DF oo Ciidamo lagu soo tababarey Eritrea geysay Gedo

Kumanaan askari oo qaarkooda lagu soo tababarey Eritrea ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu daad-gureeyay gobolka Gedo, kuwaasoo xiisad ka abuuray xadka Kenya iyo Soomaaliya.

News Keydmedia Online
DF oo Ciidamo lagu soo tababarey Eritrea geysay Gedo

DOOLOW, Soomaaliya - Dowladda Farmaajo ayaa Ciidan dhawaan lagu soo tababarey Eritrea u daabushay gobolka Gedo, waxaana loogu tala-galay inay la dagaalamaan askarta Jubbaland.

Illa saddex diyaaradooda oo ka duulay Muqdisho ayaa ka degay Garoonka degmada Doolow tan iyo shalay, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay Ciidanka la socday ay usoo gudbeen dhinaca Beled-Xaawo.

DF ayaa xoojisay Ciidamada ka jooga Gedo oo sanadkan ay kala wareegtay degmooyinkiisa maamulka Axmed Madoobe uu dhisay ee Jubbaland, waxaana tallaabada uu Farmaajo ku geeyay Ciidanka gobolka sii kordhisay Xiisaddii Soomaaliya iyo Kenya u dhaxaysay.

Wasaaradda Warfaafinta DF ayaa dhawaan sheegtay in Kenya ay malleeshiyaad uu wata C/rashiid Janan, Wasiika Amniga Jubbaland ku hubeynayso gudaha Mandheera, si ay u qabsadeen magaaladda Beled-Xaawo.

Kenya ayaa beenisay eedeynta, iyadoo sheegtay in aysan jiin Ciidan Soomaali ah oo gudaha dalkeeda abaabul dagaal kawada xilligan, waxaana ay intaasi ku dartay inay diyaar u tahay difaacidda xadkeeda.

Fahad Yaasiin ayaa boqolaal dhalinyaro ah sanadkan u diray Eritrea si loogu soo tababaro, kuwaasoo qaarkooda lagu soo celiyay Muqdisho, waxayna kamid noqdeen hay'adda NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.