Gabar Mareykanka ah Cabdulqawi xilka kala wareegtay

Donoghue, ayaa ahayd xubin ka tirsan ICJ illaa 2010, waxaa ku-xigeen u noqon doona nin u dhashay Ruushka oo la yiraahdo Kirill Gevorgian, kaasoo beddelaya Xue Hanqin oo kasoo jeeda Shiinaha.

News Keydmedia Online
Gabar Mareykanka ah Cabdulqawi xilka kala wareegtay

Hague - Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa Isniintii shalay u dooratay Joan E Donoghue oo ah sharci yaqaan Mareykan ah inay noqoto madaxweynaha cusub ee waaxda garsoorka ee Qaramada Midoobay.

Doorashaddan ayaa waxay soo afjaraysaa mudo-xileedkii qareenka Soomaaliya u dhashay ee lagu magacaabo Cabdulqawi Axmed Yuusuf, oo tan iyo 2018 hoggaanka hayay.

Donoghue, ayaa ahayd xubin ka tirsan ICJ illaa 2010, waxaa ku-xigeen u noqon doona nin u dhashay Ruushka oo la yiraahdo Kirill Gevorgian, kaasoo beddelaya Xue Hanqin oo kasoo jeeda Shiinaha.

Doorashadda waxaa lagu qabtay fadhi ay yeesheen 15 garsoore oo sidoo kale ay ku jiraan afar garsoore oo kale oo cusub oo waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ka socda.

Mid ka mid ah howlaha horyaalla ee ay qaban doonto gabadha la doortay ayaa ah inay guddoomiso dacwadda muranka xuduud-badeedka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, taasoo la dhageysan lahaa 15-ka illaa 17-ka Maarso ee sannadkan.

Soomaaliya waxay Kenya ka dacweysay maxkamadda ICJ sanadkii 2014-kii, iyadoo dooneysa inay dib u cusbooneysiiso soohdinta badda ee Badweynta Hindiya ee u dhaxeysa labada dowladood oo gaaraysa qiyaastii 100,000km2 oo bad ah aag oo ku jiro shidaal aan laga faa'iideysan.

Maxkamadda fadhigeedu yahay Hague oo ku taalla Holland waxay xukuntay khilaafaadka u dhexeeya dawladaha ee heshiisyada caalamiga ah iyo arrimaha sohdimaha badda la xiriira, iyadoo hadda gacanta ku hayso mida Kenya iyo Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa mudadii Farmaajo xukunka haystay ku fashilantay inay difaacdo xuduuda badda ee dalka la leeyahay Kenya, taasoo dib loo dhigay dhowr jeer, oo Nairobi la sugaysay inta DF watiga ka dhacayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.