Maareeyihii dekadda Kismaayo oo la dilay

Maareeyihii Dekedda Kismaayo ayaa lagu dilay magaalda Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

News Keydmedia Online
Maareeyihii dekadda Kismaayo oo la dilay

KISMAAYO, Soomaaliya - Magaalada Kismaayo waxaa lagu dilay AUN Maareeyihii dekadda Kismaayo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cawil Cali Barre (Cawil Buluq), ka dib markii ay halkaasi isku rasaaseeyeen ciidanka ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dilka ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo iyadoo warar is khilaafsan uu kasoo baxayo sida uu u dhacay dilka, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay in is rasaaseyn xooggani oo ka dhacday magaalda Kismaayo ay ku dhinteen saddex ruux oo mid kamida uu yahay maareeyihii Dekadda Kismaayo Cawil Cali Barre.

Ma jiro wax wara oo ka soo baxay maamulka magaalda Kismaayo iyo sidoo kale laamaha ammaanka ee magaalada, inkastoo wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in is rasaaseyn u dhaxaysay ciidamo kawada tisan maamulka Jubbaland ay ku baxeen saddexda ruux ee halkaa ku gooriyootay caawa fiidkii.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.