Maleeshiyaadka Shabaab oo Xalay Qaraxyo Ku Weeraray Degmada Shalanbood

Muqdisho (KON) - Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen dad ku suggan Degmada Shalanbood Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab ayaa xalay fariisimo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmada Shalanbood ee gobbolka Shabeellaha Hoose ku weeraray qaraxyo iyo rasaas saf ballaaran ah taasoo ay ilaa iyo hadda ay ka soo baxayaan warar kala duwan.
Warar Keydmedia Online
Maleeshiyaadka Shabaab oo Xalay Qaraxyo Ku Weeraray Degmada Shalanbood

Ilaa hadda ma soo shaac bixin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhshay qaraxyadii iyo rasaastii ay xalay Shabaab ku weerareen magaalada Shalanbood.

Maleeshiyaadka ayaa waxaa ay si gaar ah u weerareen saldhiga iyo xarunta Maamulka degmada Shalanbood, waxaa xalay saqdii dhexe hal mar magaalada laga wada maqlay jugta qaraxyada iyo rasaasta ay soo qaadeen Maleeshiyaadka Shabaab ee laga qabsaday Shalanbood iyo Marka.

Maleeshiyaadkii Shabaab ee laga saaray magaalada Marka iyo nawaaxigeeda ayaa hadda ku dhuumaaleysanaya dhulka duurka ah ee ku teedsan Baraawe iyo Buulo-mareer.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho