Askar katirsan Ciidanka Burundi oo ka baxay Soomaaliya

Waxay ka howlgeli jireen gobolka Shabeellaha Dhexe, oo qaabilsan Ciidamada ka socda dalka Burundi.

News Keydmedia Online
Askar katirsan Ciidanka Burundi oo ka baxay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska AMISOM ayaa shaaciyay in tobanaan askari oo katirsanaa Ciidanka Burundi ay dalka Soomaaliya isaga baxeen kadib markii ay dhameysteen waajibaadkooda howlgalka soo celinta nabada Soomaaliya.

Maj. Gen. William Kitsao Shume, oo ah taliye ku-xigeenka AMISOM ayaa ku amaaney askarta Burundi ee baxayday sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadkooda mudadii sideeda bilood ee howlgalka Midowga Afrika kamid ahaayeen.

Waxay shaqadooda ahayd inay ilaaliyaan amaanka wadooyinka ay sahayda u marto Ciidanka Burundi ee ku sugan Jowhar iyo degaanno kale oo Shabeellaha Dhexe katirsan, kuwaasoo Al-Shabaab dagaal kula jira.

Waxaa la gudoonsiiyay markii ay baxayeen shalay Shahaado sharaf iyo Billado uu Midowga Afrika ugu tala-galay askarta qeybta ka ah AMISOM, kuwaasoo ka kooban 22,000 oo askari oo ka yimid Uganda, Burund, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Burundi oo dalka labaad ee Ciidanka ugu badan Soomaaliya ka joogaan, waxaa ka horeeya Uganda oo askartiisa ahaa kuwii ugu horeeyay ee yimid Muqdisho horaantii 2007.

Mudadii 14-ka sano ee ay ku sugnaayeen dalka waxay awoodi waayeen inay Al-Shabaab ka saaraan dhamaan goobaha ay ku sugan yihiin, iyadoo QM iyo Midowga Yurub ay ka rajo dhigeen howlgalka, waxayna hoos u dhigeen dhaqaalihii ay siin jiray Ciidamada AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.