Xijaar oo xulanaya taliyayaasha booliska ee daacadda u ah

Is bedel iyo isku shaandheyn ayaa lagu sameeyay qaar ka mid ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliye qeyb iyo labo ka mid ah Taliye kuxigeenadi qeybta guud ee Gobolka Banaadir.

News Keydmedia Online
Xijaar oo xulanaya taliyayaasha booliska ee daacadda u ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii xilka laga qaaday taliyihii ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Saadaq Joon, 12/4/2021, waxaa soo if baxay kala shaki weyn oo ka dhashay xil ka qaadista Joon, Madaxtooyada Soomaaliya ayaana go’aansatay in ay isku shaandhen ku sameyso hoggaanka ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Taliyaha Qaybta Waliyoow Cadde oo ay hoos yimaadan Taliyayaasha Afar degmo oo kala ah Hodan, Waaberi, Xamar Jajab iyo Howlwadaag ayaa loo magacaabay taliye loo magacaabo Cabdi Basid halka Saciid Cali loo magacaabay Taliyaha Qeybta guud.

Waxaa jira taliyaal xilka laga qaaday, kadib markii looga shakiyay in aysan daacad u ahayn Farmaajo iyo Kooxdiisa, kadib markii ay xalay ka gaabsadeen duullaankii ka dhanka ahaa Saadaq.

Tan markii muddada loo kordhiyay ha’adaha Sharci dajinta iyo Fulinta, waxaa cirka isku shareeray, kala shaki iyo is qabqabsi, waxayna DF, garabkeeda ka baxay Madaxweynaha Galmudug, Qoor-qoor oo si cad u sheegay in uusan diyaar u ahayn taageeridda muddo kororsiga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.