.

Gunaabadka

Dowladda Somaliyeed waxa la gudboon inay waxkastaba oo ay samaynayso aad uga fakero oo bislayso kuna noqoto oo fursad siiso sida loo wajahayo hadba go’aanada loo baahan yahay in la qaato, waxaana haboon inay ka eegto hadba saamaynta ay yeelan karto oraah yar oo aan badnayn ama isu rogi karo dhibaato siyaasadeed oo aan la xakamayn karin.

Marka la joogo wakhtigan oo cidkastaba kaa xoog, dhaqaalo iyo itaal badan tahay waxa loo baahan yahay sidii xaajo kastaba guusheeda kuu raaci lahayd, illaa iyo inta qaranku ku lafa adkaanayo oo curdanka siyaasadeeda uga bixayo, shacabkuna ula jaan qaadi lahayd, taasoo kaani lahayd isu dheeli tirnaanta Siyaasadda Arimaha dibadda  iyo Tan gudahah.

Waa xaqiiq in xaqiijinteda ay dhib badan tahay oo xanuun badan tahay, oo in Ummadda Sida Somaliya oo kale kala daadatay isu keenisteedu dhib badan tahay oo hadba siyaasi Dibbadda laga Soo Cabeeyey ku ugu dhex nool yahay, oo khillaaf iyo kala daadin Ciiddiisu tahay. Miisaanka isku hayn lahaa waa dowlad, waxayna u baahan tahay samir iyo adkaysi loogu dulqaato dhamaan kala ra’yi dunwanaanka ummadda dhex taala.

Mahad illaahay ayey u sugnaatay, garan siiyey inan ban dhigi karno hadba wixii aan u aragno in bulshada u dhan yihiin.




Editorial 17 March 2021 12:11

Somali patriots, including moderate Islamists are haunted by how candidate Mohamed Abdullahi Farmajo” fooled them when they enthusiastically took to the streets of Mogadishu to celebrate his election in February 2017, and to the media chanting “please take us to Farmajo.”